Xilkasnimadii maxaa ku dhacay?


 

 


Nin ka mid ah wasiirada Somaliland ayaa soo galay hudheel markaas ayaa salaan la isla wada taagay oo dhabanada laga dhunkaday. Farxad awgeed ayuu mid markaa salaamaayey ku yid hi, “ Wiilkii shaqadii waan qoray”. Jawiga caynkaas ahi miyuu qabtaa dhalinyarada tirada ba dan ee ka soo qalin jabisay jaamacadaha badan ee ku yaal Somaliland? Somaliland haddii aad an garab haysan shaqo lama helo.

Waxay sidaa ku noqotay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo la doonaayey in ay la soco to qof kasta oo loo qoraayo dawladda ayaa hawsheedii ka soo bixi weyday. Masuuliyadeedu waxay ahayd in iyada loo soo gudbiyo shaqaalaha loo baahan yahay markaasna ay u soo ban dhigto shaqa doonka. Wasaaraddu waxa kale oo ay daayacday xuquuqda kumanaan kale oo u shaqeeya huteelada iyo maheradaha madaxa banana ee dalka. Shaqaalahaas lama siiyo maal in fasax ah todobaadkii haddii uu xanuun ku dhacana muddada ay shaqada ka maqan yihiin wax lacag ah lama siiyo. Markaa waxa aad mooddaa in aynu ku sii socono waqtigii la odhan jiray, “ Ma waxaad ii weyday macallin haddii aad ii weyday biatooni sidii laga soo sheegi jiray konfurta Somaaliya waqtigii xukunka daakhiliga.



Waxa markhaati ma doon ah in dawladda hadda jirtaa ka wanaagsan tahay dawladdii ka hor raysay xagga horumarka iyo waxqabadka. Waxa la filayaa in dawladaha ka danbeeyaana ay ka sii wanaagsanaadaan ta hadda jirta. Hase-ahaatee, dawladdan Siilaanyo haddii ay si gura can ay maamusho tijaabooyinka lagu hayo hadda waxay noqon doontaa ka dar oo dibi dhal. Tusaale, haddii baroorta dumarka iyo codsiyada odeyaasha la maqlo waxay doonayaan oo mudnaanta aan la siin caddaaladda iyo garsoorka waxay beel kastaa markeeda bidhaansan doontaa go’aamada laga gaadho arimahan musuqmaasuqa ah. Sumcaddii, magacii iyo kala danbeentii ummaddhana waxa markaas soo gaadhi doona dhaawac weyn.



Waxa haboon in aan la dhegaysan barnaamijyada ka soo burqanaaya Televisionka Horn Cable ee ku saabsan masuuliyiintii la xidhay, barnaamijyadaa oo ka kooban sasabasho iyo handida ad. Lama dhagaysan karo ‘wiilkayagu wuu soo dagaalamay ma waxa lagu xidhayaa laba kiish oo bariis ah’? Haa, oo laba kiish oo bariis ah ayaa lagu xidhayaa haddii ay ku caddaato. Haddii qof kastaa laba kiish xado maxaa soo hadhaaya?

Danbiyada noocan ah waa in dawladdu ka ilaalisaa in xin iyo shirqool uu ka danbeeyo. Haddii masuuliinta dawladu dhexdooda uu xin ka abuurmo dhibaato aan laga soo waaqsan ayaa soo gaadhaysa shicibka. Waayo waxqabadkii, horumarkii iyo maamulkii dalka ayaa jiitamaaya oo gacanta ka baxaaya.

Somaalidu asalkeedaba xil iskama saarto waajibaadka qaranka iyo dawlidnimada ay laga doo naayo. Waxa iska dhexgelay xeerarka qabiilku uu leeyahay iyo kuwa qaranka, waxayna mudn aanta siiyaan qabiilka.

Nin Ingiriis ah ayaa weydiiyay nin Somali ah ka ugu mudnaanta badan geela, diinta iyo qabiilka. Wuxuu ku jawaabay qabiilka waayo qabiilku waa tol kaa dhiciya cadowga, marka aad baahan tahayna ku quudiya ama kuu uruuriya qaadhaanka. Fikradda caynkaas ahi waa shirki ka mid ah dunuubta waaweyn ee lagu galo naarta waayo wax kastaa waxay ku yimaadaan qadarka Ilaahay.

Dawladnimada iyo in la isxukumaa waa wax la ogyahay in ay lama huraan u yihiin jiritaanka iyo horumarka bulshooyinka ku nool aduunka, waayo : (1) Dawladdu waxay dhulkeeda ka ilaalisaa cadowga ku soo duula. (2) Waxay ilaalisaa nabadda dadka ku nool gudaha xadkeeda.(3) Waxa kale oo ay hubisaa in qoys kasta oo ka mid ah ummaddeedu uu ku leeyahay meel ay ku noolaa daan iyo siday quudkooda u heli lahaayeen. Labada hore waa la arkaa hase-ahaatee waajiba adka saddexaad badanaa lama tixgeliyo, waayo waxa badan danayste-yaasha, leexsiga xool aha dadweynaha, hanti-boobka, qof jeclaysi, sadbursiga iyo arimo kale oo badan. Kuwaas oo dhammaantood dadka ku abuura caloolyow iyo niyad-jab.

Waxaan maalin u tagay wasiir aan aqoon u lahaa wuxuu iga codsaday in aan meel ku sugo. Markii aan cabbaar fadhiyey ee aan raagsaday ayaan meeshii ka soo kacay. Waxaan arkay wasiirkii oo ka soo baxay xafiiskii lana socdaan koox marti ahi. Wuxuu ku dhawaaqay in isaga iyo kooxduba yihiin Kulmiye. Waxba kuma jabna in uu Kulmiye yahay hase-ahaatee waa masu ul dadweyne waxay ahayd in xafiiskiisa iyo shaqaalihiisa uu siyaasadda ka ilaaliyo.

Dawladdu waa in ay ku adkaysataa oo ay dhiirigelisaa in la dhiso warshadda sibidhka ah. Rag ga musuqmaasuqa u xidhan waa in maxkamad la geeyaa oo haddii danbiga lagu helo aan la sii deyn. Qolooyinka ka hadla TVga ee ka kooban raga iyo haweenka waxa loo hayaa qaar u jawa aba oo tusa In ay danbi ka galayaan beelaha kale.

 

 

 

 

Daahir Cumar Saalax
dahir_salah@hotmail.co.uk
Liverpool,UK