XIRSI OO U DHAQMAAYA SI AY KA XISHOODEEN AMIIRADA CARABTU

 



Waxa maanta wargeysyada iyo TVga Qaranka iyo wabsedyada laga naasnuujiyo xoolaha umma dda lagu baahiyey waqqabadka Wasiir Xirsi oo ah arrin nin masuul ihi ku kicin karin tan lagu faa ninaayo, ay tahay badheedh iyo jahli iyo maangaabnimo tii ugu sareysay.

Waxa Xirsi hantidii dalka iyo waqtigii uu umadda u shaqeyn lahaa ka door bidey inuu casuumad u fidiyo dhalinyaro uu ugu yeedhay aqoonyahankii India. Waa raggii ay bunka ku wda cabijirren India, laakiin waay o/ Miyaanu wasiirwaliba lahayn asxaab ay wadan wada joogeen.

Bal ka waran kolka wasiir hebel casuumo Ardaydii UK wax ku baratay, kuwii Masar wax ku barta y, kuwii Maraykan wax ku baraty.

Waligeen mieynan maqal ilaa boqorada casuumad qaran oo magacaas oo kale wadata. Wey ka xishoodaan oo xataa haddy asxaabtooda casuumaan si hoose oo private ah ayey u casuumaan. Waligaa meel kasta ood joogto ma maqashay mas' uul qaran oo Tvgii qaranka, Wargeyskii Qar anka iyo kuwa madaxa banaan siinaaya lacag oo leh waqtii qaranka iyo maalkii qaranka een ku casuumay asxaabtay baahiya oo ku dar waxqabadkii wasaaradda. Marka aqoon yari iyo kibir is raacaan wax walba filo.

WAxa iyana iga yaabisay raggan u badheedhaya inay soonkooda ku afuraan xaraan ay ogyihiin. Culumadu waxay isku raacday maalka ummadda eed ogtahay inuu qof si qaldan kuu siinaayo am ba ku cunsiinaayo waa xaraan aad u badheedhey.

Xirsi waxa baalasha ka fadhiyey rag uu shaqo geliyey oo toban ah oo xilal xukuumadda u haya. dhammaan waxay ku heleyn xilka shaaha ay la cabayeen Xirsi. Waana qaar isu heysta sidiisa inayna dhacayn waayo Xirsa jooga. Xoghayaha Khaaska ee Madxaweynahu waxuu ka gaabsada y inuu tago xafladdii Qurbojooga Madaxweynahu u qabtay oo xiligaas socotay. Illeyn Madaxwey ne ma shaqaysiin mana eri karee labdan wuu kala doortay oo tan ayuu door bidey.

Bal amuurtan eeg. Qurbajoog oo dhan ayuu Madaxweynuhu casuumay isla xiligaas iyo waqtigaas ayuu Xirsina u qudbadeenaaya Ardaysii India. Baal kibirkaas iyo amar diidadaas dhugo. Waa magac ka dil Madaxweynaha ah iyo inuu asxaabtiisa u muujiyo inaanu waxba ogayn madaxweynahu, oo waxuu doono liqsiiyo waxuu doonana ka madajiyo.

Xirsi reer India sir ayey ka hayaan, intii ugu dhoweedna wuu shaqaaleysiiyey, wax kasta ool qaldaan waa ka maydhan yihiin oo waa siri daari. Bal dhuux hadalka " Casuumad kasta qabsada khrashkana aniga i weydiiya.."

Madaxweyne haddaanad manta garan ceebta habeen iyo maalin uu kuu maleegaayo iyo ixtiraam la' aanta , waxa dhab ah sida Xirsi sheegaayo inaanad jirin.

Madaxweyne Waan kuu duceeyaa.

 



Cabdi Xaji Axmed