Waxaa haboon in
Xisbiga talada hayaa Muujiyo xilkasnimo

Salam
calaykum ,
Waxaa haboon in Xisbiga talada hayaa Muujiyo xilkasnimo iyo inuu
yahay mas’uulka huwan
Sharaftii ummada una tudhaa shicibkan abaaruhu faraha kulul hayaan
kana waan toobo wax kasta
Oo dhantaali kara geedi socodka nabadan yar ee Somaaliland ku
nooshay. Markasta oo doorasho soo
Dhawaato UDUB waxay bilaabaan talaabooyin ay carqaladeynayaan ama ay
ku doonayaan mudo kordhin . Arrintan waxaa isla markaaba ka biyo
diida 2xisbi ee kale, kana bixiya qeylo aad u dheer iyaga oo u
tilmaamaya sida cad ee dastuurkii iyo sharcigii ummada kala hagi
lahaa loo dulmiyaayo.
Tan kale markasta oo dagaal siyaasadeed qarxo siiba xaga qabashada
doorashooyinka, Salaadiint, Cuqaasha iyo wax garadku waxay isku
duubaan 2 xisbi ee kale oo khaati ka jooga munaafaqada UDUB.
Kuna muslaxaan inay markale ogolaadaan mudo kordhointa, waa yaab iyo
lama arag. 2xisbi ee kaleiyaga oo daneynaaya lexejecelna ka qaba
ummada iyo dalkaba waxay okda siiyaan ergada. Waana amaan ay
mudanyihiin.
Hadaba xsibiga udub ee isla weynidu ka muuqato ee aad arrintooda
moodo aniga waxba igama gelin, waxaa loo baahan yahay cidii qaban
lahayd, una sheegi lahayd inay dulmig ka daayaan ummada, xisbiyada
kale iyo weliba udub dhexdiisa , hadii la qaban waayo oo weliba
garab lagu siiyo arrinta meel xun ka eeg (ogo
dikteytarka dadkaa abuura).
Runtii xisbig udub in la dafiro wixii ay dalka u qabteen ma aha,
intii kartidooda ahayd wey dadaaleen
Laakin waxaad moodaa in arrintoodu tahay kani waa dhul oo kama kaco.
3da xisbi qaran waxaa fiican in xisbi weliba soo bandhigo, siyaasada
uu dalka ku hogaaminaayo , anigu tallo ahaan waxaan soo jeedinayaa
in 3da xisbi (debate) isugu yimaadaan
mid welba ku cadeeyo siyaasadiisa.
Sidaa iyo nabadgelyo.
Maxamed Yuusuf Buux
Holland |
|