Xildhibaano Ka Dhoofay Baydhaba

 


Xildhibaano ka tirsan barlamaanka soomaaliya ayaa sababo dhinaca ammaanka uga dhoofay Baydhaba iyadoo ka dagay magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaanadan oo tiradoo lagu sheegay 32 xildhibaan ayaa waxaa la sheegayaa inay u badan yihiin xildhibaanada ka soo jeeda deeganada Puntland iyo Waqooyiga Soomaaliya, kabixitaanka magaalada Baydhaba ayaa waxay ka danbeysay kadib markii halkaasi xalay niman hubeysay ay toogasho ku dileen mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Marxuum Ismaaciil Xassan Timir.

Marxuum Timir ayaa manta waxaa lagu aasay magaalada Baydhaba, iyadoo aaaskiisii ay ka soo qeybgaleen Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe) iyo xildhibaano kale. Adan Madoobe oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu ka xun yahay oo ay nasiib daro tahay dilka xildhibaan Timir.

Magaalada Baydhaba oo haatan ay ku sugan yihiin tiro badan oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay jirto cabsi iyo ammaan daro waqtigan soo wajahday xubnaha Barlamaanka Soomaaliya.
 

 


Source:VOA