Xasuuqii Galbeedka ,xaqdaro aan la qaadan karin ( Abiib Timacad, oo Xabsiga loo taxaabay) CID , oo hawlgal balaadhan wada

 



Xasuuqa maatada iyo dadka aan wax danbiya gaysan waxa ka masuula dawlada somaliland waana mid waajiba inay soo xidh-xidho dadkii ku lug lahaa ma soconayso habeenkasta sadex nin ayaa sida adhiga qoorta loo dheeraynayaa ayadoon tii horeba laga bogsan maaha in hadana dad kale dhegta dhiiga loo daro malaa ragan wax laynayaa meel kale ayay libin ka haystaan ee tani maaha mid maanta lagaa yeelayo.

Dadka kalmada xaqa ah waanu u sheegnaa waanu fahansiinaa midhkay ku qaldan yihiin
haduu jiro nin maanta xaqa ka xishoonayaa asagay jirtaa
dilkan maanta loo gaystya maatada aan waxba galabsan hadii wax laga qaban waayo
waxa dhacaysa in qofkastaaba caadaysto habeen mirka dadka la khaarajiyo[ caawana xagaynu mirnaa]

Waxa amaan gaara leh maamulka dawlada oo ilaa imika ashkhaas badan oo tuhunku soo galay
xadhiga u taxaabtay la taliyha madaxwaynaha abiib timacade ayaa xabsiga lagu hubsaday
ka dib marki kooxda CID dabagal ku sameeyeen tuhun badan oo soo galay
waxa kaloo ayaduna meesha taala in qof kastoo ku lug leh in la qabto sharcigana la mariyo

Hadaan hadalka si kale u dhigo waxa dhawaan dalka sweden laga dhigay mudaharaad
ay mawaadiniinta dalkaasu ku taageerayeen maamulka soomaliland iyo in la aqoonsado
waxay dadkaasi sheegeen in s/land ay in badan nabad haysatay dimuquraadiyadna samaysteen
dalkana doorasho xor ah oo xalaali ka dhacdo sida wadamada reer galbeedkaba uga dhacdo
waxay muwaadiniinta reer sweden caalamka ka codsadeen in la aqoonsado s/land waxna lala
qabto
akhristoow waxa arinkan reer sweden ka mudaharaadeen sii xoojiyay markii dawlada masar
ay jawaab degdega ka bixisay ayadoo leh anaguna waanu taageerayna maamulka s/land
laga bilaabo maanta waxaanu ka caawin doona wax kasta oo aanu samaynkarno.

Hadaba waayaabe mr abiib timacde iyo kooxda tuhunku galay ma qaar u adeegaya dano kalaa miyaan halkaasi ahayn mid la qoonsan karo.miyaan xaalku ahayn waxa jira dad la adeegsanayo oo ah muwaadiniin u dhashay s/land oo raba in dalka qas laga abuuro caalamkuna idhaha ka leexiyo waliba sawir qaldan laga siiyo waxaad moodaa in s/land lagu wado dagaal qarsoodiya oo si cilmiyaysan loo abaabulo

ugu danbaynsomaliland waan hubaa in ay leedahay aqoon yahan badan iyo rag ila fahmi kara halkaan ka hadlaayosidaa daraadeed waxa haboon in loo guntado dalka lagana hortago hagardaamooyinka iyo shirqoolka lagu hayo shacabka somaliland iyo dawladnimadiisa iyo dimuquraadiyadiisa iyo aqoonsigiisa markalana waxaan maamulka dawlada ka codsanayaa in shacabka somaliland u sinaado sharciga waxaan idinku taageerayaa in aad xidhaan dhamaan gacan ku dhiiglayaasha iyo qaswadayaasha dadka masaakiinta habeenkii miraaya.


wabilaahi tawfiiq

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London