Xisbiga Daryeelka iyo Cadaalada UCID UK shir ballaa dh an ku Yeeshay waqooyi-Galbeed Magaalada London

 

London Sabti 24/04/2010 (TNN)- Xisbiga Daryeelka iyo Cadaalada UCID UK oo shir  ballaad han ku yeeshay waqooyi-Galbeed magaalada London wadanka ingiriiska. Shirkaas oo si  fii can loo so abaabulay waxa ka soo qeyb galay Gudiyada Xisbiga ee Gobolada oo dhamaan ka kala yimid UK, Gudida Xisbiga Europe iyo xubno ka socod gudida sare ee xisbiga  Imaara dka { Gudoomiyaha garabka haweenka ee Imaaradka Mrs Safia Da'uud}iyo xubno ka socda gudida fulinta xisbiga UCID heer qaran, Shirkaa oo qudbado ku saabsan doorashada  Soma liland madaxda xisbiga UCID halkaa ka soo jeedisay. . Hadaladii iyo doodihii shirka laga soo jeediyey oo xidhiidh ah lana soo koobay waxay u dhaceen sidan hoos ku qoran.

Shirka ugu horeyn waxa lagu furay aayado quraano, waano iyo wacdi. Xafalada waxaa si habsami ah u xidhiidhinayey, Mustafe Ismail gudoomiyaha London UCID UK , Mustafe wuxuu hadalkii ku soo dhaweeye Gudoomiyaha xisbiga UCID UK Mudane Ibrahim Rashiid.

Ibrahim Rashiid: Gudoomiyaha UCID UK ayaa shirka furay, gudoomiyaha wuxuu ugu  horeyn tiiba salaan iyo mahadnaq ku saabsan sida fiican ee ay uga soo qeybgaleen shirka u soo jeediyey gudiyada xisbiga UCID ee ka yimi Gobolada Uk, xubnaha xisbiga UCID UK  dhamaant ood, Madaxda xisbiga UCID heer europe iyo heer qaranba ah ee madasha fadhida caawo iyo xubno ka socod gudida sare ee xisbiga Imaaradka { Gudoomiyaha garabka haweenka ee Imaaradka Mrs Safia Da'uud iyo dadweyne fara badan oo sharaf leh oo reer Somaliland ah oo ka soo qayb galay xaflada. Mudane Ibrahim Rashiid wuxuu si qotadheer uga  waram ay waxa qabadka xisbiga UCID UK iyo hormarka uu sameeyey bilihii u dambeeyey iyo sida xisbigu u ballaadhay hada gudo iyo dibedba, Ibrahim-Rashiid wuxuu sheegay xisbiga inay si baaxad leh dad badani ugu soo biirayaan taas oo ay sabab u tahay qorshaha siyaasadeed ee xisbigu doorashada ku galayaan iyo ayagoo u arka in xisbiga UCID yahay xisbiga keliya ee isbedel dhab ah oo ummada Somaliland wax u tara keeni kara. Ibrahim Rashiid wuxuu si qotodheer uga waramay kuna soo bandhiga qorshaha siyaasadeed ee xisbiga UCID  dooras hada ku galayo, waxaanu halkaa ka sheegay Laga soo bilaabo wakhtigii la aasaasay xisbiga ee 2001dii ilaa hadda xisbigu wuxuu gaadhay guulo la taaban karo, waxaana guulahaas ka mid ah;



.Xisbiga UCID inuu ahaa ururkii ka badbaadiyey dalka JSL, door muhiima oo la taaban  karan a ka qaatey sidii looga gudbi lahaa qaab-beeleedkii looguna gudbi lahaa nidaamka casriga ah ee dawladnimada ee ku dhisan axsaabta badan.

· In xisbiga UCID mar walba uu yahay ka kaliya ee horseeda xallinta khilaaf kasta oo siyaasi ah oo dalka ku yimaada, isla markaana horseed ka noqda hormarinta danta guud midda gaar ahaaneed.

· In xisbiga UCID yahay mid qayb laxaad leh ka qaata hawlaha daryeelka iyo horumarinta addeegyada bulshada, isla markaasna si gaar ah uga war haya qaybaha bulsho ee jilicsan.

· In xisbiga UCID noqday mid taariikh lama ilaawaan ah ku yeesha arrimaha ictiraaf raadinta iyo xidhiidhka dibada (mid goboleed, qaaradeed iyo caalamiba)Waxaa xusid mudan tusaale ahaan, 6-dii qoddob ee saldhiga u ahaa heshiiskan maanta taagan, in xisbiga UCID uu ka qaatey kaalinta koowaad.

· Maanta xisbiga UCID, waxa uu u taagan yahay in uu horseed ka noqdo nabada, cadaaladda, horumarka iyo ictiraf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

· Barnaamijkan uu xisbigu usoo bandhigayo umadda waa mid ka tarjumaya qoddobadan kor ku xusan isla markaana xisbiga UCID ka dhigaya mid ay u cadahay talladii iyo qorshihii uu ku fulin lahaa kagana midho-dhalin lahaa.



Maamul wanaag iyo hoggaanku fiican oo daacad ah waa waxyaabah ugu muhiimsan ee  loo ga baahan yahay Somaliland . Xisbiga UCID waxaa uu aaminsan yahay in dhibaatada ugu weyn ee maanta Somaliland haysataa tahay hoggaan xumo. Dhibaatadani waa mid soo  ta neyd ilaa maalintii Somaliland xorriyada qaadatey, 1960kii. UCID waxay ballanqaadaysaa inay amuurtaas wax ka beddesho. Si loo helo maamul-wanaagna, UCID waxay la imanaysaa hoggaamin han iyo himilo leh; hoggaamin ku tamarisa aragti-dheer, daacadnimo iyo Alle ka cabsi. Xisbiga UCID waxaa uu hirgalin doonaa maamul-wanaag iyo is-xukun casriya, dimoqr aadiya isla markaana ka sallaysan qiyamkeena iyo horumarka dalku hiigsanayo, waxaa  aan nu u aqoonsanaynaa 10-ka sannadood ee soo socda, 2010-

2020, 10-sannadood ee horumarka iyo barwaaqeynta Jamhuuriyadda Somaliland. Mudane Ibrahim-Rashiid, waaxa uu halkaa ka sheegay in xisbiga UCID yahay xisbigii ugu horeeyey ee soo bandhiga Barnaamijka siyaasadeed Xisbiga UCID { UCID Plitical Manifesto }. Ibrahim waxa u sheegay inay barnaamijka xisbiga ka akhrisan karaan kana daabacan karaan web site ka xisbiga UCID oo ah { http://www.ucidparty.com/ }.



Mohamed Iidle, oo ka tirsan gudida fulinta xisbiga UCID UK, wuxuu ka hadlay xisbigu halku maraayo iyo sida ugu haboon ee looga tabaabushaysan karo doorashad soo socot xag  ab aabul iyo xag dhaqaalaba, Mohamed wuxuu carabka aad ugu adkeeyey in xisbigu maanta uu u baahan yahay taagero dhaqaalo oo lagaga qayb galo doorashada sidaas darteed  tag eerayaasha dibdeda jooga in xil gaar ah iska saaran sidii dhaqaalaha loo soo ururin lahaa. Xisbiga UCID waxa uu muhiimad siinayaa doorka ururada aan dawliga ahayn (Nonstate  ac tors) ku leeyihiin dib u dhiska waddanka dhinac walba, dhaqaalaha, xuquuqul insaanka, cilmi baadhista, kobcinta aqoonta iyo xoojinta doorka haweenka iyo dhallinyarada. Xisbiga UCID waxa uu u arkaa ururada bulshada rayidka ah mid ka mid ah tiirarka dawladnimo ee dalku ku dhisan yahay. Sidaas daraadeed, Xisbiga UCID waxa uu tixgalin mudan siin doonaa xoojinta iyo taageerada ururadaasi iyo qorshayaasha ay la yimaadaan.

Asha Hussein Maraykan, Gudoomiyaha Europe UCID garabka haweenka; Asha waxay u soo jeedisay dumarkii shirka fadhiyey iyo guud ahaan dumarka Somaliland inay codkooda  siiya an Xisbiga UCID Sababtoo ah, xisbiga UCID wuxuu rumaysan yahay in haweenku yahay  asa aska bulsho kasta. Sidaa darteed xisbiga UCID waxa uu garawsan yahay oo aaminsan  yah ay in haweenka Somaliland yihiin halbawlaha nolosha iyo nabadda Somaliland ka jirta  hore na qaybta ugu weyn uga soo qaateen nabadaynta iyo horumarinta dalka. Sidaa darteed, xisbigu waxa uu ahmiyad u qalanta siin doonaa ururrada haweenka ee heer walba si loo sii kordhiyo waxqabadka ay u hayaan dalka. Waxa kale oo xisbigu xoogga saarayaa xirfadaha shaqo iyo baayac-mushtar ee haweenka u gaarka ah. Xisbigu wuxuu haweenka u  samayn ayaa xarumo iyo naadiyo cilmi iyo bulsho u gaar ah oo ay hawlahooda ku qabsadaan.



Mrs Safia Da'uud, Gudoomiyaha garabka haweenka ee Imaaradka, Marwo Safia ugu horayn waxay sallaan iyo mahadba u gudbinsay xubnaha xisbiga UCID, iyo dhamaan dad weynaha ka soo qeyb galay shirka, Marwo Safia waxay si mug leh ugu warrantay sida xisbiga UCID uga hirgalay Imaaradka carabta iyo sida xisbigu u ballaadhay oo loogu soo biirayo maalin kasta. Maro Safia waxay sheegtay in Xisbigu waxa uu si gaar ah u korinayaa kaalinta  haw eenku kaga jiraan siyaasadda

shaqadda, maamulka iyo waxbarashadda; si taas loo helona waxa aannu haweenka kaalin mug leh ka siin doonaa maamulka dalka, sida goleyaasha xukuumada, deegaanka, gobolada iyo guddiyada dalka. Waxa aannu aaminsanahay in haddii garaadka, aqoonta iyo fikirka  ha weenka la kobciyo, la heli karo bulsho toosan oo kasoo jeeda qoysas wanaagsan una  dhis an ruux ahaan iyo aqoon ahaanba (spritual and intellectual), sidaas daraadeed xisbiga  UCID waxaa uu ballanqaadayaa in uu siyaasad dhammeystiran oo daryeelka iyo horumarinta haweenka JSL lagu suurto-galiyo.



Keysar Abdillahi Mohamed, Xoghayaha warfaafinta Xisbiga UCID: Mudane Keysar wuxuu war bixin qotodheer ka bixiyey xaalada saxaafada iyo warfaafinta ku saabsan ee  Somalila nd ku jirto, Keysar wuxuu halkaa ka sheegay Saxaafadda noocyadeeda kala duwani waxay nuxur u yihiin nolosha dawladnimo;

Xorriyadda saxaafaddu waxa ay ka mid tahay xorriyaadka asaasiga ah ee dustuurka  Som aliland dammaanad-qaaday. Iyadoo la tixraacayo qawaaniinta ku saabsan warbaahinta eek u xusan distoorka iyo xeerarka saxaafada, ayaa aannu samaynaynaa gole saxaafadeed agaasima isla markaana horumariya saxaafadda waddanka si loo tayeeyo; golahani waxaa uu u taagnaan doonaa arrimahan hoos ku qoran:-



1- warbaahinta waddanku noqoto mid ku socota distoorka iyo xeerarka saxaafada

2- ayna marnaba imanin cabudhin ku timaada saxafiyiinta, si looga horistaago waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin ee sharciyada dalku damaanadqaaday

3- la helo saxafiyiin tabobar sare leh oo ka tirsan dhinaca warbaahinta dawladdu maamusho iyo tan gaarka loo leeyahayba (public and private media)



Dhinaca kale, waxa aannu si xisaabtan leh u ogolaanayaa idaacado madaxbannaan sida FM ka, isla markaana waxa aannu ballanqaadaynaa in aannu

ballaadhino oo aannu tayeyno Idaacadda iyo TV qaranka si ay waddanka oo dhan ay u  wa dda gaadhaan. Warbaahinta dawladdu (Radio, TV and Newspapers) waxay guud ahaanba noqon doontaa mid meel kaliya laga hago, siyaasad cad oo wadaniyana ku shaqeysa. Warbaahinta dawladda UCID waxay noqon doontaa mid umadda u tabisa warar deg deg ah oo suggan, barnaamijyo ku qotoma cilmi, wacyigalin iyo jihayn umadeed iyo madadaalo  hab boon waxtarna leh. Xisbiga UCID waxa ka go’aan ah in saxaafadda qaranku u sinnaato muwaadiniinta iyo xisbiyada qarankaba; sidaas daraadeed, waxaa aannu soo afjari doonaa warbaahintii dawladda ee ku sallaysneyd rabitaanka iyo hirgalinta danaha gaarka ah ee shakhsiyaad xukuumada ka tirsan.



Mohamed Ibrahim Aden, Xoghayaha Arrimaha gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada: oo shirka hadal ka soo jeeday wuxuu si qotodheer uga warramay marxaladaha Somaliland soo  mar tay iyo xaalada adag ee ku jiro wadanku maanta. Mohamed wuxuu sheegay in Dalkeenu yahay dal khayraad badan leh oo isku filan, hase yeeshee waxa uu u baahan yahay hogaan iyo dawlad u adeega shacabka oo daacad ah , Xisbiga UCID wuxuu doonaya inuu wixii xumaa ee jiray maamul wanaagsan ku bedelo, xisbiga UCID hadii doorashada ku guuleysto wuxuu dhisi doona dawlad tayo leh oo kooban, ummada Somaliland ka dulqaadi doono dhibaatada iyo baahida haysata. Waxaanu dadwaynaha madasha fadhiyay u iftiimay inay ku shaqeeyan aragtidooda iyo taageeradooda taasina tahay mid ku salaysan siyasadada xisbiga UCID, Mohamed waxa kale oo war bixin ka bixiyey sida loo galayo doorashada iyo in la bixin doono kaadhadh cusub sidaas darteed loo bahan yahay in dadka lagu dhiiri gelyo inay kaadhka qaatan si ay u suurtogasho inay codeeyaan, codeyntaa oo ah wax muwaadinku xaq u leeyahay inay doorto hogaamiyihiisa. waxa kale oo uu soo jeediyey ina sidii lagu heshiiyey in loo baahan yahay in lagu qanco dhamaaan saddexda xisbi natiijada ka soo baxda servre ka, si doorasho xalaal ahi inuugu dhacdo. Shirkii qaybtii hadalka iyo qudbadaha madaxda waxaa soo gabagabeeyey soona xidhay Mudane Mohamed Ibrahim.

Waxa kale oo shirka ka soo qaybgalay oo ka hadalay, Gudoomiye ku xigeenka UCID UK  Kos ar Aideed Abdi, Nur Hussein Cumar Xashi oo ka tirsan gudida fulinta UCID heer qarran, Wa siirkii hore warashadaha Somaliland Mohamed Suleiman Weyne, Mohamed Haybe  Gudoomi yaha Bristol, Kaltuun Ibrahim Mooge Gudoomiyaha garabka haweenka UCID UK.Khalid  Has san gudoomiyaha Xidhiidhka dhalinyarada Europe. {Birmigham}. Saynab Mohamed Omar Gudoomiye ku xigeenka garabka haweenka UK . Mohamed Suleiman Guray.

Gudoomiyaha UCID Shafield, Saeed Omar Gudoomiya Europe UCID, Saynab Saxardiid  Gudoo miyaha Xidhiidhka Europe . Shiine Koodbuur gudoomiyaha Maaliyada UCID UK , Fardowsa Osman Farah {Hamishol} gudoomiyaha gobolada bariga, Engineer Abdillahi camay  xogha yaha xisbiga UCID UK, iyo Dr Aborkor Fahiye Gudoomiye ku xigeen Europe UCID, Mustafe Ismail Gudoomiyaha London UCID., Hassan Ahmed Gudoomiyaha Dhallinyarada UCID UK. Sa’caad Mohamud Gudida UCID Bristol

Qudbadaha kadib waxa halkaa lagu soo bandhigo madadaalo iyo cawys ay soo bandhigeen Abwaano iyo fananiin caan ah oo ay ka mid yihiin Nimo Yasiin, Xudaydi, Yusuf dheere, Moha med Suleiman Guray iyo abwaano uu ka mid yahay Mohamed Beeldaaje oo halkaa ka tiriyey gabayo ku saabsan doorashada Somaliland iyo fanaani kale oo badan.



Allah Mahad Leh





Xisbiga Caddaalada & Daryeelka
UCID UK , London . { Justice & Walfare Party }