Xildhibaan Wakiilada oo ka hadlay Safarka Madaxweynaha Burco

 

Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka tirsan mudanayaasha Gol aha Wakiillada ee laga soo doortay Gobolka Togdheer, ayaa dadweynah a reer Burco ugu baaqay in aanay dheg jalaq u siinin balanqaadyo cusub oo uu madaxweyne Rayaale u sameeyo, maadaama oo aanu buu yidhi waxba ka hirgalin balanqaadyadii hore ee uu ku galay ololihii madaxweynenimada loogu doortay oo ay ugu muhiimsanayd bedelaada lacagta Giimbaarta ahi.


Sidaana waxa uu Cali Mareexaan kaga dhawaaqay xogwaran ku waajahan uu ku naqdiyey socdaalka madaxweyne Rayaale ku joogo Burco oo uu sha lay Jamhuuriya iyo telefishanka HCTV ku siiyey xarunta Golaha wakiilada Somaliland,isaga oo xildhibaanku taxay balanqaadyo badan oo  madaxwey naha iyo xukuumaddiisu u balanqaaday togdheer oo ay waxba ka fulin wa y day,isaga oo arrimahaa faahfaahinayana waxa uu yidhi;


“Maanta oo ay doorashadii billo yari ka hadheen, ayaa waxaynu ognahay in Madaxweynihii booqasho ku tagey Gobolka Togdheer, waxaanan doona yaa in aan dadweynaha reer Togdheer ee i soo doortay aan u sheego, ha ddiiba uu Madaxweynihii Burco tagey kolayba ballanqaadyo iyo faan buu idiinla imanayaa, su’aashu markaa waxa weeyaan toddobadii sannadood ee uu xilka hayay ballanqaadyadiisii hore wax ma laga qabtay ee  Madxwe ynaha iyo xukuumaddiisu gobolka u ballanqaadeen.


Waxaan doonayaa in aan iftiimiyo sideed qodob oo ka mid ahaa  waajiba adka waaweyn ee xukuumaddu ballanqaaday in ay wax ka qabanayso oo aan ilaa hadda waxba ka hirgalin.


Ballanqaadka koowaad wuxuu ahaa beddelaada lacagta giimbaarta ah ee ka shaqaysa Gobolka Togdheer, saddex ama afar jeer ayayna  Madaxw eynaha iyo xukuumaddiisu ballanqaadeen in ay lacagtaa ka beddelayaan, waxaynu ognahay inta jeer ee lagu soo daray miisaaniyadihii Wakiilladu ansixiyeen, waxaynu ognahay dhaqaale-xumada lacagtaa Soomaaliya ee Giimbaartu ku hayso gobolka, ballanqaadkaasina in aanu ilaa hada waxba ka socon waynu ognahay, iminka oo uu Madaxweynihii tagayna wuxuu arki doonaa lacagtii giimbaarta ahayd, reer Burco-na way waydiin doonaa n, wuxuuna ku odhan doonaa waan idinka bedelayaa, waxaan markaa reer Burco leeyahay hadii Madxweynuhu ballanqaadyo idiila yimaaddo in garaadkiina la caayayo oo wixii uu todobadii sannadood ee uu xilka idiin qaban waayay waxaad ogaataan in aanu labada bilood ee u hadhay aanu fulinayn, reer Burco-na waxa lagu yaqaanaa in ay yihiin dad markiiba hore wax u fahma oo aan la siri karin.


Ballanqaadka labaad waxa weeye, Burco oo ahaan jirtay xaruntii xoolaha ee ugu waynayd dalkii Somaliya la isku odhan jiray, ayaa waxa uu madaxweynuhu ku balan qaaday in uu horumar ku samayn doono xoolaha iyo sayladeeda, si xoolaheenu ay ula tartamaan kuwa addyunyada, iska daa wax horumarin ah oo loo qabtee maanta sayladii Burco way xidhan tahay oo taasna waxay la qabtaa dalka oo dhan, kolaybana waxyaabaha reer Burco waydiinayaan way ka mid tahay, hana ogaado in aanay reer Burco ka qaadaynanayn balanqaad laba bilood ah iyo sayladii baan dib u furayaa.


Balanqaadka ku xiga ee aan ilaa hadda la fulin waxa weeyaan jidkii isku xidhayey Oodweyne iyo Burco ee lagu galay ololihii lagu doortay  Madaxw eynaha ee cagaf cagafyada la geliyey, balanqaadkaasina ilaa hada waxba kamay fulin jidkiina sidii buu u burbursan yahay, laakiin waxa iminkana la soo celiyey ballanqaadka laftiisii iyo cagafcagafyadii mudadaa todobada sanno ah lagu fulin waayay.


Ballanqaadka afraad waxa weeye, magaalada Burco oo ah caasimaddii  lab aad ee dalka, waxay leedahay madaar la dhisay 1921-kii, waa halkii  lagag a duulay ee laga qorsheeyey weerarkii dhanaca cirka ah ee lagu qaaday Sayid Maxamed Cabdala Xasan, intaasoo dhanba waa la  isticmaa layey marba itaalkuu ahaadaba, iminkana waxaynu ognahay muddadaa  toddo bada sanno ah ee xukuumadda Rayaale dalka xukumaysayba in madaarkii caasimadda labaad ee Burco uu xidhan yahay oo aanay  diyaar adina ka soo degin, diyaaradina ka kicin, dadkii degaankaasina intay madaarka Hargaysa iyo meelo kale ka soo deggaan ayaa baabuur iyo kharash kale ku baxaa, imikana kolayba ballanqaadyo ayuu samayn doonaa oo wuxuu odhan doonaa waxaan ka dhigayaa madaar  diyaara daha jet-ka ahi ka duulaan oo casri ah, ama wuxuu odhan doonaa wixii cabasho ah xoghayntayda iigu dhiiba, markaa waxaan u sheegayaa in toddobadiisii sanno ku dhammaadeen madaarkii oo xidhan iyo in aanay ballanqaad dambe ka soconay oo aanay dadweyaha reer Burco ka maqlayn.


Ballanqaadka shanaad waxa weeyaan dalkeenu waxa uu u badan yahay reer guuraa iyo xoolo dhaqato aan ka maarmin meel biyo leh, abaaruhuna way soo noqnoqdaan, dhibaatada ugu weyn ee laga cabanayaana waa biyo la’aan. Waxa jirta in dawladda Imaaraadku dhowr jeer Somaliland ugu deeqday ceelal riiggag ah, kuwaas oo ilaa muddadaas Gobolka Togdheer oo ah mid aad u ballaadhan waxba lagama qodin, sidaana waxa maamulay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Macdanta iyo Biyaha, dadkaa reer miyiga ah ee dhibaataysanina waxay ka caban doonaan biyo la’aan iyo abaaro, arrintaasina waa mid ay ku ceebaysan tahay xukuumadda Rayaale madaxda ka yahay.


Ballanqaadka lixaad, wuxuu dhowr jeer Madaxweynuhu ballanqaaday in xabsiga Burco oo la dhisay dhowr iyo afar sanno ka hor oo loogu talogalay inuu qaado 150 maxbuus uu dib-u-habayn ku sameeyo, ballanqaadyadii horena waxba kamay fulin oo weli xabsiggii lama dhisin, waxaanad arkaysaa xabsigga oo maxaabiistii is dul tuulan tahay. Waxaan markaa odhan lahaa siddeetankan laankuruusal ee isdaba yaacaya ee uu Burco ku tagey inuu afartan uga yimaaddo booliska xabsigga.


Ballanqaadka toddobaad, waxa dalka jooga hay’ado aynu ka helno caawimooyin fara badan oo ilaa toddobaatan hay’adood bay ku dhow yihiin, waxay ahayd inay hay’adahaas Burco deggaan oo xafiisyo ka furtaan oo ay cidi u joogto, siyaasaduu doono Madaxweynuhu ha ka lahaadee hay’adihii oo odhan Burco waa laga dhaariyey oo hay’adda keliya ee joogtaa waa Save The Children oo waqtigii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal la geeyey Burco oo waxbarashada ka hawlgasha, xataa nabadgelyo ahaan in aanay seexan karin oo ay habeenkii ka yimaaddaan ayaa la qoray oo lagu heshiiyey, taasina xukuumaddu kamay hadal, iminkana hadduu yidhaahdo hay’ado ayaan keenayaa waxaasi ka socon maayaan.


Ta ugu dambeysa ee siddeedaad, xagga caafimaadka Burco dalka oo dhan ugu liidataa oo inkasta Hargeysa iyo gobollada dalka oo dhammi la qabaan oo cusbitaalkii Hargeysa oo madaxtooyada agteeda ah waynu arkaynaa dayaca ka muuqda, dalkana musuqmaasuqa ka jira. Cusbitaalka Burco-na in badan waxbaanu ka qabanaynaa bay ballanqaadeen, waxbana kamay hirgelin. Markaa anigu waxaan ku soo ururinayaa waxa weeye, maanta oo ay doorashadii laba bilood ka hadhay haddaad cagaf-cagafyo soo jiido iyo haddaad tidhaahdo Burco ayaan horumarinayaa oo Togdheer baan malab ka dhigayaa, wixii aad toddoba sanno u qaban weyday Togdheer nacasnimo ayey noo tahay inaad noo sheegto oo aannu annagu kaa dhagaysano, reer Togdheerna farriintaas ayaan gaadhsiinayaa, balanqaadyadaas xad dhaafka ah ee uu kaga baxayna haday ay qaar kale ka dhegaystaan garaadkooda ayay cay ku tahay.”


Intaas kadib su’aalihii suxufiyiintu weydiiyeen iyo jawaabihii uu Xildhibaan Cali-mareexaan uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:


Maxamed Ilig, HCTV: Guulaha ay xukuumaddu ka gaadhay Gobolka Togdheer waxa ka mid ah inay magaalada Burco ka dhigtay xaruntii warshadaha Somaliland, taasi miyaanay ahayd horumar xukuumaddu gaadhay inta aad dhaliilayso?


Xildhibaan Cali-mareexaan: Horta xaq baad u leedahay inaad dhinicii kale difaacdo, maadaama oo aan dhaliilo badan sheegay oo mihnadaada saxaafaddaa caynkaas kuu sheegaysa, waxaanan ku leeyahay iska daayoo inay dhiirrigeliso warshadaha Burco’e caqabad bayba ku tahay xukuumaddu, iskamana eedaynayo, guddigii iskaa wax u qabso ee magaalada Burco xukuumadda ayey ka socon weyday oo caqabad ku noqotay, arrinta warshadahana waxa soo jiitay ee warshadaha waaweyn looga dhisay waa biyaha, warshadahanna Burco oo keliyaata malaha ee reer Somaliland oo dhan baa saamiyo ku leh. Qodobka labaadna waxa weeyaan had iyo jeerba dawladdu waxay ku faantaa daaraha dhaadheer ee shacabku dhistay, iyada wixii loo dhiibtay ee masuuliyaddeeda ahayd ee ay ummadda u haysay way gabtay.


Maxamed Ilig, HCTV: Inta badan mucaaradku waxay Madaxweynaha ku eedeeyaan inuu yahay nin guri uun ku jira oo meel fadhiya oo aan noloshii bulshada ka warhaynin, haddii uu kormeer ku tagay gobolladii dalka micnaheedu ma waxa weeyaan olole uu bilaabay, mise waa inuu soo ogaado xaaladda dalka uu Madaxweynaha u yahay?


Xildhibaan Cali-mareexaan: Waxaynu ka hadlayaan Madaxweyne la doort ay 2002-dii ee ka hadli mayno sida Barack Obama afar ama shan bilood xilka hayey, waxaynu ka hadlaynaa waa Madaxweyne toddoba sannadood xilka soo hayey oo iminka uu ka sii dhammaanayo, kolba dhinac u cararka iyo ballanqaadyada, dhaliishiisuna cid walba way isaga muuqanaysaa haddii uu yahay muxaafiyo iyo mucaaridba. Aniga 2005-tii ayaa la i doort ay, muddadaas malaha labaatan jeer way ka badan tahay intaan dalka soo maray si aan xaaladda dalka u soo ogaado, waxaan qaban karayey way iska koobnaayeen, laakiin inaan dadka iska soo dhexmaro oo aan la soo sheekayso oo aan xaaladooda soo ogaado waa waajibkii la ii soo doortay, laakiin haddii aan bisha u dambeysa xilkayga aan soo  warwar eega aniga ayaa wax isku dhimaya ee waxba soo kordhin maayo, markaa waxay ila tahay waa ciyi waa ka baryey Madaxweyne doorashadii billo uga hadhsan yihiin oo kolba meel soo wareegaya.


Maxamed Cirro, Jamhuuriya: Ballanqaadyadan faraha badan ee aad  shee gtay inay xukuumaddu u fulinweyday Togdheer, waxa ugu muhiimsan waa lacagta giimbaarta ah, markaa taasi miyaanay foolxumo ku ahayn qaranka iyo idinka oo xildhibaannadii laga soo doortay Gobolka in  caasima ddii labaad ee Somaliland ay lacagtii Soomaliya ka shaqayso, laakiin idinku xildhibaan ahaan iyo aqoonyahankii Gobolkuba si midaysan ma uga hadash een in lacagtaa la idinka beddelo?


Xildhibaan Cali-mareexaan: Horta beddelaada lacagta Burco xoog baa looga hadlay, qodobadda aan is dul taagayna ma kala muhiimsana ee waa isku wada mid oo madaarkii caasimadda labaad ee dalka oo xidhani qaranka foolxumo ayuu ku yahay, salayladii xoolaha ee dalka ugu weynayd oo xidhanina qaranka foolxumo ayey ku tahay, waxan oo dhammina waa wada muhiim, lacagta giimbaarta ah ee laga qaato Gobolka Togdheer ama gobollada kale ee bariga ka sii xigaba qaranka oo dhan ceeb ayey ku tahay, lacagtuna waxay ka mid tahay astaamaha uu qaranku leeyahay oo waa sida caalanka oo kale, taas waa mid dalka oo dhan ku fadeexad ah, laakiin qofka Burco jooga ama meelaha kale ee lacagta giimbaarta ah laga isticmaalo, isaga xil kama saarna ee cidda waajibkeedii gudanweyday ee masuuliyaddaa lahayd ee ceebtu fuuleysaa waa cidda talada haysay ee xukuumadda ah, wax ma laga qabtay marka la yidhaahdana in badan baa laga hadlay oo haddaanu nahay Golaha Wakiillada, dabagal, miisaaniyad ku darid iyo wacyigelinba waannu ka bilownay sidii lacagtaa loo beddeli lahaa, marka la ansixiyo ee ay u tagto Madaxweynaha ayaa wax la waayey noqotaa.


Maxamed Cirro, Jamhuuriya: Waxa jirtay dhowr jeer oo aynu maqalnay in la soo daabacay lacago loogu talogalay in giimbaarta lagaga beddelo Burco, iyadinku dabagal ma ku sameyseen oo ma ka warhaysaan xaggey lacagtaasi ku dambeysay?


Xildhibaan Cali-mareexaan: Lacagtan bangigu wuu soo daabacay oo waxa ugu dambeysay 2009-kii, waatii lacag badan la keenay, markastana lacagta soo socota ee diyaaradda soo guuxaysaa sido ayaa ah tii lacagta Burco lagaga beddelayey. Nuxurku waxa weeye waxba lagama beddelo, lacagtaasina waxay ku baxdaa siyaasad iyo ololayaal xisbi, musuqmaasuq aan xad lahaynina wuu jiraa oo dhaqaalihii inuu kordho ayuu u diidayaa, markaa lacagtaasi way timi waxayna ku baxday sifo aan ahayn sifihii loogu talogalay.


Maxamed Cirro, Jamhuuriya: Waxa jirtay in dhowaan Guddoomiyaha Gobolka Togdheer uu sheegay inay magaalada Burco joogaan kooxo argagixiso ah iyo Al-shabaab, arrintaas sideed u aragtaa?


Xildhibaan Cali-mareexaan: Maalintii dhoweyto Badhasaabka iyo madax gobolka ah, ayaa waxa lahaayeen gobolka waxa jooga argagixiso, nin masuul ah oo hadalka noocaas ah bixinayana adduunyada kale iyo dadka kale ee caalamku sax bay u arkayaan oo run bay u qaadanayaan, qofka argagixisada ah inuu booliska u diro oo uu soo qabto oo uu hay’adaha sharci u gudbiyo ayey ahayd, laakiin may ahayn in jaraa’id lagu qoro argagixiso ayaa joogta Burco, mana aha markii ugu horreysay ee waxyaabahaas oo kale ka soo yeedhaan madaxda oo hore wasiirro iyo rag kale ayaa u sheegay, markaa Madaxweynaha oo iminka Burco fadhiya ayey u taalaa inuu sharraxaad ka bixiyo waxay ula jeedaan argagixiso ayaa joogta Burco

 


Jamhuuriya