Mid Ka Mid Ah Dadkii Lagu Xasuuqay Malka Durdure 1988-Kii Oo Daadku
Soo Saaray Lafihii, Surwaalkii Iyo Suunkii Uu Marxuumku Xidhnaa Oo
Badqabay
"Xasuuqii Ciidamadii Afweyne U Geysteen Shacbiga Reer Somaliland Oo
Xabaalo Wadareedyadii Dadka Lagu Guray Maalinba Mid Qaybo Roobabku
Soo Saaraan"
Hargeysa August 31, 2010 (TNN) – Maalintii Doraad ayaa waxa la arkay
lafaha qof ka mid ah dad kii ciidamadii Afweyne ku xasuuqeen
duleedka magaalada Hargeysa (Xaafada Malka-durduro), halkaas oo ay
ku jiraan xabaalo wadareedyo ka mid ah Kumaan kumka shacbiga reer
Somaliland ee ciidamadii Siyaad Bare 1988-kii Xasuuqa Ba’an ugu
geysteen.
Lafaha maydadka dadkii Ciidamadii Afweyne ku laayeen xiliyadii xaq u
dirirka SNM dagaalka kula jireen Ciidamadii Faqashta ee Siyaad Bare
ayay Roobabka tododaabadan ka da’ayay caasimada Hargeysa oo soo
rogay daad ay dibada usoo saareen lafaha qaar ka mid ah dadkii
Ciidamadaasi xasuuqeen.
Qolfoofka Lafaha Marxuumka ayaa waxa uu sidii ugu jiray dhirkii uu
gashanaa intaanu dhiman, ku waas oo sidoodii ahaa isla markaana
aanay ciidu cunin muddo ku sigma 20 labaatan sano, taas oo
Surwaalkii iyo suunkii uu xidhnaa aanay is wax isbedel ahi ku dhicin
maryahaa.
Lafaha dadkaasi Rayidka ahaa ee ka soo jeeda Somaliland ee ciidamada
nacabka ahaa xasuuqeen ayaa isugu jiray, Dhalinyaro, Ganacsato,
Qqoonyahano, Culimaa’udiin iyo dad waayeel ah, kuwaas oo raxan raxan
inta la isugu xidh-xidhay qoryaha daran-dooriga u dhaca lagu furay,
isla markaa na xabaalo wadareedyo ay cagaf-cagaf ku rogtay
Ciida.
Xabaalo wadareedyada ay ku aasan yihiin dadkaasi ee agagaarka
hareeraha dooxa xaafada Mal ko Duduro ee duleedka Hargeysa,
ayaa wakhtiyada xilli roobaadka ee Gu’ga marka la gaadho sa
nad walba ay roobabka da’aa daadadka ka soo rogmadaa dibada u soo
saaraan lafaha dadkii cii damadii Siyaad Barre xasuuqeen
1988-kii.
Maalintii doraad, ayay dadweyne farabdani ku arkeen xaafada
Malko-durduro ee duleedka galbe ed Hargeysa lafaha qof ka mid
ah dadkii xasuuqaasi ku nafwaayey oo roobabku dibada u soo sa
areen ayaa Mujaahid Muxumed Cumar (Qulka) oo ka mid ahaa ururkii xaq
u dirirka SNM ee wakhti gaasi dagaalka kula jiray dawladdii
Siyaad Barre oo lafaha soo arkay, ayaa waxa uu Haatuf u sh
eegay in qolfoofkaasi macal dharkii uu gashanaa aanay ciidu cunin,
islamarkaana Surwaalkii uu gashanaa ay ka muuqato rasaastii
lagu dilay meeshii ay kaga dhacday iyo halkii ay ka baxday.
Maaha Markii ugu horaysay ee la arko Lafo dadkaasi xasuuqaasi ka mid
ahaa, balse laga soo bil aabo sagaashanadii ilaa hadda xilliga
roobaadku curtaan ayaa daadadka soo rogmadaa dibada usoo saaraan
lafaha dadkii, iyadoo dhawr jeer oo hore xabaalo wadareedyada
qaarkood ama inta badan ee ku aasan Malko durduro guddi loo saaray
dib lafaasi inta la isku ururiyay la aasay, isla markaana sibidh iyo
sabad lagu adkeeyay, balse may noqon wax adkeeya ee daadadka soo
rogmada ay wakhtiyada qaar daadad aad u waaweyni meelo badan xabaalo
wadareedyada ka soo saaraan lafaha dadkii xasuuqaa lagu laayay.
Waxa hadaba loo baahan yahay, in dadweynaha reer Somaliland,
ganacsato, aqoonyahano, wax garad, xukuumad loo gurmado sidii
xabaalo wadareedyadaasi meel weyn loogu aasi lahaa oo roo
babka looga badbaadin lahaa, iyada oo dhanka kalena loo baahan yahay
in dadkaasi sanad walba xus loo sameeyo lagu xasuusanayo falkaa
Axmaqnimada ahaa ee taliskii dhiigya cabka ahaa u gaystay ummada
reer Somaliland.
Source:Haatuf
|