Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka hadlay Dhibaatooyinka hor taagan furashada Ururo Siyaasadeed



Hargeysa March 19, 2011 (TNN)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si adag uga hadlay furashada ururo siyaasadeed isagoo sheegay inay ka horayso in talo wada jir ah laga gaadho dhibaatooyin wakhtigan xaadirka ah ka taagan dalkani Somaliland.

Xildhibaan Siciid Cilmi Roobe waxa uu sidaasi ku sheegay Shirjaraa’id oo ku qabtay xarunta Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu ka dhawaajiyay inuu isagu taageersan yahay in la furo ururo siyaasadeed isla markaana loo baahan yahay inuu Madaxweynaha iyo Xisbiga Kulmiye ay ka  dhab eeyaan balanqaadyadii ay galeen wakhtigii Ololaha Doorashooyinka.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay in aanay wakhtigan xaadirka ah haboonayn in lagu fikiro furashada ururada Siyaasadeed isagoo xusay in muhiim tahay in lagu fikiro sidii xal looga  gaa dhi lahaa Dhibaatooyinka ka taagan dalka oo ay ka mid yihiin Kor u kaca maceeshada, Abaaraha ka jira dalka iyo in la dhamaystiro xeerka kala xadaynta Degmooyinka iyo Gobolada.


Sidoo kale xildhibaanku waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Madaxweynuhu dhamaystiro hesh iishkii ku meel gaadhka ahaa ee laga gaadhay colaadii deegaanka Kalshaale,Ugu danbayntiina waxa uu xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ku baaqay.


Source: Horn Cable Tv