XASARADII LAGU MAAGAY XIRSI IYO XOGOGAALNIMADIISII

Qaybtii: 5aad


 


Dagaalkii dheer ee xisbiga Kulmiye galay Xirsi Cali x xassana toosha ku iftiimiyey ayaa keent ay guushii ka dhalatay doorashadii madaxtooyada ee 2010kii inuu ku guulaystay madaxwey ne Axmed maxamed maxamuud siilaanyo iyo C/raxmaan Saylici.Xukuumadii ugu horeysay ee Axmed siilaanyo soo dhisay ayaa waxa lagu dhex arkay erey cilmiyeysan oo chief of cabine t-ka madaxtooyada taasoo uu u magacaabay Mudane Xirsi Cali xaaji xassan.

Dad badan ayaa uga hadlay si aan cilmi ahayn lamana weydiin madaxweynihii keenay ereyga aan hore siyaasada qaranka lagu arag isaga ka hor.Haddaba waa maxay Macnaha Chief of cabinet-ka madaxtooyadu? Sida ka muuqata waa madax shaqaalaha madaxtooyada, ma aha xil siyaasiya waxayna ku koobanyd arimaha madaxtooyada oo qudha.Waxaana kuu cadayna ya inaan Xirsi Cali lagu arag fagaarayaasha siyaasada isagoo dhagaha ka furaystay eedo ,af lagaado iyo cay fara badan oo loo soo jeediyey intii uu ahaa Madaxa shaqaalaha madaxtooyada.

Xirsi cali waa nin dulqaad badan had iyo jeerna aan jeclayn inuu dadka dhibaateeyo.Una sha qeeyo si daacadnimo ku dheehan tahay xilka qaranka ee loo igmaday.



XILKA WASIIRKA MADAXTOOYADA

Intii uu ahaa Madaxa shaqaalaha madaxtooyada ayaa Xirsi Cali waxa uu noqday qof aad loo bunbuuniyey gaar ahaan saxaafadu waxaanay marmarka qaarkood ku sheegi jireen inuu ya hay Madaxa wasiirada.Laakiin madaxweynuhu aad iyo aad ayuu ula dhacay hawlkarkan da'd a yar ee hadh iyo habeenba shaqadiisa wata waxbadana ka qabtay madaxtooyada waxaanu madaxweynuhu abaal marin u siiyey inuu u magacaabo xilka wasiirka madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xassan.

Waa xil waligiiba la yaqaanay oo aan u baahnayn macne gaara, waa xil siyaasadeed waana guul u soo hoyatay dhalinta Somaliland iyadoo madaxweynuhu u gartay xilkaas inuu u dhiibo Xirsi Cali.Dad badan ayaa barigii ku eedeeyey in laga cararay markii loo magacaabay chief of cabinet-ka golaha wakiilada.Bal aan eego markii labaad ee Xirsi Cali hor yimaado Golaha wak iilada iyo khudbadii uu ka jeediyey mudanayaasha hortooda waxaanu yidhi?Salaan ka dib wa xaan golaha u imid waa dastuuri in wasiiradu ay yimaadaan marka la magacaabo si loogu xa laaleeyo xilka ay qaranka u hayaan.Kalmada halkan la iga siiyey waxaan filayaa inaan sheeg o shaqada aan qabanayo maadaama golaha hortiisa laga akhriyey waayaragnimadayda iyo aqoontaydaba.Waxa madaweynaha Somaliland ii igmaday si wafaqsan qodobka 94naad ee dastuurka qaranka oo odhanaya

Wasiiradu waxay ka caawinayaan madaxweynaha xilkiisa.sida ku cad qodobkaas waxxan ma daxweynaha ka kaalmaynayaa xilkiisa.Shaqada wasiirka madaxtooyaduna waxay tahay  aga asimo, isku dubarido,qorsheeyo oo u diyaariyo madaxweynaha hawl maalmeedkiisa shaqo ee xafiiskiisa xidhhidhiyana xafiisyada la xidhiidha madaxtooyada.Waxa iska badalay shaqaday dii hore inaan awood u yeesho oo aan cabiri karo una guntan karo hawlaha siyaasadeed.

Maaha markii koowaad ee aan galaha hor imaado, waxaan shaqadan maanta ka rajaynayaa inaan ka soo boxo, waxaan qabaa inaan shaqadan u qalmo waxaana rajaynayaa inaan arim aha qaranka kaalin mugle ka qaato?

Intaa ka dib ayuu gudoomiyaha baarlamaanku xaadiriyey mudanayaasha fadhiya golaha wa kiilada waxaanay noqdeen 64 mudane waana la guda galay anxisintii wasiirka madaxtooyada Xirsi cali x xassan waxaa ogolaaday 62 mudane 1 mudane ayaa diiday gudoomiyuhuna muu coddeyn.

Sidaasi ayuu ku gudoomay Xirsi cali xilkii wasiirnimo oo uu ilaa maanta ku shaqeeyo .Hadii aan hore u taqaanay madaxtooyada hadda garan maysid .waxaanad dareemaysaa hawsha baaxada leh ee uu ka qabtay qaabdhismeedkii madaxtooyada.





La soco qaybta lixaad

 

Qore:Abdirahmaan Hamud Omer Gubadle