XIRSI OO XAQIIQSADAY SUURTAGALKA MADAXWEYNENIMADA SAYLICI

 


Nin ka ag dhow madaxtooyada ayaa si kaftan ah iigu yidhi ha moodin in Xirsi la reebay socd aalka Turkiga, isaga hadhay oo raba inuu kasbado qalbiga Saylici deedna u dhaadhaco mas kaxdiisa. Waxaan idhi waayo... si hawl yar ayuu igu jawaabay miyaanad garan 27 July 2013 waxay muhiim ugu tahay Saylici...Waxaan idhi ii jilci.

WAxuu yidhi...Maalintaas laga bilaabo haddii sim uun amba ka xayoobin ha noqoto amba is casilaad amba tii Allabe..ay ku timaado Madaxweynaha, Saylici ayaa toos u noqonaaya Ma daxweyne. Xirsina ma kala jecla Siilanyo iyo Saylici ee waxuu raba inuu kol walba daaha da badiisa ka taliyo.

Faaladi ayaa nala durugtay..waxuu yidhi miyaanad arag sida diiran ee Saylici loo soo dhow eeyey. Miyaanad arag Wasiiradi culka la ahaa oo hal dabo la' airportka u tunnaa saacado waxaas waa xaqiiqda jirta..waliba laga yaaba inuu Xirsi odayga sii tukhantukhiyo oo uu de al la galo Saylici maamul ka xayuubin ah..isagoo Xirsi haya siro badan oo caafimaad iyo mus uqba leh oo Siilanyo xilka lagaga qaadi karo..bal adba..

Amuuraha siyaasadda Somaliland lama saadaaliyo oo waa tan Warancadde, Xaglotoosiye, Garaad, iyo dhammaan kuwii la colka ahaa Siilanyo gudaha soo galay..haddeer waxaaba loo yeedhaya Ismaciil Yare..Ma laha madax iyo minjo, ma laha saaxiib iyo xisbi..waa danayste iyo caado la yaab leh oo Siilanyo dalka ku soo biiriyey. Isagana taas ayaa danbarsan doon ta oo kuwa uu hoostiisa keenay ayaa ku laba kaclayn..sidaad ragga kula soo shaqeeyey u tuurtay ayey kuu tuuro..Xirsina wuu arkay daneysnimada odayga isna waa la dabeecad oo hadda ayuu bilaabaya Siilanyo dabadeed waxuu noqon.

Su' aasho waxay tahay tolow Saylici muu noqon Siilanyo? Ka faalood shacbiyahow. Ka war an Saylici oo Madxweyne ah iyo Xirsi oo weli meesha yuurura...Waxaan idhi taasi waa hab   aar..Saylici ha qabto laakiin yaanu maalina Xirsu ku nagaan meesha..waliba waa in dacwad iyo sharciga la mariya..waxuu yidhi hadda Saylici ka dheer xukunka...waar isaga iyo Xirsi ha heshiiyaan oo odayga ha fadhiisiyaan sidaas ayey dantu ku jirta...Jawaab maan siin waayo waxba ka jira..mana jecli..

Madaxweyne duco qaado oo hawli kuguma hadhin ee aakhiradaada u tudh, xilka si sharci a  h ku wareeji adoon lagu tuurin..ka hor deg Xirsi iyo Samaale shirqoolka ay kuu wadaan .... talo waayeel dhe..Alle ha kugu anfaco.
 

 


Cabdi Xaaji Axmed
hargeysawi@ymail.com.