Xisbiyada Mucaaridka ah oo maanta ku dhaw aa q ay in ay dalka ka samayn doonaan isku soo bax balaadhan

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Guddoomiyayaasha labada xisbi Mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid ayaa maanta ku dhawaaqay guddi wada jir ah oo ka shaqayn doona sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho waqtigeedii dhacda oo ku hab wanaagsan oo xor iyo xallaal ah.
Masuuliyiintan oo maanta si wada jir ah saxaafada shir ugu qabtay Hotel Maansoor ee Caasimada Hargeisa waxa ay sheegeen in gudidan ay madax u noqon doonaan labada Guddoomiye Xisbi ee Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe. Waxa kale oo guddidan xubno ka ah 12 xubnood oo ka kala tirsan labada xisbi.

Dhanka kale, labada guddoomiye xisbi mucaarid waxa ay tilmaameen in ay taageersan yihiin go’aanadii Golaha Wakiiladu ay kaga soo horjeedsadeen go’aan ay hore xukuumada iyo guddida doorashooyinku ku laaleen diiwaan-gelinta. Waxa kale oo ay xuseen in ay taageersan yihiin go’aankii ay ka soo baxay guddida dhexdhexaadinta oo ugu danbeeyay ee ahaa in aanay muddo-kordhin danbe dhicin, wallaw, ay rabaan in doorashada lagu galo diiwaan-gelin.

Ugu danbayntii waxa ay shaaca ka qaadeen In maalinta Salaasada ee Fooda inagu soo haysa ay dalka ka qaban doonaan isku soo bax balaadhan.

Magacyada Xubnaha Guddida:

Kulmiye:

Axmed Maxamed (Siilaanyo)
Muuse Biixi Cabdi
Keyse Xasan Cige
Maxamed Kaahin Axmed
Siciid Cilmi Rooble
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose
Maxamed Muuse Abees


UCID:

Faysal Cali Waraabe
Aadan Maxamed Waqaf
Axmed Xuseen Fag-fagaash
Maxamed Rashiid Sh. Xasan
Maxamed Xasan Baashe
Xasan Xuseen Codyare
Keyse Cali Geeddi





Mustafe Future
Longlivesomaliland News reporter
Hargeisa Somaliland