Xildhibaan
Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde Oo Ku Baaqay In Si
Ku-Meel-gaadh Ah Wakhti Shuruudo Lagu Xidhay Loogu
Kordhiyo Xukuumadda Madaxwey ne Rayaale

Xildhibaan
Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirdde oo ka tirsan Mudanaya asha
Golaha Wakiillada Xisbil-xaakimka UDUB ugu jira, lagana soo doortay
Gobolka Hargeysa, ayaa maanta si adag uga hadlay muddada Xukuumadda
Madaxw eyne Rayaale ee dhamaanaysa iyo heshiis la’aanta ka dhex
jirta Xisbiyada iyo Xukuumadaas, iyada oon wax doorasho ah weli la
qaban, sidaa daraad eedna ay Mucaaridku ku doodayaan in dawlad
ku-meel-gaadh ah la soo dhhiso, halka dawladduna kaga doodayso in ay
xilka ku wareejin karaan Madaxweyne iyo Ku-xigeenka la soo doortay.
Hase ahaatee, Xildhibaanku waxa uu soo jeediyay in dawladda
wakhtigan talada haysa muddo ku-meel-gaadh ah loo kordhiyo, balse
lagu xidho Shuruudo adag, sidoo kalena la xaddido awoodda dawladnimo
ee ay leedahay.
Md. Cabdiqaadir Jirdde, oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Huteel
Hadhwan aag ee Magaaladda Hargeysa, waxa uu sheegay in ay waajib
tahay in Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee muddadu ka dhamaanayso
lagu qasbo inay talaabo kasta kala tashato Hogaamiyayaasha Xisbiyada
Mucaa ridka ah ee KULMIYE iyo UCID oo uu ku tilmaamay Madxweynayaal
kayd ah.
“Markay arrimahan oo kale yimaadaan laba hab ayaa furan, labadaa
siistam waxa weeye, waxa loo kala raacaa dawladdaha Baarlamaaniga ah
iyo kuwa teenan oo kale ah. Dawladda Baarlamaantariga ahi waa ta had
iyo jeer dhacda, ama kalsoonidii hawaydo oo hala yidhaahdo
dawladaasi way dhacday ama doorasho halagaga helo iyada waa la
yaqaanaa oo waa qaynuun yaala oo dawlad ku-meel-gaadh aha ayay
noqotaa. Dawladdaas ku-meel-gaadha ahina qawaaniin iyo xuduud bay
leedahay, waxa weeye wax badan baa ka reeban oo muhiimadda kale ee
muddadaas loogu kordhiyay waxa weeye inay doorasho dalka gaadhsiiso,
wax kale oo ay qabanaysaa oo aan hawshaa cadiga ah ahayni ma jirto,
siyaasadda wax ka bedali mayso. Wax cusubi haddii ay yimaadaan oo ay
duruuf cusub oo ah in deg-deg wax looga qabto, qasab waxa ku ah
ileen dawlad soo socota ma garanayso’e waxa jira Axsaab kale oo la
tartamaysa, illeen Xisbi waliba dawlad buu soo wataa hadduu helo’e,
waa inay la tashato oo ay tidhaahdo arrintaa maxaynu ka yeelaa, taa
waxba ku fogaan maayo oo waa dawladdii habka Baarlamaaniga ah ku
dhisnayd.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil
Jirdde.
Xildhibaan Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi,
“Innagu habka Madaxweyne la soo doortay ayaynu leenahay, laba
arrimood ayuun baa la yeeli karaa, horta wax meel innooga yaalaana
ma jiro, qodobkan 83-aad arrintaa ma khuseeyo, 83-aad qaabkan uu u
qoran yahay ciwaankiisa ayaad ka garanaysaa waa habka doorashada
ayaa la yidhaahdaa taytal, dhawr farqadood buu leeyahay,
farqadahaasi waxay dhamaantood tilmaamayaan oo ay ka wadahadlayaan
xaaladaha caadiga ah, waxa kaliya ee goonida ahi waa marka
nabadgalyo-darro iyo Masiibo dabiici ahi dhacdo.”
“Markaa farqadan la adeegsanayo ee 83-aad ee la adeegsanayo waa tii
saddexaad, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka hore ayaa sii
wadi doona hawlaha ay u xilsaaran yihiin illaa madaxweyne iyo
ku-xigeen cusubi kala wareegayaan bil gudaheed, taasi waa xaaladaha
caadiga ah. Markay xaalad qayrulcaadi ahi timaaddo talaa loo baahan
yahay waa wax cusub oo loo baahan yahay in talo laysaga yimaado,
taladaasi laba ayuun bay noqon kartaa, meelo badana way ka dhacday,
in ummadda, Axsaabta iyo Hay’adaha qaranka ee arrintaa u xilsaarani
ku heshiiyaan in Xukuumaddan shaqada laga fadhiisiyo, oo dad cusub
oo kooban oon siyaasadda shuqul ku lahayn oo la ogyahay inaanu
Xisbina ku jirin, oo la ogyahay inaanu isa soo sharixi doonin ayaa
loo dhiibaa, Bangaalaleesh ayay ka dhacday.” Ayuu hadalkiisa sii
raaciyay Xildhibaanku.
Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Marxaladahaasi waxay yimaadaan
markay is aammin-darro xoog lihi timaado meesha ee kalsoonida lunto
ayay timaadaa, laakiinse shardi waxa ah in laysla ogolyahay, ka
jooga ee xilku ka dhamaaday iyo kuwa soo socda. Maanta waxaad
ogtihiin Madaxweynana wuu jooogaa, laba Madaxweyne oo kayd ahina way
innoo joogaan, oo Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, maanta way ka
soo gudbeen marxaladdii ay Guddoomiyayaasha Xisbiyada ahaayeen, waxa
weeye Musharixiin rasmi ah karaamo gaar ah ayaa fuushay, waana
Madaxweynayaal kayd ah. Markaa Madaxweynaha jooga ee dalda haya iyo
Madaxweynayaasha soo socdaa inay isla qaataan weeye, haddii lagu
tashado in cid dhex-dhexaad ah loo dhiibo, Shuruudda ciddaasina waa
inay noqotaa cid dhex-dhexaad ah oo aan Axsaabta midna ku jirin, oo
aan siyaasadda hunguri dambe ka haynin, oo muddadaas doorashada uun
gaadhsiinayaan.”
Md. Cabdiqaadir Jirdde mar uu ka hadlayay qodobka 83-aad ee
Xukuumaddu had iyo jeer ku dodo in uu dhigayo in ay Xilka ku
wareejin karaan Madaxweyne iyo ku-xigeen la soo doortay, waxa uu
yidhi, “Qodobka 83-aad ee kordhinta ah wax kale marka la waayo, in
dib loogu noqdo, laakiinse waa laangadhe’e la kabo, waayo sidan uu
yahay ku shaqayn maayo. Macnuhu maaha in Xukuumadda wakhtigii xilku
ka dhamaaday, kordhintu yay u muuqanin abaal-gud loogu abaal-gudayo
Xukuumadda maanta jirta, kordhin Shuruudi daba socoto weeye, haddii
loo kordhiyo, taasi Guurtida ayay u taalaa waxay ka yeelayso,
laakiin Guurtida waxaan xasuusinayaa, inaanay kordhintaasi noqon
abaal-gud loogu abaalgudayo maamulkan maanta ee eedda wax ku leh
doorashadaa inoo qabsoomi wayday, inkastoo lala wadaago.”
“Haddii saddexdaa aan sheegay lagu heshiin waayo oo Madaxweynaha
jooga iyo labada Madaxweyne ee kaydka ahi ay ku heshiin waayaan,
waxa yaalaa waa qodobka 83-aad, laakiin qodobkaasi waa mid aad u
diciif ah. Haddii arrimahaas laysku mari waayana waxa uu odhanayaa
in Guurtidu Shuruudo ku dartaa qodobka 83-aad, xilka kaliya ee loo
dhiibi karo haddii loo kordhiyo Xukuumadda maanta jirto waa
socodsiinta doorashada, wax ka baxsan oo aan ahayn adeegidda ummadda
oo ay gali kartaana ma jiraan. Wixii waxaa ku soo kordha ee cusub ee
loo baahdo, waxa qasab ay Shuruudda ku-meel-gaadhka ahi ay qasab
kaga dhigaysaa inay kala tashato labada Madaxweyne ee soo socda,
waayo talaabooyinka ay qaadaysaa haddii ay Madaxweynaha soo socda
dabar ku noqonayso looma baahna. Wax kasta oo soo kordha oo maamul u
baahanna waa inay talo ku yeeshaan Axsaabta Mucaaridku.” Ayuu
hadalkiisa ku sii ladhay Xildhibaan Cabdiqaadir.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in Xukuumadda loo aqoonsanayo
Madaxweyne Ammaano haye ah, isla markaana qodobo iyo xeerar lagu
heshiis yahay lagu hirgelin karo, sidaa daraadeedna ay u baahan
tahay in Guddi dabagasha qodobada ay Xisbiyadu ku heshiiyaan,
kuwaasoo uu soo jeediyay Xildhibaanku in ay ku fiicnaan lahayd in
lagu daro Guddigaas Xoghayayaasha saddexda Xisbi.
Md. Cabdiqaadir Jirdde, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in
awoodda Wasaaradaha qaarkood la wadaago. “Xiliga doorashada lagu
jiro saddex Wasaaradood ayaa hawlbawle ah, saddexdaasi waxa weeye
Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha gudaha iyo Warfaafinta, saddexdaa
wasaaradood waa in la helaa wixii lagu xakamayn lahaa Afkooda iyo
Addinkooda Sharciyan loogu xakamayn lahaa waa in la helaa muddadaa
la kordhiyay ee doorashada loo diyaargaroobayo. Xakamayntaasi waxay
noqon kartaa cid Shaadhaw-garaysa oo Wasaarad walba hawshii loo
dirtay ay waddo oo aanay awooddii dawladda doorashad ku
leexininaynin, oo Idaacaddii loo siman yahay, oo Nabadgalyadii loo
siman yahay oo Maaliyadda eegta inaanay galayn hawshii Xisbiga iyo
ololihiisa. Middi waxay noqon kartaa Madaxweynayaasha kaydka ahi
nimankay u magacaabi lahaayeen Wasaaradahaas magacaabo oo
yidhaahdaan Wasaaradahaas shaqadooda inoo illaaliya oo nin waliba
Wasiirka uu Maaliyadda u magcaabi lahaa yidhaahdaa waxaad
shaadhawgaraynaysaa Wasiirka ee illaali. Markaa saddexdaa
Wasaaradood in la qaybsado, oo ay timaaddo taas aan sheegayaa oo la
helo ciddii saddexdaa Wasaaradood la xakameeyo,.” Sidaa ayuu yidhi
Xildhibaanku
“Muraadka kaliya ee aynu u soconaa waa doorasho, doorashada Axsaabtu
malaha ee dadka aya iska leh, innaga ayaa leh, saddexda Hogaamiya
maaha, waxaad mooddaa dadweynihi inuu jaahwareegay oo uu
dhaga-barjoobay, maanta doorashadaasi haddii ay innaga qaloocato oo
ay innaga xumaato, waad aragteed dalalka Afrika, horumar iyo
Ictiraaf iyo waxbaad ka hadlaysaana jiritaankeena ayaa hali galaya,
talaabo kasta oo doorashadaa lagu badbaadin karana in laga xishoodo
maaha, waana ta maanta kaliftay inaan mawqifkayga adkeeyo, Suuqa waa
laysugalaa oo cidbaa fidmo wadda iyo cidbaa wax ridaysaa waa hadal
raqiis ah, waar doorasho ayaa loo socdaaye sidii nin waliba
damaanad-qaad u heli lahaa doorasho xor iyo xalaal ah u dhacayso
ayuun baa la rabaa, sidii taa loo suugagelin lahaana waa
talaabooyinkaa aan soo sheegay, damaanad-qaad bay rabaan Xisbiyada
Mucaaridka ahi, xaqna way u leeyihiin, waa laga yaabaa hadallo
taagtaagan inay ku hadlayaan, laakiin hadaladaas taagtaagani waxay
meesha ka baxayaan marka damaanad qaadka helaan.” Ayuu yidhi
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirdde.
Waxa uu Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, sheegay in aanay suuragal
ahayn in lagu heshiiyo dhismaha dawlad ku-meel-gaadh ah oo cusub oo
ta aan hadda jirta ahayn, hase ahaatee, Xukuumadda imika wakhtugu ka
dhamaanayaa lagu heshiiyo inay sii waddo inta doorashada la gaadhayo,
iyada oo shuruudo adag lagu xidhayo. Waxa kale oo uu Mudanayaasha
Golaha Guurtida u soo jeediyay inaanay ku deg-degin cod u qaadidda
iyo ansixinta Digreetadada uu Madaxweyne Rayaale kaga codsaday
Guurtida inay is waafajiyaan wakhtiga doorashadu qabsoomayso ee
Komishanka doorashooyinku u muddeeyay ee 31-ka 2009-ka, isla
markaana kordhin u sameeyaan, maadaama wakhtigii hore ee Guurtidu u
kordhisay Xukuumadda Rayaale ku egtahay 6-da April ee 2009-ka.
Ugu dambayntii waxa uu xildhibaanku soo jeediyay in sida ugu
dhakhsaha badan laysugu yimaaddo, guud ahaanba golayaasha qaranka
iyo aqoonyahanka dalku, isla markaana laga wadatashado sida danta
dalkan iyo dadkan Somaliland ku jirto, ee lagu badbaadin karo in
doorasho xor iyo xalaal ah la qabto.
Hadhwanaagnews
|