XISAABAHA GAARKA U AH WASIIR SAMAALE EE UU KU DARSADAY MIISAANIYADDA-QAYBTII 2

 



Waxaynu ku eegnay qaybti kowaad seddex xisaabooh oo WAsiir Samaale buuxsaday si uu u helo hanti aanu cidina weydiisan oo sida uu doono ugu tagrifalo. Waxa ayaan darro ah in Golaha Hurd a ee Wakiiladu yahay wax matare aan meeshan banayn. Waxa hubaal ah in halka Soomaliland ka socon ladahay tahay jileeca ku jira Golaha ood moodo inay isagu tageen aqoon yarri iyo dhoohan aan. Miisaaniyaddu waa tan kaliya ee Golaha awood u yeeleysa hadday u maamulaan sida dauur ku oggolyahay. Cidda daba galka u lihi waa iyaga. Cidda dalban karta xisaab xidh iyo warbixin sed ddex biloodle ihi waa iyaga, cida hantidhowrka hawlgelin karta waa iyaga. Intaas oo dastuurku u oggolyahay ayey ka hurdaan. odhan maayo waa la laaluusha ee masuuliyad darro ayaa ku habs atay.

Maantana waxaan idin horkeeni seddex xisaabood oo kale oo Sheekheena ayadaha quraanka ku muraadsadaa uu buux dhaafsaday si uu u helo xantoobin xeeladaysan.

KHRASHKA SAMEYNTA MIISAAANIYADDA oo ahayd 2012, lacag dhan 462 Milyan waxuu ka dhi gay 2013, lacag ah 962 Milyan, korodhsiino 500 Milyan una dhiganta 108%

DHIIRIGELINTA IYO ABAALMARINTA oo ahayd 2012, lacag dhan 200 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 500 Milyan. korodhsiimo ah 300 milyan una dhiganta 150%

HABEEN DHAXA TRAVEL ALLOWANCE oo ahayd 2012 lacag dhan 219 Milyan, waxuu ka dhigay 432 Milyan, korodhsiimo ah 213 Milyan una dhiganta 97%.

Kolkaad isu geyso seddexdan xisaabood oo keliya halkay 2012 ahaayeen 881 milyan, waxuu ka d higay 2013, lacag ah 1894 milyan, korodhsiimo ah 1013 milyan una dhiganta 115%.

Haddaba ma tahay wax maquul ah in laba jibaar iyo wax ka badan ay xisaabahani hal sano ookali ya isu bedelaan. Meedey se xisaabtii dhabta ahyd ee 2012 la khrashgareeyey. Sabab la' aanta loo kordhiyey lacag intaas leeki waxay ina tusaysa masuuliyad darraanta ciddi hor joogsan lahay d boobkan cad oo ah Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada.

Khrasha loo bixiyey sameynta miisaaniyadda maxa ka dhigey inay laba jibaar iyo siyaade noqoto illeyn awalba waa la sameyn jiray oo waa shaqo maalmeedka wasaaradde..

Sheekha hadalka macaani bal heyno bayaamiyo waxa kalifay inuu lacagta intaas leeg ku darsado miisaaniyadda oo uu si guracan u isticmaalo lacagta ay ka ooman yihiin kuwii laga soo uruuriyey, kuna baxaysa meel ayna oggayn.

Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso inta wanaagga kula jecel eed eryanayso iyo inta xumaanta ku maleegeysa eed hoosta gashanayso. Alle ha ku tuso hanti boobka la farsameeyey iyo baahida dalka taala. Aamin.


Cabdi Xaaji Axmed
hargeysawi@gmail.com

Hoos ka akhri qaybti KOWAD
 

 

 



XISAABAHA GAARKA U AH WASIIR SAMAALE EE UU KU DARSADAY MIISAANIYADDA-1

 


Waxa hore aan idinku sheegey sida iga soo gaadhay masúul wasaaradda maaliyadda ka tirsan sida uu Samaale uu miisaaniyaddii 2013 dhismaheeda uga dhigey mid aan cidi kale aqoon oo uu wasiir walba uu gaar ula gorgortamay siiyeyna inta isaga khuseysa oon wasiirna ogayn kan kale miisaaniyadiisa, taasina ay dhantaashay doodi laga yeelan laha miisaaniyad qaran oo u dan ah ummadda. Haddaba hadafka uu taas ka laha waxa ay tahay inuu helo xisaabo uu keligii miisaaniyadda gashado oon cidi ku ogaan. Waana kuwan qaar ka mid ah oon halkan idiinku soo gudbin doono.

Xisaabahaasi dhamman waa qaar uu Wasaiir Samaaale keligii Maamulo oon cid kale awood u lahayn kana war hayn sida loo bixiyo iyo cidda la siiyo toona. Waana mid ka baxsan habaka loo maamulaa nidaamka dawladda. Waxa Samaale uu Wasaaradda la yimid boob iyo dhac qaawan oon cidina ku haysan. Waana mid ayaan darro ah in la waayo cid dhacan joojisa. Waxa muuqata inuu helay awood qarsoon oo uu ku jaahwareeriyey xukuumadda, hantidhowrkuna noqday mid wasiirka u shaqeeya halkuu noqon laha kan wasiirka xisaabiya.

IJAARKA GAADIIDKA, GURYAHA ...oo aha 270 milyan sanadkii 2012, waxuu ka dhigay 600 milyan SlSH korodh ah 330 MILYAN

KHRASHKA LACAG URUURINTA aha 600 milyan 2012, waxuu ka dhigay 1500 milyan korodh ah 900 milyan

LA-DAGAALANKA KONTRABAANKA aha 219 milyan 2012, waxuu ka dhigay 1150 milyan korodh ah 931 milyan

Xisaabaha kale ayaa ka cajiib badan oo qaarkood aad la yaabi doonto magaca ay sitaaan iyo kha rashka ku jira, ee bal isu geeya korodhsiimada seddexdan xisaabood oo keliya. halkey 2012 ka ah aayeen isugeyn 1089 milyan waxuu ka dhigay Saamaale 3250 milyan una dhiganta korodhsiimo 300% ah. Lacagtaas lama naaqishin Golaha Wasiirada, waayo lamaba keenin oo Saamale isaga ayaa Wasaarad kasta la xisaabtamay si gooni ahna u siiyey miisaaniyadda WAsaaradiisa oo keliy a, tiisna cidi mey arag mana naaqishin xata Madaxweynaha waxba lagama weydiin.

Ma tahay wax macquul ah in sanad keliya khrash intaas leegi kordho , maxay asnsixiyeen Golaha hurda ee Wakiiladu, bal wareysta oo heli mid keliya oo xata idiin qira inuu arkay lambaradan, is daa inuu naaqisho amba oggolaadee.


Waa ayaan darro ina haysata.
Waxaa inoo xigta xisaabo kuwana ka yaab badan ee la soco.

Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso halka maalkii maataada iyo danyarta laga uruuriyey halkey ku baxday. Waan kuu duceeya ee Alle ha ku siiyo caafimaad.
 

 


Cabdi Xaaji Axmed.
Hargeysawi@ymail.com