Xildhibaan Khadra Xaaji Gaydh Oo Ah Haweenayda Kaliya Ee Madiga Ku Ah Golayaasha Deegaanada Oo Labada Golle B aarlamaan Ugu Baaqday In Haweenka Ay Saami Ka Siiyaan Xeerka Doorashooyinka

 


“Maadaama Madaxweynihiiba Fadhiyo Anaguna Dalkuun Baanu Wax La Qabnaa, Isbadalbaana Loo Baahan Yahay, Haweenkuna Way Ku Fashilmeen Doorashadii Wakiilada Oo Iyagaa Is Dooran Waayey”


Hargeysa January 19, 2010 (Timacade News) – Guddoomiye ku xigeenka golaha deegaanka  degm ada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh, isla markaana ah haweenayda kaliya ee madiga ku ah  gol ayaasha deegaanka Somaliland ayaa labada gole ee baarlamaanka Guurtida iyo Wakiilada ugu  baa qday in xeerarka doorashooyinka ay haweenka uga qoondeeyaan kuraasi ay ku tartamaan  hawee nka sadexda xisbi qaran iskaga soo sharaxa doorashooyinka golayaasha baaralamaanka iyo  dawla daha hoose, uguna baaqday haween waynaha reer Somaliland inay isku soo sharaxaan  doorash ooyinka golayaasha baarlamaanada iyo golayaasha deegaanada codkoodana siiyaan haweenka isku soo taaga tartanka doorashooyinka, iyadoo sidoo kalena soo jeedisay in loo baahan yahay in isbadal dalka ka dhaco doorashooyinkuna ay dalka ka qabsoomaan.

Marwo Khadra Xaaji Gaydh waxa kale oo ay haweenka Somaliland ku dhaliishay qaabkii ay ugu  qay bsameen doorashadii golaha wakiilada oo dalka ka dhacday 2005 oo ay tilmaantay in haweenkii  is ka soo sharaxay ay ka hagradeen codkii ay kusoo bixi lahaayeen. Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo ah guddoomiye ku xigeenka golaha deegaanka Gabiley lagana soo doortay xisbiga KULMIYE oo ay ka tirsan tahay golihiisa dhexe oo wargeyka Haatuf xalay khadka tilifoonka xog waraysi khaasa kula yeeshay iyadoo joogta Gabiley, ayaa sidoo kale difaacday isbadalka maayarada golohooda  deega anka kuna tilmaamtay mid ay golayaasha kale ee dalka kala siman yihiin marka laga reebo  maam ulka golayaasha deegaamada caasimada iyo Ceerigaabo oo aan wax is badal ah wali lagu samaynin maayaradii lasoo doortay doorashadii golaha deegaanada ka dib. Waraysigaasi oo dhinacyo badan taabanayaana iyo jawaabihii ay ka bixisayna waxa uu u dhaceen sidan:

S: Maadaama aad tahay gabadha kaliya ee golaha deegaanka Gabiley ku jirta, marka fadhiyada aad ka doodaysaan ma qalootaa oo taa ma dareentaa?

J: runtii iyadoo ay ka maqanyihiin haweenkii aanu wada jaanqaadi lahayn oo golahayagu rag wada yihiin hadana wax dhib ah oo aan ka tirsadaa ma jirto oo wakhtigii nala soo doortay iyo maantaba isku mid ma ihi oo xiligaasi hore qalo waan dareemi jiray laakiinse hada wax khajilaada ma dareemo.

S: Haweenka ku soo biiray golayaasha guurtida iyo wakiilada sideed u aragtaa?

J: Horta markii golayaashayada deegaanka la soo doortay may jirin wax haween ah oo ku jiray baarlamaanka iyo guurtida iyo golaha wasiirada oo kaliday baan ku ahaa, waxaaban isleeyahay adigaa tusaale u ahaa in haweenku kusoo dhiiradaan in doorkooda ay ka qaataan talada dalka, waxaanan qabaa in haweenku saami badan ku yeeshaan oo xukuumada oo kale 10 wasiir way siin karaan, haweenku runtii doorashadii golaha wakiilada caqabadbaa kaga hor timid siday u soo bixi lahaayeen, baarlamaankana waxaan usoo jeedin lahaa in haweenka ay xeerka doorashooyinka uga qoondeeyaan kuraasi gooniya oo ay si gaara ugu tartamaan haweenka iska soo sharaxaa sadexda xisbi qaran, ujeedaduna maaha kuraasi kooto halagu siiyo, balse waa in loo cayimaa kuraasi ay si gaara ugu tartamaan, oo gabadhii cod badataa ay soo baxdaa, gabdhihii doorkii dhawayto ku hadhay tartankii doorashada hadii la odhan lahaa gudahooda haku tartamaan, hadii Aamina Milgo oo heshay 4,000 iyo Nimco oo heshay 5,000 la odhan lahaa gabadha ugu codka badan gobolkaasi haween badan baa kusoo bixi lahaa, waxaan soo jeedin lahaa in golayaasha oo rag aqlabiyadoodu tahay ay haweenka uga fikiraan sidii ay doorashooyinka ugu soo bixi lahayeen ee xeerka loogu xusi lahaa.

S: Haweenka laftooda ayaa lagu tilmaamay in dumarkii ku hadhay doorashadii wakiilada ay sabab u ahaayeen inay kusoo bixi waayeen kadib markii ay gabadhkastaa u codaysay beeshii ay kasoo jeeday ama ay u dhaxday arintaa maxaad ka odhan lahayd?


J: Runtii haweenku cidkale ma dhaliili karaan oo iyagaa isdooran waayey gabadh kastaana inaadeerkeed ama beeshii ay u dhaxday cida ka sharaxan bay u codaynaysay, aniguba xaga beeshayada ayaan doorashadii kaga soo baxay iyo ixtiraamka magacii aabahay ee aan huwanahay. Waxaanse ku dhiiri galinayaa in haweenku ay isku doortaan codkooda oo aanay ku fashilmin sidii tii wakiilada ee ay codkooda kala masuugeen haweenkii isa soo sharaxay waxaanan qabaa hadii codkooda muujin lahaayeen ugu yaraan 10 haween ah ay kusoo saari lahaayeen golaha wakiilada.

S: mustaqbalka ma ku talo jirtaa doorashooyinka baarlamaanka ama jagooyin kale u tartanto?


J: Hankaygu aad buu u wayn yahay siyaasaduna meel ma taagna kolayna xisbi baan ka tirsanahay haduu xisbigaygu guulaystana markaas uun baan wax kala door dooran karaa, waxaanse Insha Allahu ku tala jiraa inaan golayaasha baarlamaanka u cararo iyo jagooyin kaleba.

S: Golihiina deegaanka Gabiley waxaa lagu tilmaama gole isbadal badan kursigiisa maayirka oo  dha wr maayir ayaa la badalay marka laga reebo kursigaaga ku xigeenka oo aad tahay qofkii labaad oo loo doorto araintaa maxaa ka jira ?


J: Runtii golayaasha deegaanka dalka oo dhanba isbadal wuu ka wada dhacay marka laga reebo Hargeysa iyo Ceerigaabo kuwa kale oo dhan isbadal wuu ka dhacay oo nidaaamka oo inagu cusub ayaa keenay badalaada maayiradana magaalooyinka kale Barbera Boorama, Burco, Oodwayne iyo magaalooyinka kale ee dalkaba wuu ka wada dhacay Gabiley-se wax u gaara maaha inta badana buuqii iyo khilaafaadkii hore noo soo mari jiray meelo kale ayaa laga soo handharin jiray balse markastaba waxa la baadi doonayey in golaha laga dhex helo maayar wax qabta maayarkasta oo soo maray xilka golahayaga deegaanka oo aan waxba qabani muu jirin.

S: Golahiina deegaanka oo lasoo doortay 15 December 2002-dii xilkiinuna ku eegaa 15 December 2007-dii oo ay ahayd in doorashadiini wakhtigaasi la qabto mudo dhaaf sharci ayaa ku imid doorashadiinii golayaasha deegaanka oo mudo laba sanadood ku dhaw ayaad mudadii sharciyada dhaafteen sideebay kuula muuqataa mudo dhaafkiina sharci ee golayaasha deegaanadiina dalku ?


J: Kolay taa dalka ayuunbaanu wax kala qabnaa maadaama uu madaxwaynihiiba fadhiyo inta doorashooyinka la qabanayo dalka ayuun baanu wax kala qabaynaa, anigu se waxaan qabaa in isbadal dalka ka dhaco oo la helo gole cusub oo ummadu soo doorato inay yimaadaan oo waliba ay dhici karto in dad naga wax qabad badaniba ay iman karaan ama anagu aanu soo noqono ama cid kale ha timaadee waxa loo baahan yahay in doorashooyinku qabsoomaan.
 

 

Source:Haatuf