Warsaxaafadeed
Date: 02/10/2010
Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu
Maanta soo saa ray Digreeto Madaxweyne oo uu Xilkii kaga
Qaaday Agaasimayshii Guud ee Xukuumadii hore.
Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku Yidhi Sidan:-
Ku: Agaasimayaashii Guud ee Hore ee Wasaaradaha, Madaxtooyadda,
Arrimaha Gudaha, Waxbaras hada, Xanaanadda Xoolaha, Horumarinta reer
Miyiga, Ganacsiga, Wershadaha, Warfaafinta, Caafim aadka, Duulista
iyo Hawadda, Diinta iyo Awqaafta, Macdanta iyo Biyaha, Dhalinyaradda
iyo Ciyaara ha,Qorshaynta iyo Horumarinta iyo Gaashaandhiga.
Ujeedo: Xilka ka qaadis
Mudanayaal,
Waxa aan idinka mahad celinayaa mudadii aad xilka qaranka u soo
shaqaynayseen, wakhtigan cusub waxa aan gartay in aan idinka qaado
xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha kor ku xusan laga bila abo
taariikhda Warqaddan.
Sidaa darteed, waxaad ku wareejisaan xilkii Agaasimayaasha Guud ee
Wasaaradaha kor ku xusan M asuuliyiinta aan ugu soo magacaabay
Degreetooyinka.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|