Xildhibaan Ibraahim Kacaan Oo Cirro Ku Eedeeyay Masuuliyadda Dib u
dhaca doorashooyinka

Hargeysa (TNN):- Xildhibaan Ibraahim
Axmed Haybe oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha W kiillada Somaliland
ayaa ku eedeeyey Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro inuu sababay
carqal ado keeni kara in doorashadu waqtigeeda dib uga dhacdo.
Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ay wax ka weydiisa warbaahintu
sida uu u arko go’a ankii Guddoomiye Cirro ku sheegay inaannu
aqoonsan doonin galaha iyo xukuumadda haddii la gaadho 26 June ee
fooda innagu soo haysa. “Horta Waxaan u arkaa arrintaasi ka soo
ye edhay guddoomiyehayaga arrin ka fog Dastuurka iyo shuruucda dalka
u taalla, waxaannu fadhinaa muddo toban sanno ku dhow, waxaa nala
doortay shan sanno, waxaana is weydi in leh afartaa sanno iyo
dheeraadkaasi ka baxsan muddo xileelkayaga maxay ku timi?, had dii ay
xaaran tahay guddoomiyahayagu muxuu u arki waayey, haddii ay sharci
darro tahay muxuu maanta u ambabaray miyuu isakaga tago, Golaha
Wakiillada lama kala diri karo, lama na eryi karo, golaha aan
fadhiyana waxaa badeli kara gole la soo doortay, markaa waxaan
leeyahay guddoomiye Cirro maxaa ceebta moos kaaga taala magane kuu
geeyey .”
Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe, oo la waydiiyey sida uu u arko
dawladda ku meel-gaadh ka ah ee ay sheegeen mucaaridku inay soo dhisi
doonaan haddii doorashada waqtigeeda l agu qaban waayo, waxa uu ku
jawaabay; “Kollay xukuumadda KULMIYE, waxa la doortay waqti,
waqtigiina muu dhammaan, waxay ku fadhidaa codkii shacabka reer
Somaliland. wa xa meesha lagaga qaadi karaa waa cod buuq iyo qaylo
iyo fawdo kursiga laga qaadi maayo Siilaanyo.
Waxa leeyahay guddoomiye Cirro iyo mucaaridka, haddii ay doonayaan
in ay la wareegaan dal degan oo nabad ah si xasilooni ah bay wax ku
dooni lahaayeen, haddii kale taariikh xum o ayey faa’iidayn doonaan.
Waxa aan soo dhawaynayaa hadalkii Guddoomiyaha xisbiga KU LMIYE Muuse
Biixi Cabdi uu ku sheegay in aan xisbigiisa iyo xukuumadduba ku
baqayn in do orashada dib loo dhigo, annaguna doorashada dib ha u
dhacdo ma lihin, wixii carqalad ka d hasha doorashadana waxa masuul
ka ah Cabdiraxmaan Cirro, sababta oo ah iyadoo ay gol aha hortaallo
ansixinta miisaaniyada iyo Guddida Doorashooyinka ayuu na fasaxay
laba b ilood, haddana wuxuu muran geliyey xeerka diiwaangelinta.”
Xildhibaan Ibraahim waxa uu ka hadlay saamayta ay golaha ku yeelan
doonto haddii Gudd oomiye Cabdiraxmaan iska casilo, waxaannu yidhi;
“Horta golahani sharci iyo nidaam ayuu leehaya nin kasta oo is
casila amma dan kale yeesha jagadiisa waa uu joogaa ninkii buuxin
lahaa, cidna loo joojin maayo.
Source:
Somaliland.Org
|