Xildhibaan Qabiile Waa Masuul si Dhaba u metela Bulshadii soo Dooratay ee G/Saaxil
 


Xildhibaan Qabiile Waa Masuul si Dhaba u metela Bulshadii soo  Doorat ay ee G/Saaxil oo Xaaladooda hadjeer la socda Indhaha Caafimaadka Qabaana Way Arkaan
-


Sida uu uga hadla markasta dhibaatada iyo tacadiyada ay ku hayaan G/Saaxil …isagoo cadeeya xadgudubyada dhinaca xuquuqdooda …u ban-baxeen wax-ka sheegida Masuuliyiinta Fiican ee G/Saaxil iyo sidii ay xajiimayn lahaayeen una qariyaan boogahooda hafeefanaya……. iyagoo ujeedadoodu tahay danahooda gaarka oo ay eegayaan, taasoo lagu qasbay inay burush xajiin leh la daba socdaan


Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo ka tirsan G/ wakiillada ayaa si dhaba uga hadla markasta dhibaatada iyo tacadiyada ay ku hayaan G/Saaxil madaxda xukuumadda Madaxwayne Riyaale u metesha  Gobo lkaasi., Xildhibaan Qabiile ayaa ah Masuul dhaba oo hadjeer la socda xaalada iyo duruufaha ku gadaaman Dadweynihii soo doortay ee G/ Saaxil, waxanuu laf dhuun-gashay ku noqday masuuliyiinta  xukuuma dda ee gobolka Saaxil ee la degay Gobolka, isagoo cadeeya  xadgudu byada dhinaca xuquuqdooda ee loo geysto markasta guud ahaan dad ka Saaxil siiba shaqaalaha , oo si dhib yar looga eryo shaqada qofkii la doono ama la xidho iyada oo lagu eedeeyo wax aan sharci ahayn.

Xildhibaan Qabile waxa kale oo uu cambaareeyaa ololaha hadjeer ay Gobolka Saaxil ee aan si sharciyada waafaqsanayn uga sameeyaan Xisbiga Udub , iyadoo hantidii qaranka la isticmaalayo luguna fuliyo safaro iyo shirar beeleedyo, kuwaasi oo uu ku tilmaamo in aanay bulshada G/Saaxil wax dan jirin.

Sidaa daradeed waxaa aan doonayaa inaan ka jawaabo ama aan ka ha dlo maqaal ay qoreen Maamulaha cash/ Beriga C/raxmaan Jibril Ca bsiiye iyo Xoghayaha Xisbiga Udub G/saaxil Cabdi C/laahi Magubte oo ay isleeyihiin buste ku saara dhibka weyn ee G/Saaxil maanta ku jira , iyadoo ay ku noolyihiin dadweynahaa Gobolkaasi Xaaladaa aan u  qal min oo Murugo iyo dhibaatada badan ku jirto, ayaa hadana  shaqsiya adkii u geystay dhibtaa u ban-baxeen wax-ka sheegida Masuuliyiinta Fiican ee G/Saaxil iyo sidii ay xajiimayn lahaayeen una qariyaan  booga hooda hafeefanaya, Waana ceeb inay debada u soo baxaan mana  gar an karo anigu inay dhagahooda iyo afkoodu is maqlayaan oo ay isaga hadlayaan wixii ay doonaan lana ogyahay inaanay ka jixinjixayn  Xaa lada naxdinta leh ee ay G/Saaxil geliyeen,Waxkastana ka hormariya dantooda gaar ah.

Bulshada G/Saaxil way bislaatay maanta waanay ogyihiin ciddii  nastee xooda ah iyo dhibta ka jirta Gobolkooda iyo khataraha ku soo socdaba, Nimanka maanta qaylinaya, markaad rikoodh ahaan dib u raacdo ma jiro mid soo gaadhi kara Masuuliyiinta G/Saaxil ee Xildhibaanku ka mid yahay , waxay weeye nimanka urursaday hantidii ummadani lahayd muddadii 7 sanno ahayd ee ay xilka joogeen ama hayeen kuwaas oo u qaadan la,a sida siidhigu ugu qaylinaayo xilkii umadda ee ay sida sharci-darada ah ugu tagri faleen moodaya in laga dhafaayo, weli ku indho cad wax ka sheega iyo xag-xagashada masuuliyiinta Dhabta ee G/Saaxil u kacay.

Waxa la yidhi nimaan quusan naftiisa ayaa quus ah, xilligan waxa la gudboon masuuliyiinta G/Saaxil ee Gobolkoodii baabiiyey inay iska toobad keneen iskana cibaadaystaan oo aanay dadkooda dhibaatadu daashatay midkale ugu darin, kana dayaan hagardaamada joogtada ah iyo xuquuqdooda ay ku tacadiyayaan.

Waxaan ka tacsiyadaynayaa kana soo horjeednaa sida khaldan maamulaha cashuuraha Beriga C/raxmaan Jibril Cabsiiye iyo Xoghayaha Xisbiga Udub ee G/saaxil Cabdi C/laahi Magubte ay Xildhibaanka u marmarinayaan wax aanu ahayn , iyagoo ujeedadoodu tahay danahooda gaarka oo ay eegayaan, taasoo lagu qasbay inay burush xajiin leh la daba socdaan Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile…oo ay marmariyaan waxaanu u qalmin oo ay ku qarinayaan ceebtooda oo maanta bedka taala waana caadadood.
 

 


SOMALILAND HA GUULEYSTO-


Muj Cabdiraxmaan Cawil Xasan

Berbera Somaliland