Xildhibaanka may soo gaadhin wax dhaawac ah oo gubasho ah marka laga reebo kulaylkii shaaha ,ilaa iyo hada lama oga sababta rasmig ah ee uu ninkani u weerary xildhibaanka balse waxa loo anaynayaa in ay daba socotay hees uu tiriyey midhaheeda oo uu warbaa hinta ku baahiyey taasi oo duraysa siyaasada xukuumadda madaxwayne silanyo,isla mar kaana ka cadhaysiisay xukumadda silanyo. Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee xildhibaan weerar loo gaysto iyado o dhawr bilood ka hor uu isku day dil ka bad baaday xildhibaan Qabiile,taasi oo ilaa hada ay guddi xildhibaano ah ku hawlan tahay sida uu falkaasi ku dhacay
|