Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Oo Tabobar Lagaga Hadlaayey Horumarinta Ciyaaraha Somaliland Kusoo gabogabeeyey Magaalada hargeysa.

 

Hargeysa (TNN)-Xaflad lagu soo xidhayo siminaar muddo 2 cisho ah uga socday xidhiidhka kubada cagta ee jsomalilandayaa saaka ka qabsoomay hotel maansoor ee magalada hargeisa xidhitaan ka siminaar kaa ayaa waxaa kasoo qaybgalay Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada ciyaaraha iyo dhaqanka  Mu stafe Maxamuud qodax.


Gudoomiyaha hayada ladagaalanka musuq maasuqa iyo maamul wanaag Md Axmed Muxumed  Madar,Ba dhabaas Kuxigeenka gobolka Gabiley Md Cali Cabdi sheekh ,Gudoomiyaha Hayada Wadaniga Ah Ee ODHA Marwo Faadumo Siciid iyo madax kale oo ka kala socotay shirkadaha Dahabshiil , Telesom , iyo waliba qa ar kamid ah dadkau ehelka ah Sports ka .


Waxa halkaasi Lagaga dhagaystay talooyin ay soo jeediyeen groups kii shalay loo qaybiyay ka soo  qayb galayaashii shikaas oo lagaga warbixinayay caqabadaha hortaagan sportska dalkeena gaar ahaa na kub ada cagta iyo waliba sida looga gudbi karo caqabadahaasi

Xoghayaha xidhiidhka kubada cagta mudane Khadar ayaa ugu horayn waxaa uu u mahad naqay  dhamaa nba kasoo qayb gala yaashii siminaarkaasi isaga oo sheegayna inay joogtayn doonaan ka xidhiidh ahaan shirarka noocaan oo kale ah cidkasta oo ay ku tuhmayaan aqoonta sports kana ay la xidhiidhi doonaan ugu danbayntiina xoghayahu waxa uu waydiistay kasoo qayb gala yaasha iyo cid kasta dhinaca sports ka gaar ahaana kubada cagta u ehel ah ba inay ahaadaan tiir dhexaadka xidhiidhka iyaguna hadh iyo  ha beenba ka dhagaysan doonaan talooyinka ay u soo jeediyaan khubaradaasi

waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay G.kuxigeenka xidhiidhka kubada cagta saleebaan xasan daahir isaga oo isagu tilmaamay in caqabadaha hortaagan kubada cagtu aanay ahayn oo qudha mid dhaqaale bal se uu sheegay inay jiraan caqabado kale oo ay kamid yihiin dayacaad iyo gabood falo loo gaystay oo ah iyadoon daacad loo ahayn sports ka gaar ahaana dadka iyagu waxbadan ka ka yaqaana sportska Waxa na gudoomiye ku xigeenku hadalkiisa kusoo gabagabeeyay oo uu sheegay inay samayn doonaan gudi yo kala duwan oo u dhaxeeya xidhiidhka iyo xukuumada iyo waliba bulshada.

Waxaa iyana halkaa ka  hadas hay Gudomiyaha Hayada ODHA Marwo Faadumo Siciid,oo nasiib daro ku til maantay in dalkeena oo nabada aanu sports ku gaadhsiisnayn meeshii loogu baahnaa waxaanay shee gtay inay sanadkani kor u qaadi doonaan sports ku nooc kasta oo uu ahaadaba waxa kale oo ay xustay in loo baahanyahay sidii marka ugu horaysa loo hagaajin lahaa goobaha ciyaaraha oo ay sheegtay in ay dhalinyaro badani uga soo cawdeen sidii ay wax uga tari lahayd dayac tirka garoonka  Basketbolka ee Timacade waxaanay halkaa ka balan qaaday marwo Faadumo Siciid in conterputionka ugu horeeya ee la gu dayac tirayo garoonka Timacade ay iyadu bixin doonto waxaanay intaa raacisay inay qorshaynayaan ka urur ahaan sidii ay u samayn lahaayeen tiimam basket ball ah oo gabdha ah kharashkoogana ay iyagu qabi doonaan


ugu danbayntii waxaa halkaa ka hadlay ag.guud ee wasaarada dhalinyarada, dhaqanka mr mustafe  Qo dax oo sheegay inay diyaariyeen siyaasad dadka lagula tashanayo taasoo keentay inay yimaadaan wax qabadyo badan oo la arki karo wuxuu sheegay oo kale in maanta loosoo tartamayo sidii wasaarada  dhd haqanka wax loola qaban lahaa isaga oo taana kusababeyay qorshaha iyo siyaasada cad ee ay ku  hog aaminayaan wasaarada ugu danbayna waxa uu u mahad naqay marwo faadumo siciid oo uu ku tilma amay inay tahay qof usoo guntatay wax ka qabadkasportska.


Sidoo Kalle Waxay Gabogabdii Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee S/land Ku Wareejiyeen G/kuxigeenka Gobo lka Gabailey Qalab sports oo Muwaadin Xasan Waraabacade oo ka mid ah Qurbajooga Somaliland Ugu De eqay Kooxaha Ka jira Gobolka Gabiley.


Waxaana gabagabadii siminaarkaasi aga doorety guddi la shaqeyneysa xidhiidhak ciyaaraha fudud ee So maliland oo kalla ah:

Gudi

1- C/kariin Ahmed Mooge
2- Maxamuud Cali Muuse
3- Eng. Maxamed cabdi xusen
4- Amiin C/laahi Xaashi
5- Cali Maxamed Saalax (Cajab) Telesom
6- Maxamed Axmed Maxamuud Barwaani
7- Xasan Xiis (Dahabshiil)
8- Axmed Ismaciil Aflax
9- Maxamed Xuseen Axmed
10-Faadumo Siciid Ibraahim
11-Axmed Muxumed Madar



Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland