Xildhibaan
Mataan ALhumaami oo si weyn u difaacay shirakada Som-Cable,eedo
kululna u soo jeediyey Dalkom
Waxa uu beeniyey in Golaha Wakiiladu ka soo horjeedaan Som-Cable
Hargeisa(TNN)-Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori(mataan) ayaa si weynu
difaacay hawlaha ay shirk ada somcable
dalka ka fulinayso,isla markaana wuxuu beeniyey inay jiraan
xildhibaano ka tiran golaha wakiilada oo ka soo horjeeda shirkada
Somcable.
Sidaa waxa uu ku sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay
Hoteelka Xaraf ee Magaalada Hargei sa waxaanu ugu horayn isagoo
arinta ka hadlaya yidhi
“Waxaa muhuum ah in shirkada somcable
aanu ku hambalyeyno shaqadaa ay Umada u soo kordhisa
y,waxaanan cadaynayaa inaanay jirin cid macno leh oo ka soo horjeeda
hawshaa balaadhan ee gaca nta ay ku haayaan,waxaan taa uga
jeedaa anaigu waxaan ka mid ahay xildhibaanad wada mooshinka wax ka
bedelka Xeer-hoosaadka golaha wakiilada,markaa dadkii na
carqaladynayeen markii ugu hora ysay waxay nagu
daacayadaynayeen inaanu shirkada Somcable
hawsheeda ka soo horjeedno,oo aa nu u shaqaynayno shirkad laga
leeyahay koofur oo dalkom la
yidhaahdo,taasi oo mugdi na gelisayb a,dadkiina shaki naga
gelisay anagiina shaki na kala gelisay,ka dib arintaa aadbaanu uga
hawl galnay runtii oo hadii cid ku jirtaa ay jirto aanu debada isaga
saarno,ileen Baruurqudha ayaa baruuro qudhm isee, hadii aanay
jirina dee aanu hawshayada iska sii wadano,markaa si kasta waanu u
baadhnay oo wax ka jira waanu waynay arintaasi been ayey
noqotay,nimankii lagu tirinayey ee farta lagu fiiqayna rag sharafta
laga qaadayey ayey ahaayeen,inay jawaabaana anngaa ka
joojinay,markaa waxaan umada u sheegayaa inaan Golaha wakiiladu
macaa kuwa naga hadhsani ee nagaga hadhay ragani
somcable ayey ka soo horjeedaan,inaanu
nin kamliya ku jirin ayaanu idiinku dhaaranaynaa”.
Xildhibaanku mar uu ka hadlayey argatidiisa ku wajahan keenista
Cable-ka iyo Cida xaqa u leh inay ke ento oo loo ogalaado waxa
uu sheegay in shirkadii uu madaxweynihii hore u ogaaladay inay
keento ee uu madaxweyne siilaanyona u dib ugu ogaaladay in loo daayo
oo aan la carqaladayn waxaanu yidhi.
“xadhigan kaybalka shirkad baa ku guulaysatay waana mid lagu kalsoon
yahay inay dhamaystirto hawshaasi oo kalsooni buuxda laga haysto
kolkaa isdabayaac iyo maxaa lanoo siin waayay iyo maxaa la noo siin
waayay dee adeer looma baahna,hawshaasi cid uun baa qaban
lahayd,markaa shirkad baa ku guulaysatay ee in lagu hamabalyeeyo
weeyaan.,ninka doonaya inuu ka qayb qaataana waa hawl balaadhan oon
laga gayoonayne dee shayr ha ka qaato,waxaanaan ogahay in ninka
masuulka ka ahi uu dad badan shayr ka siiyay oo uu ogolaaday,cidii
walee la shaqaynaysana waa u diyaar,laakiin in warbaahinta uun cay
laga shubo maaha oo hadal aan jirin oo madhalays ah oon meel fogna
jirin lagu joojiyo hawshasi waa mid aan meesha ku jirin”.
Xildhibaan Hoori waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay Doonista
shirkada Dalkom ee keenista Xadhiga
Cable-ka,waxaanu ka dhawaajiyey inaanay wax la aqbali karo ahayn
waxaanu yidhi
“Waxaa layaab leh cidii reer Somaliland ee ka hadlaysaa waaba
macquule koonfurta ka hadlaysa ee shirkada iyo shirkada Delcom la
yidhaahdo ee loolanka ugu jirta kaybalka Somaliland la siiyay,waana
ta arintan igu dhalisay inaan ka hadlo markaan xalayto arkay inamo
yar yar oo ka hadlayay Tv-ga oo lahaa shirkada caynkaasi ah ayaanu
nahay shirkada Delcom ayaanu nahay oo
shirkad lacag badan ay aanu nahay oo
hawshaasi qaban karta dawlada Somaliland-na way noo diiday”
Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori waxa kale oo uu Madaxweynaha
Somaliland ku hamabalyeeyey taageeraada uu taageeraay Go,aankii uu
Madaxweyne Riyaale ku siiyey Maxamed Awsiciid Keenista Cabl-ka bada
hoosmaraya,isagoo Xildhibaanku carabka ku dhuftay in arinaasi tahay
wax lagu amaano madaxweynaha dalka,waxaanu yidhi.
“Hadii in uun wax laysku qirayo waa arinta kaliya ee aanu
madaxweynaha ku hambalyaynayno,mar haduu hawl hore loogu tartamay oo
shirkadi ku guulaysatay uu aqbalay oo go’aan madaxweynana ka soo
saaray oo yidhi shirkadaasi ayaa gacanta ku haynaysa oo yeelanaysa
waa wax lagu hambalyeeyo,oo madaxnimo weeyaan waana qiimihii
dawladnimada inaan madaxweyuhu raadkii madaxweynihii ka horeeyey ee
saxda aha tirtirin”.
Source:Waaheen
|