Xawaaladaha Soomaalida Oo Laga Cabsi Qabo In La Xidho Iyo Culayska
Dhaqaale Ee Ay Dalka Somaliland Ku Keenayso
Hargeysa (TNN):- “Xaliimo Maxamed oo ah gabadh ku
takhasustay cudurrada caabuqa ka dhasha, ayaa xanuunsatay iyada oo
ka shaqaynaysay mashruuc ku saabsan caafim aadka aasaasiga ah oo ay
ka waddo magaalada Ceerigaabo ee bariga Somaliland. Xaliimo waxa ay
garatay in waxa hayaa uu yahay caabuq sambabka ah, dawooyinka ay
isticmaali lahayd waa laga heli karayey Ceerigaabo, laakiin
qiimahooda ayaa aad u qaali ahaa oo lacagta ay markan sidatay uma’
ay goynayn.
Sidoo kale Xaliimo waxa ay ogeyd in magaalada ay joogto ee
Ceerigaabo ay ka mid tahay meelaha Somaliland ah ee uu
gaadhitaankoodu ugu dhibka badan yahay, iyo in aanay bangiyo lahayn.
Waxa ay la xidhiidhay agaasimaha laanta Ingiriiska ee shirkadda
Dahabshiil oo ah shirkadda ugu weyn xawilaadda lacagta oo
deegaankanna xarumo ku leh, waxa aanay ka codsatay in lacag u
taallay xafiiska Dahabshiil ee London uu ugu soo wareejiyo faraca
Dahabshiil ku leeyahay deegaankan ay joogto.
Daqiiqado gudahood ayaanay lacagtii ugu timid” Sidaa waxaa lagu
bilaabay warbixin ay Michela Wrong oo ah saxafiyad qoraa ah oo u
dhalatay dalka Ingiriisku ka qortay Somaliland. Michela waxa ay
bishii Siddeedaad ee sannadkan timid magaalada Hargey sa oo ay kaga
qayb gashay munaasabaddii bandhigga buugaagta ee Hargeysa. Waxa
aanay intaas ku sii dartay, Dhaq-dhaqaaqan maaliyadeed ee dhaqsaha
ah qiimihiisuna jaban yahay ayaa ah tusaalaha ugu fiican ee aynu u
soo qaadan karno xirfadda sarra ysa iyo hufnaanta ay caanka ku tahay
xawilaadda lacagaha ee Geeska Afrika ka shaqaysaa.
Taas oo lagu qiyaaso in ay sannadkii dhulka Soomaalidu degto
gaadhsiiso qiyaas ah 1.3 Bilyan oo doolar, laakiin xawilaadahaas
maanta waxaa ku soo waajahan khatarta ah in ay joogsadaan, cabsida
dowladaha reer galbeed qabaan ee ah in ay xawaaladuhu gab bood u
noqdaan dhaqidda lacagaha iyo maalgelinta kooxaha Islaamiyiinta
hubaysan ah ee gobolka awgeed, taas macnaheedu waa in shaqadan
xawilaaddu dhowaan joogsan doonto” Warbixintan oo uu wargeyskan
Geeska Afrika ka soo xigtay majaladda Foreign Policy ee ka soo baxda
dalka Maraykanka ayaa tusaale u soo qaatay xidhitaankii uu ba ngiga
Barclays ee dalka Maraykanku sannadkii 2013ka ku xidhay xisaabtii ay
shirkadda xawilaadaha lacagta ee Dahabshiil ku lahayd, isaga oo
arrintaa ka waramayana waxa uu yidhi, “Go’aankii uu bangiga Barclays
bishii Shanaad ee 2013kii ku xidhay dhammaan shirkadaha xawilaadda
lacagaha ee Soomaalida oo maxkamadda sare ee Ingiriisku had da dib u
dhigtay, balse aanay laalin, ayaa sii badiyey xaaladda argagaxa ah
iyo baqdin ta ay qabto Hargeysa oo ah caasimadda Somaliland, “Runti
ma garan karo waxa dhici doona.
Intaa waanu qaylinaynaa oo aanu cabaadaynaa” Sidaa waxaa yidhi
wasiirka qorshayn ta Somaliland Sacad Cali Shire, oo ah nin af-macaan
oo ay adag tahay in isaga laga fis ho in uu arrin noocaas ah wax ka
qabto. Waxa aanu intaas ku sii daray, “Madaxweynu hu waxa uu qoraa
dhambaallo, si is-daba joog ah ayaanu codsiyo u dirannay, laakiin
waxba lagama qaban.
Waxa aanu nahay dad hal-abuur leh, laakiin waxa aan u baqayaa in
arrintan cawaaqib keedu uu ki habsado dadka ugu faqiirsan
bulshadayada” Dhinaca kale marka aynu ka eegnana, qadiyadda
xawilaadaha lacagtu waxa ay kor u qaadayaan cabsida ah in ay dhacdo
mushkilad maaliyadeed, taas oo sii xumaan doonta haddii ay ku
beeganto, saa daasha ay khuabrada beeruhu bixinayaan ee ah in
Soomaaliya ay ka jirto xaalad abaa reed oo ah tii ugu xumayd tan iyo
sannadkii 2011, taasina waxa ay saamayn taban ku yeelanaysaa dalagga
beeraha, xoolaha nool. Marka aynu eegno hoggaamiyeyaasha siyaasadda
iyo ganacsatada Somaliland, xawaaladaha oo la joojiyaa waxa ay
daciifina ysaa dadaal 23 sano soo socday oo lagu xaqiijinayey
doonista wadareed ee umaddan oo illaa hadda aan aqoonsi helin. Sidoo
kale shirkado caalamiya oo tiro badan oo xataa ay ka mid yihiin,
Bangiga adduunka iyo hayadda caafimaadka adduunka iyo kuwo kale ayaa
ku tiirsan adeegyada lacageed ee ay bixiso shirkadda Dahabshiil, si
ay lacagaha u gaadhsiiso shaqaalaha hayadahan.
Masuuliyiinta Somaliland ayaa aaminsan in shirkaddan oo keliyi ay
sannad kasta guda ha u soo xawisho lacag naqad ah oo gaadhaysa illaa
400 oo milyan oo doolarka Mara ykanka ah, taas oo boqolkiiba 25 illaa
40 ka noqonaysa dakhliga wax-soo-saarka sann ad laha ah, arrinta
khatarta ahina waxa ay tahay in Somaliland iyo Soomaaliya labadu ba
aanay lahayn bangi shaqeeya oo buuxin kara kaalinta ay banneeyaan
xawaaladu hu. Sannadkii horena baarlamanka Somaliland waxa uu ku
fashilmay in uu meel-mariyo xeerkii abuuri lahaa bangiyada
ganacsiga. Haddii bangiga Barclays uu xidho xisaabta shirkadaha
xawilaadda lacagaha ee Soomaalida, waxa ay taasi cawaaqib xun ku
yeel an doontaa gebi ahaanba gobolka Geeska Afrika oo kumannaan qoys
oo ku dhaqan Jabuuti, Uganda, Itoobiya, Kenya, Suudaan iyo Koonfurta
Suudaan ayaa ku tiirsan xawilaadaha ay ka helaan ciddooda ka
shaqeysa dalalka dibadda.
Dowladda Ingiriiska ayaa hadda wadda qorshe ah in la abuuro marin
aamin ah oo la mariyo xawilaadda lacagaha, daraasad arrintan lagu
sameeyeyna waxa ay tilmaamtay habab lagu wanaajin karo arrintan, iyo
in la abuuro daraf saddexaad oo lagu kalsoon yahay oo dib u eega
lacagaha la xawilayo. Laakiin marinkaas aaminka ah ee la hadal hayaa
weli waa arrin fog, wax kasta oo uu noqdo xalka bilaha soo socda
arrintan laga gaadhaa, waxa ay u muuqataa in xawilaadaha lacagtu ay
goor aan habeen iyo maalin midna ahayn ka bixi doonaan nolosha dadka
deegaankan.
Michela Wrong oo ka hadlaysay dhinaca siyaasadda ee Somaliland ayaa
warbixinteeda n oo uu Geeska Afrika si guud mar ah u soo koobay ku
yidhi, “Somaliland oo hore u aha an jirtay maxmiyadda Ingiriis, oo
hoy u ah xasilooni, ayaa masiirkeeda gaarka ah ka ta shatay tan iyo
markii ururkii dhaq-dhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ku dhawa aqay in
ay ka madax bannaan yihiin nidaamkii keli-taliska milateriga ahaa ee
Maxamed Siya ad Barre, sannadkii 1991kii” Michela Wrong oo ah saxafi
iyo qoraa caan ah oo si aad ah u baadha arrimaha la xidhiidha
dalalka Koongo, Ereteriya, Kenya iyo guud ahaan gobolka Geeska
Afrika, waxa kale oo ay warbixinteedan kaga warrantay furitaankii
gegida Cigaal international ee magaalada Hargeysa oo ay sheegtay in
dad ka musaa furiinta ah ay ka furatay safarkii iyo jawigii kululaa ee
madaarka Berbera, waxa aanay tilmaam ka bixisay muuqaalka gegida
diyaaradaha ee Hargeysa oo ay sheegtay in gid aarrada lagu dhejiyey
sawirrada madaxweyne Siilaanyo oo la kulansan wufuud kala duwan oo
ay ku jiraan hoggaamiyeyaal Afrikaan ah iyo wasiirka arrimaha
dibadda ee Ingiriiska.
Iyada oo ka hadlaysa aqoonsi la’aanta
Somaliland iyo sababaha ay la tahay in ay hortaagan tahayna waxa ay
qoraalkeedan oo aad u dheeraa ku tidhi, "Runtii aad ayaa loola
dhacsan yahay Somaliland. Waxaana suurtogal ah in dalalka dee qda
bixiya ee reer galbeedka aanay u suurtogelin in ay iyagu si rasmi ah
ugu horreeya an aqoonsiga Somaliland, oo daciifinaya tobannaan sano
oo ay taageero dhaqaale bad ani ku baxay la garab taagnaayeen
dowladda Federaalka ah ee taagta daran ee Muqdi sho, isla markaana ay
dhiirrigeliso dhaqdhaqaaqyada gooni goosadka ah ee ka jira da afaha
qaaradda oo dhan” iyada oo ay sidaas tahay haddana waxa ay Michela
qoraal keedan ku sheegaysaa in aanay taasi hor istaagin u bogitaanka
guulaha ay Somaliland gaadhay, waxaana qoraalkeeda ka mid ahaa, “Si
aan rasmi ahayn ayaa masuuliyiinta shisheeyuhu u bogaadiyaan guulaha
ay Somaliland gaadhay; oo ay ka mid tahay nidaam dowladnimo oo
noociisu dhif yahay, kaas oo isku daraya dimuqraadiyad ku dhisan
xisbiyada badan iyo nidaamkii dhaqanka ahaa ee ay odaayasha qabiilku
kaalinta ku lahaayeen.
Sidoo kale waxa ay dowladdu raacda nidaam
fiican oo doorashooyinka lagu kor-meero, waxaa aad u yar dembiyada,
xaaladda amnigu waxa ay joogtaa heer la janto” Michela Wrong oo u
dhalatay dalka Ingiriiska qoraalladeedana ay qaataan wargeysayada
iyo majadalaha ugu waaweyn reer galbeedku waxa ay ka warrantay
dadaalka ay Somalila nd ku doonayso in ay soo jiidato maalgashiga
caalamiga ah iyo caawimo, iyo sidoo kale sanduuqa horumarinta
Somaliland ee loogu talo galay in ay deeq-bixiyeyaashu ku rida an
dhaqaalaha ay ku caawinayaan si loogu horumariyo biyaha, laydhka iyo
jidadka.
Iyada oo sii wadda arrinta dhinaca horumarka la xidhiidhana
waxa ay qoraalkeeda ku tidhi, “Somaliland baasaboor waa ay soo saari
kartaa, laakiin dalal yar ayuun baa ogol in loogu safro, qofka reer
Somaliland ah ee doonaya in uu helo baasaboor la aqoonsa nyahay waxaa
ugu dhow ka Soomaaliya oo ay tahay in qofka doonayaa uu u safro
Pu ntland oo dhinaca Bariga ka xigta… Somaliland ma maamusho
hawadeeda, waxaana ay hadda u socda wada-hadallo ay dowladda
Federaalka ah iyo Qaramada Midoobey kala xaajoonayso sidii ay u heli
lahayd xaqaas. Sidoo kale Somaliland kama jiro nidaamka boosta iyo
caymis, arrintaas oo cabsi ku abuurtay maalgashigii shisheeyaha,
dhinaca kalana Somaliland waxa ay weli u baahan tahay nidaam bangi
oo dunida aqoonsantay, waana sababta keentay in ay ku tiirsanaato
xawaaladaha lacagta, oo iyagana jiritaankoodu hadda khatar ku jiro”
Source: Geeska/Foreign
Policy
|