Xildhibaan iyo Garsoore lagu Dilay Puntland

 


Boosaaso (Timacade News)-Xildhibaan ka tirsan barlamaanka  Puntla nd iyo garsoore  Maxkamade ed ayaa caawa fidkii lagu dilay Garoowe iyo Bossaaso

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdi Gaab ayaa niman  hu baysan ay fiidnimadii caawa oo arbaca ah ku dileen magaalada  Garo owe, xilli uu ka tagay meel maqaayad ah oo uu ku sugnaa. Dad  goog joogayaal ah ayaa VOA-da u sheegay in nin dhalinyaro ah la sheegay inuu 5 xabadood ku dhuftay xildhibaanka.

Dhinaca kalena, garyaqaan ka tirsan maxkamada darajada koowaad ee magaalada Bossaso oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Cabdi  A waare ayaa salaadii maqrib kadib lagu dilay, isagoo xilligaasi ka soo baxay masaajid uu ku tukaday.

Wararka ka imanaya Puntland ayaan sheegaya in ilaa haatan aysan cadeyn in labadan dil ay xiriir leeyihiin iyo in kale.

Dilalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaanahan deegaanada  P untland ay ka dhacayeen qaraxyo iyo dilal qorsheysan. Dhawaan  a yaa magaalada Bossaso waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa  ciida mada sirdoonka Puntland. Ma cadda cida loo malaynayo inay ka danbeeyaan dhacdooyinka.



Source:VOA