Xisbiga KULMIYE Dhambaal Hambalyo U Diray M/Weyne Geelle


 



Hargeysa  January 24th, 2011   (TNN)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa dhambaal hambalyo ah ugu diray Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar  Ge elle, oo xisbigiisu ay dhawaan markii sadexaad u soo sharaxeen inuu uga qeyb galo  doorasha da madaxtinimada.


Waxa sidaasi lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha guud ee xisbiga  KULM IYE Md. Keyse Xasan Cigge, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan: “Guddoomiyaha Xisbiga  tall ada haya ee Kulmiye Mudane Muusa Biixi Cabdi wuxuu isagoo ku hadlaya magaca Hoggaanka Xisbiga, Kan Golaha Dhexe iyo kan Taageerayaashaba uu salaan iyo hambalyo u dirayaa  Mada xweynaha Jamhuuriyada Djibuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele doorashada loo doortay  Mur ashaxnimada doorashada Madaxtinimada Djibouti, wuxuuna ugu hambalyeeyey kaalinta iyo dadaalka weyn ee uu u galay nabbadda iyo hormarka dalkiisa iyo shacabkiisa.


Shaki kuma jiro in doorashada ay shacabkaagu kuu doorteen Murashaxnimada Madaxtinimada dalkaaga ay ka markhaati kacayso jaceylka iyo kalsoonida ay ummadaadu kugu qabaan.
Waxaa kale oo aan aad ugu kalsoon ahay kaalinta mugga leh ee aad ka qaadato sii xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labadeena dal iyo labadeena shacaba.


waxaan Ilaahay kaaga baryayaa inuu kula qabto hawsha iyo xilkaasi weyn ee aad dadkaaga u hayso.”


Dhinaca kale, war-saxaafadeedka Muuse Biixi ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii  Mad axweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jabuuti oo uu ku bogaadiyay dib u doorashada xisbigiisu markii  sadex aad u soo xulay inuu isu soo taago doorashda sanadkna ka dhici doonta dalkaasi.
 

 

Source:Somaliland.org