Xildhibaanada Golaha Guurtida Oo La Iskugu Yeedhay Kalfadhi Aan Caadi Ahayn


 

 

Guurtidu waxay iyaguna ansixin doonaan wax ka bedelka Golaha Wakiiladu ay maanta...

Hargeysa (TNN)-Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliand ayaa maanta loogu baaqay in ay isugu yimaadaan fadhi aan caadi ahayn oo maalinta Sabtida ee soo socota ku qabsoo mi doonto Xarunta Golahaasi ee Caasimada Hargeysa.

Qoraal wargelin ah oo uu soo saaray Shir gudoonka golaha guurtida Somalailand uuna ku saxeexnaa Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Shirgudoon ku isagoo tixraacaya Qodobka 71-aad ee dastuurka Somaliland ayaa waxuu go’aamiyey in xubnaha golaha guurtidu isugu yimaadaan fadhi aan caadi ahayn maalinta sabtida ah ee ay taariikhdu tahay 11/08/2012, saacadu markay tahay 09:00 Subaxnimo.

Guurtidu waxay iyaguna ansixin doonaan wax ka bedelka Golaha Wakiiladu ay maanta ku sameeyeen qodobo ka mid ah xeerka doorashooyinka.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland