Xisbiga KULMIYE oo Cambaareeyay Kulankii Guddoomiyaha UCID la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya




Hargeysa (TNN)- Xisbiga Tallada dalka haya ee KULMIYE ayaa cambaareeyay kulankii uu habe en hore Guddoomiyaha Xisbiga UCID la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxam uud iyo Wasiirkiisa Khaarajiga Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Mudane Xasan Siciid Yuusuf, oo caawa u waramayay sh abakadda wararka ee Somaliland.Org, ayaa tallaabo khaldan ku tilmaamay in Guddoomiyaha UCID uu kulan gaar ah la yeesho madaxda Soomaaliya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Kulankii Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu habeen sadexaadkii kula kulmay Ingiriiska Madax weynaha iyo Wasiirka Khaarajiga Soomaaliya waa arrin khalad ah, mawqifka xisbiga KULMIYE-na waxa weeye waanu cambaareynaynaa xisbi ahaan. Mana jirto sabab ay u yeelan karaan kulan gaar ah.”

“Faysal Cali Waraabe waxa uu ka mid ahaa Gudidii Somaliland u qaabilsanayd wada hadaladii labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya marka wada hadalo rasmi ahi socdaan kulan wuu la yeelan karaa. Laakiin waxaanu qabnaa inay khalad ahayd In Guddoomiyaha UCID kulan gaar ah la yeesho Madaxweynaha Soomaaliya, waanan cambaareynayaa arrintaasi,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf.

Mudane Xasan Siciid oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Faysal Cali Waraabe waxa uu ka mid yah ay Hoggaamiyeyaasha asxsaabta qaranka waxaan u soo jeedinaynaa inuu iska ilaaliyo wixii sumcad xumo iyo shaki kaga beeraya shacbiga Somaliland, dalkiisana nusqaan ku noqon kara .”

 

 

Source:Somaliland.Org