Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaqan-geliyey Xeerka Baanka Islaamiga Ee Dhawaan Baarlamaanku Ansixiyey


 

 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo...


Hargeysa (TNN) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Xeer Madaxweyne ku dhaqan-geliyey Xeerka Baanka Islaamiga ah ee dhawaan ay meel-mariyeen Baarlamaanku..

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyada,  Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo adeegsanaya awoodihiisa dastuuriga ah waxa uu soo saaray Xeer Madaxwyne oo summad iisu tahay JSL/M/XERM/249-1364/102012, oo uu ku Dhaqan-geliyey Xeerka Baananka Islaa miga ah Xeer Lr. 55/2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 


ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)


Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 

 

.