Xildhibaan Xasan Cawaale oo Golaha Deegaanka Gabiley Cas ho Sharaf u sameeyey,Wasiirka Arrimaha Gudahana digiin u diray



Hargeysa (TNN):-Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ayaa Caawa Xildhibaanada Gobolka Gabiley Munaasibada Casho Sharaf ah ugu sameeyey Hotel Maansoor ee Hargeysa. Kulankan oo salka ku hayey dhaq dhaqaaqyo la doonayo in Xilka lagaga qaado Gudoomiyaha Golaha Deega anka ee Gobolka Gabiley, waxaanu Xildhabaan Xasan Cawaale Wasiirka Arimaha Gudaha uga digay inuu faro galin ku sameeyo hawla shaqo ee Xubnaha Golaha deegaanka Gabiley.

Ugu horeyn Xasan Cawaale Oo Munaasibaasi ka hadlay ayaa Golaha Deegaanka uga mahad naqay sida ay u soo ajiibeen cashada uu isugu yeedhay “Aad baad baan ugu mahad naqaya a sida wanaagsan ee aad nooga ajiibteen Casuumada Casho Sharafta ah ee aanu halkan idii nku yeedhnay, waxaanu idiinku hambalyeynayaa go’aanka adag ee aad gaadheen ee ah in aad ka shaqaysaan Danta Gobolka Gabiley.” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Xasan Cawaale waxa uu Wasiirka Arimaha Gudaha Cali waran Cade uga digay inu u faro galiyo dhaq dhaqaaqyada ay doonayaan inay Xilka kaga qaadaan Gudoomiyahooga “anigoo la hadlaya Wasiirka Arimaha Gudaha Waran Cade, waxaan leeyahay Dadku waa Xild hibaano La soo doortay ,waxay ka kooban yihiin 16 Xildhibaan Codkoodu wuxuu kor u dhaaf ayaa 50,000, markaa hadii ay intoodii badnayd Cod sadeen Xaqna u leeyihiin inay ciday doon aan doortaan, cidii ay doonaana Badalaan ,waa inaad warqada si deg deg ah ugu soo qortid, Wasiir ,waxa adiga ku soo doortay madaxweynha Somaliland, xilkana bari buu kaa qaadi kar aa ,cid odhan karta ha ka qaadina ma jirto, markaa waxaan leeyahay Xildhibaanadu iyagaa markii hore doortay xilkana iyagaa ka qaadi kara sida uu Madax waynuhu kaaga qaadi karo ee aanay cidi u hor joogsan karin ayeyna iyagana cidina uga hor joogsan Karin, waxaan ku leeyahay Waran Cadaad tahay Waran kaagu waa cad yahay ee yaanu kaa madoobaan.” Ayuu yidhi Xasan Cawaale

Qaar ka mida Golaha Deegaanka Gabiley oo halkaasi ka hadlay Ujeedada ay ka leeyihiin Xilka Qaadista Gudoomiyahooga “Golahani Waa gole la soo doortay waa gole Deegaan talada isa gaa iska leh siduu xeerku siinayo markaa aqlabiyadii Xildhibaanadu Go’aankoodu yahay inay kala noqdaan Gudoomiyahoogii shalayna iyagu ahaayeen kuwa doortay, maantana ay yihiin kuwa kala noqday, magaranayno sabab ay Wasaarada Arimaha Guduhu ay ku tidhaahdo Gu di baan u saarayaa iyo Hawlahaa Bishii August waxaanu u soo Gudbinay Warbixin dhamays tiran, mar labaadna waxaanu u soo gudbinay January , mar seddexaad bay ahayd markuu Goluhu Go’aanka Qaatay inaanu Hogaankoogu dhaqi karayn , Hawshii Wasaarada Arimaha Guduhu lahayd ee ahayd kormeerka iyo in sharciga lanagu ilaaliyo ayey ka baaqsatay sida cad waayo maanta may ahayn maalintii Gudi loo soo maga caabi lahaa dibaaanu u eegaynaa tidhaahda, Go’aanka yagu waa mid U jeedadayaduna waa mid waa sidii loo wanaajin lahaa didaamka Dawliga ah.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cali

Xildhibaanadu waxay intaa ku dareen“Xildhibaan waad ku mahad santahay Cashada aad na gu maamuustay iyo Go’aanka Golaha ee aad taageertay, talabaad waxaan leeyahay Xukuu mada, Xildhibaanadu ma gayaan in maanta lagu yidhaahdo mucaaridbaa tihiin iyo cidbaa idi nka dambaysa, mana ogolin in dadka reer gabiley lagu khuukhiyo cidbaa ka dambaysa golah ana waa Golihii deegaanka Gabiley xisbigay doonaan haka soo baxaane, waxaananu xukuum ad ka codsanaynaa in shuruucda la ilaaliyo, oo la noo daayo kaanu doono ayaanu dooranay naa kaanu doonana waanu ridaynaa xukuumadana waxaanu ka codsanaynaa Wada shaqayn ta ay wadanka ka wado.” Ayaa Hadala doodii ka mid ahaa.