Xildhibaan Cali Yuusuf oo sheegay in Barnaamijkii Kulmiye la mid yahay Buug Cagaaran ee Madaxweynaha Liibiya

 


Hargeysa  (TNN)- Xildhibaan Cali Yuusuf oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo laga soo doortay Xisbiga Kulmiye ayaa waraysi dheer oo uu siiyay Telefishanka Horn Cable, w axa uu sheegay in Buuga Barnaamijka Xisbiga Kulmiye la mid yahay buuga Cagaaran ee  Madaxw eynaha Liibiya Mucamaral Qadaafi isla markaana ah mid la buunbuuniyay

Xildhibaan Cali Yuusuf waxa kale oo uu ka hadlay Talaabooyinka ay Xukuumada Somaliland  Qaad ay iyo in ay fulisay Waxyaabihii ay balanqaaday, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in  xuku umada Axmed Siilaanyo ay talaabo ka qaadi waydo Ganacsatada Kootooyinka ee Sida Aljaabiri iyo Shirkada Total, waxaana uu tilmaamay in aanay tani ka mid ahayn waxyaabihii ay dadka ku kaambayn garaynayeen, waxaana uu u soo jeediyay in Xukuumada Somaliland loo baahan yahay in Ganacsatada dalka ay ka yarayso Cashuuraha ay ka qaadayaan.

Xildhibaan Cali Yuusuf waxa uu ku dheeraaday Marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo  mar tay Mudadii 19-sano ahayd ee jirtay, isagoo walaac xoogana ka muujiyay Buuga Xisbiga Ololaha ku galay.
 

 

Source: HCTV