Xildhibaano UDUB Ka Tirsan Oo Si Kulul U Beeniyey War Uu Qoray Wargeyska Waaheen Oo Sheegayey Inay Ku Biireen Xisbiga Kulmiye


 

 


“Warka Ay Leeyihiin Garabkii Axmed Yuusuf Yaasiin Ee UDUB Ayaa Ku Biiray Kulmiye Waxba Kama Jiraan, Khilaafka Laga Hadlayo Ee Taagana Anaga Ayuu Xalkiisu Noo Yaalaa” Xildhibaan Wayso-Cadde


Hargeysa (TNN) – Xildhibaano ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ee khilaafku nugleeyey ay aa si kulul u beeniyey war ku soo baxay Wargeyska Waaheen Cadadkiisii shalay ee 876, kaas oo sheegayey in garabka uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Xisbigaasi Axmed Yuusuf Yaasii in oo ay ka mid ahaayeen uu ku biiray Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo Waxba kama jiraan ku tilmaam ay inay ku biiraan Xisbul Xaakimka talada dalka haya.

Xildhibaadaas oo kala ahaa Xildhibaan Maxamuud Jaamac Cilmi (Dable), Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Wayso-cade) iyo Xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac ayaa waxay sidaas ku sheegeen mar ay shalay Wargeyska Haatuf ugu waramayeen Hutelka Fish and Stack ee Magaalada Hargey sa. Xildhibaanadaas UDUB ayaa waxa ay sidoo kale ka dhawaajiyeen inaanay Wasiiro iyo Madaxw aynaha midna la kulmin, isla markaana aanay wakhtigan jirin duruuf ku kalifaysa inay Xisbi kale u digo-rogtaan, kuwaas oo sheegay inay diyaar u yihiin inay u hawlgalaan sidii loo dhamayn lahaa khilaafka dabada dheeraaday ee kala irdheeyey Hogaanka xisbigooda.

Ugu horayna Xildhibaan Maxamuud Jaamac Cilmi (Dable) oo madashaas ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa qurux badan in Jaraa’idku ay ummadda horumarkeeda iyo waxyi g alinteeda ka shaqeeyaan, Jaraa’idada dalkeena qaar badan oo ka mid ahi waxay caadaysteen waxyaabo badan oo dadka Maxkamad lagu gaynkaro inay qoraan. Mida kale anagu waxaanu nah ay Xildhibaanadii UDUB, isla markaan Xisbiga UDUB waa aas-aaskii iyo udub-dhexaadkii Axsaabta, waxaa maanta Xisbiyo iyo Ururo meesha yaacaysaane UDUB ayey ka wada dhasheen, waana Um ul Qur’a halka laga yidhaahdo Maka oo waa Hooyadii Axsaabta Somaliland ee maanta jirta. Anagu ma nihin dad meelkale u guuraya maanta anaga oo ninkii Siciimkii Khaalidka ahaa ee SNL aas-aa say ee Istiqlaalka keenay la biyo Cabnay oo la shaqaynay waxna la qaybsanay markaa ma nihin anagu dad dawr u raran yahay oo meel u guuraya. Anagu ma nihin niman Wasiiro ama Agaasima yaal Raadinaya ee anagu waxaanu nahay niman Tacabkii iyo taariikhdii UDUB ilaalinaya. Markaa waxaanu si cad u beeninaynaa wararkii maanta oo bishu tahay 18-kii July 2012 ku soo baxay ee cadadkiisu ahaa 876 ee sheegayey inaanu Madaxtooyada tagnay oo aanu ku biirnay xisbiga Kulmiye, isla markaana warkaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxaananu ummadda u sheegaynaa inay halkayagii nagu ogaato oo marka aanu arin goosanana go’aanka aanu soo saarno anaga oo Xildhibaanadii UDUB ah waanu la soo socodsiin doono bulshada Insha Allah”.

Sidoo kale waxa isaguna dhiniciisa ka hadlay arintaas Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Wayso-c ade), isaga oo Warka Waaheen ka qortay ka hadlayana, waxa uu yidhi “Warka maanta ku soo b axay Jaraa’idka Waaheen ee lahaa Garabkii Axmed Yuusuf Yaasiin ee UDUB ayaa ku biiray Kulmiy e waxba kama jiraan oo war aan sal iyo raad toona lahayn, warkaasna sida ay dadku u qaateen ee uu u dhigan yahay ayaanu cadaynaynaa inaanay waxba ka jirin, anagu waxa aanu nahay Xil dhibaanadii UDUB, hadii ay rag ka tagayaan Xisbigana anagu ma nihin nimankii ka tagi lahaa oo waxaanu nahay kuwii u hadhayey, khilaafka laga hadlayo ee taagana anaga ayuu noo yaalaa inaanu xalino. Marka la leeyahay guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii ayaa khilaafkii ku hes hiin waayey oo xal ka gaadhi waayey arinkaasi waa mid anaga noo yaala oo arin aanu uga tagay no xisbigana maaha, sida warkaas ay Waaheen u dhigtayna waxba kama jiraan anaga in xisbiga lanooga tago mooyaane cid aanu uga tagaynaa ma jirto, isla markaana rag meelkale la tuso oo laac kale ku maqana ma nihin”.

Xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac oo ugu danbayn Haatuf uga waramaya wax aka jira wararka sheegaya inay ku biireen Kulmiye, waxa uu yidhi “Waxaan beeninayaa war maanta ku soo baxay Wargeyska Waaheen oo aan sal iyo raad toona lahayn, anigu Jaraa’idka Waaheen waxaan ku aq aanay inuu si wanaagsan ugu sheego ummada laakiin waxaad moodaa mudooyinkii ugu danbeeye y in Wargeyskiiba cid kale u wareegay oo ay ku adeegsanayso oo waxay doonto ay soo qortay. Waxa ay Waaheen qortay ee ay leedahay xisbiga Kulmiye ayey ku biireen waa war aan xaqiiqo ahayn oo ay iska qortay mana jiro meel aanu ku biirnay, isla markaana waxaanu jecel nahay in Wargeyskaasi uu raali galin ka bixiyo warkaas been abuurka ah. Anagu maadaama oo aanu nah ay Xildhibaanadii xisbiga UDUB hogaaminayey oo diyaar u ah in khilaafka UDUB ka jira aanu xalkii sa ka hawlgalno in nala yidhaahdo Madaxtooyada ayey tageen iyo xisbul xaakimka Kulmiye ayey ku biireen waa war gaf ah oo aan run shaqo ku lahayn’.
 

 

Source:Haatuf