Xildhibaan Ka Tirsnaa Mbeghati  Oo Uu Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay oo taageeray qadiyadda JSL

 

Mr. Cabdikariin Naasir Siciid (Seef) oo ka mid ah siyaasiyiinta u dhashay Koonfurta Soomaaliya, isla markaana ahaa xildhibaan ka tirsan dawladdii Mbeghati ee Cabdillaahi Yusuuf oo uu xilal wasiirnimo ka soo qabtay, balse markii dambe iskaga tagay, kadib markii sida uu sheegay uu taageeray qadiyadda madaxbannaanida somaliland kuna baaqay in la ictiraafo, ayaa Maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Igal Airport.


Mr. Seef oo Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada ka soo noqday dawladdii Mbeghati xilligii Ra'iisal-wasaaraha uu ka ahaa Cali Maxamed Geedi iyo weliba xil wasiir-ku-xigeenimo, waxa hore ugu dhawaaqay

Ujeedada

"Walaalo marka hore weftigii Madaxweynuhu hoggaaminayey afar bilood ka hor bishii Ramadaan, ayaa waxaan ku qaabilay Magaalada London, aniga oo ay ila socdaan jaaliyadii Yurub oo isugu jirta mutacalimiintii iyo dhallinyaradii, Madaweynaha iyo wefigii la socday waxaan hortooda ka caddeeyey in aan ahay xildhibaankii ugu morreeyey ee isaga oo xilkiisa haya ictiraafa Jamhuuriyadda somaliland, kadibna Madaxweynaha iyo weftigu waxay ii fidiyeen casuumad rasmi ah xilliga aan doono in aan ku iman karo Jamhuuriyadda somaliland, iina furan tahay oo ay dalkaykiina uu yahay markiina horena uu ahaa, taas ayaa maanta ii saamaxday in aan Hargeysa ka soo dego, waxaanan doonayaa in aan idhahayga ku arko waxa somaliland ka jira."


Waxa faahfaahin ah inuu ka hayo shirqoolada dawladdaha Koonfurta loo dhisaa ay la damacsan yihiin Somaliland

"Walaal dawladdii Cabdiqaasim Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaan ka ahaa, xildhibaana waan ahaa, aniga oo fasax ku jooga ayaanu isugu nimi wasiiro ka tirsan dawladdii marxuumkii hore Maxamed X. Ibraahim ayaanu isugu nimi, waqtigaas dawlad ahaan waxba kamaanu qabin, iminkana si cad baanan u taageeray, mana aha wax lagu dhaliyey ee waa fikir aniga iga yimi, waxaanan doorbiday meeshan dimuqraadiyadda iyo kala dambaynta ka jirta, intan yar ee sharciga, kala dambaynta iyo dawladdu ka jirto in anigu horta dadka ku maleelaga dawladihii hore ee leh meesha waa la isku xidhaa waa la isku baabiiyaa, amar ku taaglayn baa ka jirta aan ka arko, runtii indhahayga ayaana u macalin ah durba sida quruxda badan ee la ii soo dhaweeyey shacab iyo xukuumadba, kuwa kale ee diidan jirintaanka somaliland ay iska daayaan xannuunka haya oo ay ku daydaan horumarka badan ee ay gaadhay.

in la helo laba jamhuuriyaddood oo jaar ah waa wax loo baahan yahay, laakiin waxa ka horreysa in cidda dabka kaa shidanaysaa waa inay haysataa sharci iyo kala dambayn, waxa la yidhi mayd maxaa ugu dambeeyey, kaa la sii wado. nimankaas (Koonfur) dawladdii ugu dambaysay ee Jabuuti lagu soo dhisay ee shalay ninkii Madaxweynaha ahaa ee xukumayey lagu bilaabay hubkii iyo qaraxii ilaa haddana ay socotay, anigu waxaan soo jeedinayaa talo ahaan waxa ka maqan inay ictiraafaan Jamhuuriyadda somalilnd waxba ka dhimimaysee waa walaalahoode 1960-kiiba iyagaa u keenaye iminkana inay iyaga ictiraafaan oo shir dibada lagu soo dhoodhoobay waxba tarimaayee, waayo waad ogaydeen shalay IGAD baa wadatay oo Kenya ayaa dawlad loogu soo dhisay, iminkana waa laga saaray IGAD oo waxa la soo geliyey UN-ka, Kenya ayaa laga saaray oo jabuuti ayaa soo gashay. markaa waxa weeye kalaamu-layl maayamshihii finahaar, waa hala iskadaba wareegaysto uun, arrintu waxa weeye oo keliya talada indhaha lagama ridee oo ay ku sahlan tahay oo ila tahay in Jamhuuriyaddan dimuqraadiyaddu ka jirto ee aannu habka qabiil ee 4.5 ee aan dadka lagu ilhaamaynayn ee shacabka wanaagsan, waayo dawladdani waxay ku taagan tahay shacabkeeda raalida ah ee nabadda ogol ee la shaqaynaya, sidaa daraadeed nimanka kolba diyaarad dalalka u raacaya iyo huteelo ay degayaan caasimadda jamhuuiyadda somaliland ee Hargeysa ha u soo raacaan waa la soo dhaweynayaa, hana ictiraafaan intaas ayaa ka xigtee."

"Waa markii iigu horreysay ee aan somaliland imaado, inkasta oo aan hore uga hore uga hadlay aan shaqayeeyey, waxaan doonayaa in aan dalkaygii barto, haddii xil la dhiibo iyo haddaan la ii dhiibinba waan shaqaynayaa, soo dhaweyntii madaarka la igaga soo bilaabay ayaa ilaa hadda la ileeyahay ha jabin ha dhicin, shaqo kala socota ayaan arkay, suuq xor ah ayaan arkay, ammaan baan arkay, kala dambayn iyo nidaam baan arkay, aniga oo aanay iga ahayn ka badbadin waxaan arkay ayaan sheegayaa, waxaana loo baahan yahay inay sidaas ku socoto."

"Waxaan diintu ogolayn cid bini'aadam ah oo qaadan kartaa ma jirto, naf aan waxba galabsan ayaan dilayaa oo aan diin ku faafinayaa ama xukun ku qabsanayaa midna Ilaahay raali kama aha. maalintii Hargeysa qaraxu ka dhacay Norway ayaan joogay aniga iyo jaaliyadda ugu ballaadhan ee reer somaliland waanu ka hadalnay, waxaanan halkaa ka sheegay hadhka iyo nnabadda somaliland ka jirta daafaheedu way gubanayaa."

"Diyaaradda Daalo meelihii loo raacayey ee Kenya, Itoobiya, Yemen iyo meelihii kale way soo dhamaadeen ee xildhibaanada iyo nimankan waxaan odhan lahaa waqtigu yuu idinka lumine jamhuuriyadda somaliland in la raaco oo la ayido, markaasaa dawladdo deris ah oo walaalo ah noqonaynaa, laakiin waxa ka horreeya in horumarka shacabka somaliland samaysteen waar ninyow xannuunku waa halkiisa ee waxa loo baahan yahay in aad gidaarka taabataan oo shacabkan wanaagsan ee iyagu burburkii iyo dhibaatadii loo geystay ilowbay ee yidhi horumar baanu rabaa annaguye walaalyahayaga Ilaahay ha qaboojiyo, waar maxay kari kariwaayeen inay yidhaahdaan walaalahayo waanu ogolnahaya shalay iyagaa noo keenay. adeer waxa weeye habbeenkii xalay ee tagay miyuu soo noqonayaa, iyaga oo aan Jamhuuriyadda somaliland ictiraafin waxba u hagaagimaayaan."



SDWO