Xildhibaan
Qabille Oo Sheegay In Isaga Iyo Rag Kale
Lagula Kacay Isku Day Dill
Hargeysa (Longlivesomaliland
News) -Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille o o ka tirsan golaha
wakiilada Somaliland ayaa sheegay in habeenkii khamiistii 4-tii
November 2009 uu dirqi kaga badbaaday rasaas lala beegsanayey oo
lagu doonayey in lagu khaarajayo isaga iyo laba nin oo kale oo la
socday, k aas oo sheegay in xilligaasi oo saacadu ay ahayd 9:30
habeenimo ay soo g aadheen guri ay ku socdeen oo uu leeyahay
mid ka mid raga ay wada socd aan oo la yidhaahdo C/fataax
Siciid Muuse, gurigaas oo uu sheegay inuu ku yaalo degmada Gacan
Libaax dhinaca xaafada Daami xigta, isagoo intaa ku daray in markii
ay albaabka guriga garaaceen aanse laga furin in meel in yar u jirta
oo kaga beegnayd dhinaca koonfureed, rasaas laba xabo ah lala soo
beegsaday, balse ilaahay ka nabad galiyey waxna aanay ku noqon.
Mudane Qabille waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka
Telephoo n-ka ugu waramay wargeyska Haatuf, kaas oo dhacdadaasi ku
sheegay qo rshe lagu doonayey in lagu khaarajiyo, isagoo ku
sababeeyey sababta kee ntay qorshahan inuu ka tirsan yahay
xildhibaanada golaha wakiilada ee ha dd iyo jeer naqdiya
hogaaminta maamulka Madaxweyne Rayaale ayaa ku tilmaamay inuu
aaminsan yahay in qorshahani ahaa mid isaga loogu talo ga lay
in lagu khaarajiyo, islamarkaana ahaa mid laga dambeeyo oo lug
siyaa sadeed aanay ka madhnayn.
Mudane Qabille ayaa sheegay in qorshahan lagu doonayey in lagu
khaaraji yo in uu tuhunkeedu jiro socotana baadhistii, waxana uu
sheegay oo kale in ilaa hadda arrintan la baadhayo.
Ugu horayna isaga oo ka waramaya sida ay arrintu u dhacday waxa uu
yi dhi “Habeenkii Khamiistii todobaadkii tagay ayaa waxa dhacday
anagoo ga raacayna albaab guri aanu galaynay oo ku yaala
degmada Gacan Libaax d hinaca xaafada Daami xigta oo ahayn
Saddex nin oo kala ah C/fataax Siciid Muuse, Cali Aadan Naaleeye iyo
aniga (Maxamed Faarax Qabille) ayaa waxa dhacday intii aan gurigii
lanaga furin albaabkiisa meel shan iyo toban tala abo
qiyaastii noo jirta oo ku beeganayd jihada koonfureed in rasaas
lana gaga soo riday, isla hadana tu labaad ayaa lanagu soo riday
arrintaas oo aad iyo aad noo cabsi gelisay kadib dhulka ayaanu si
degdeg ah isugu tuur nay markii aanu dhulka galay ayay dadkii
rasaasta nagu soo riday meeshii ka yaaceen waxayna moodeen inay na
dileen oo rasaastii nagu dhacday kadib markii aanu eegnay waxay
tiradoodu ahayd saddex nin, guriga aanu markaa albaabkiisa
garaacaynay waxa leh nin aanu wada soconay C/fata ax Siciid
Ismaaciil, oo baayacmushtari ahaan jiray Cali Aadan Naaleeyana
w axa weeyaan nin reer Sheekh ah oo aanu ilmadeer nahay.
Markaa nimankan rasaasta nala beegsaday waxay ahaayeen fuliyayaal
qo rshaha dilka la noogu talo galay waana arrin laga dambeeyo
qorshahaasi, taargadkuna waxa u ahaa in aniga la i dilo sidaas ayay
ahayd, taas oo rep o rt-keedii aanu u gaynay bileyska hadana
waxa gacanta ku haya taliyaha ciidanka bilayska Maxamed Saqadhi
Dubad baadhistiina way Socotaa Ilaa beri in wax laga soo saarana waa
laga yaaba laakiin tuhunadu way badan yihiin”.
Xildhibaan Qabile oo la weydiiyey Su’aal ahayd dhacdadan uu sheegayo
ma cid aad u tuhunsan tahay ayaa jirta oo wax idinka dhexeeyaan oo
aad u aa naynayso arrintaasi ma jirtaa oo aad u tuhimaysaa,
waxana uu kaga jawa abay “horta imika waxa arrintan gacanta ku
haya taliska ciidamada biley ska, waxaana jira dadka loo
tuhunsan yahay, tuhunkuse waa badan yahay waxaanan aaminsan nahay
anigu xildhibaan wakiilada ah baan ahay cid kale waxba iskuma
haysano’e aniguna cid waxba kuma haysto’e waa dhaliisha aan u soo
jeediyo maamulka xukuumada Rayaale darteed uun baa ka damb
aysa dhacdadan lanagu fulinayey, balse xaga rabi ayaa naga
badbaadiyey”.
Source:Haatuf
|