XASARADII LAGU MAAGAY XIRSI IYO XOGOGAALNIMADIISII

Qaybtii: 4aad




Xirsi isagoo ka fal celinaya xubnihii komishanku xilkii ay ka qaadeen ayuu shir jaraa,id ku qabtay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay ?Waxaan halka saxaafadda idiinku yeedhay in aan ka jawaabo qoraal ay mar dhawayd ii soo gudbiyeen xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee aan ka midka ahay, waxa qoraalkaasi ku qornaa waxa ka horeeyay hadal uu gudoomiyaha Komishanku BBC-da ka sii daayay oo aniga oo gudoomiye ku-xigeenka ah laygu anshax marinaayo. Waxa lay soo gud biyay waraaq la leeyahay waxaanu kugu anshax marinay in aanu kaa qaadno gudoomiye ku-xige enka iyo digniin inaanu ku siinay, iyadoo eedii tahay waxa aad ka hadashay saxaafadda.

Xirsi cali x xassan wuxuu shirkaa jaraa,id kaga dhawaaqay inuu xubintii komishanka iska casilay. Waxaanu yidhi isagoo sababayna iscasilaadiisa? Waxaan ku sababaynayaa iscasilaadaydan, ma rkaan waayay xoriyad Komishannimo, markaan ka rajo beelay xubnaha Komishanka ee ila shaqa ynayay ee saaxiibaday in ay yihiin qaar ummadda u garsoori kara, markaan arkay tusaale ahaan hadalada ay xuseen Komishanku waxa ka mid ahaa Madaxweynaha waxaad tidhi waxaad iila sim an tahay Faysal iyo Axmed Siillaanyo. Waa run waa iil siman yahay, waayo, guddidu maaha wasa arad u shaqaysa Madaxtooyada ee waxay u igman yihiin in ay qabtaan doorashooyin xor iyo xal aal ah, una qabtaan xisbiyada qaranka. Waxaan u cuskanayaa iscasilaadaydan maadaama ay xu kunkii Komishanka doorashooyinku uu noqday xukun ka soo baxay Xukuumadda, waxaan ku cad dayna yaa shalayto [dorraad] waxa ii yimi madaxda ugu sareysa xisbiga UDUB, waxay ii sii sheeg een in layga qaadayo gudoomiye ku-xigeenimada, waxaanay igu qancinayeen sii joog. Waxa kale oo aan ogahay in qaar ka mid ah xubnaha Komishanka la maslaxayay shalay oo dhan oo ay lahaa yeen aan u gudbino Madaxweynaha oo xubinnimadaba halaga qaadee.

Waxaan ku sababaynayaa maadaama aanan kalsooni qabin aan ugu shaqeeyo dalka oo aan ka warwari doono goormaa lagu gudbinayaa, halkana waxa aan u soo doortay xil madax banaan in aan ummadda ugu shaqeeyo. Laakiin markaan arkay inaan xil madax banaan halkan ka jirin waxa aan ku qancay in aan xilkaa iska casilo.

Waa geesinimo waa lexjeclo ,waa daacadnimo marka aad aragto in xilkii laguu igmaday aad umad da leh dib ugu soo celiso runtana u sheegto.Waa dhif iyo naadir africaan xil hayaa inuu iscasil o,l aakiin Xirsi cali taa uu fahamay oo wuu iscasilay waxaanu toosh ku ifiyey xaqdaradii taalay komi shanka dhexdiisa wanaa tii keentay burburkii ugu weyn ee soo foodsaaray komishanka.

Xukuumadii Rayaale sidii kagamuu tegin ee waxa loo sameeyey been abuur si looga aarsado run tii iyo iscasilaadii Xirsi Cali sheegay.Waxa laga qabtay magaalada Burco iyadoo lagu eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay kooxda xagjirka ee Alshabaab.3dii ogos 2008 ayaa Xirsi la qabtay iyad oo eed kale loo xambaariyey lana sheegay inuu ciidan beeleed watay laguna qabtay gaadhi qori saaranyahay.

Muddo bil ah ayuu Xirsi ku xidhnaa xarunta CIDda markii dambena waa la iska sii daayey sabab la,aan.Xirsi Cali x xassan waa shakhsi saamayn ku yeesha shaqada uu markaa hayo waana ta dad badani kula coloobeen.Xirsi markii uu maxbuusnimadii ka soo baxay ayaa uu shir jaa,id kaga waramay xadhigiisii waxaanu yidhi?Qofna iskii argagixiso looguma sheego,hadii lagu waayana qofkii ku sheegay waa dambiile.Ilaa maalintii la I xidhay ilaa maalintii aan soo baxay wax hay?ad sharciya oo la I horgeeyey ma jirto.Wax jidh ahaan iyo maskax ahaan la ii gaystayna majiro muddadii aan xidhnaa si fiican ayaana la iila dhaqmay.

Run ahaantii xadhigayga waxaan ku fasiri karaaa argoosi siyaasadeed oo la xidhiidha hadalo aa nu is weydaarsanay xukuumada intii aan ahaa gudoomiye ku xigeenka komishanka.Laakiin mar ay odayaashaydu la kulmeen madaxweynaha waa rayaale waxa uu u sheegay inay wasiirka uu ku kooban tahay xaalna uu ka bixiyey.Arrinta C/laahi cirro igu xidhiidhiyey Alshabaab waa kiis dacw ad baanan ka furayaa.Anigu wax xidhiidh lama lihi alshabaab baabuurka lasheegayna ee la yidhi kurka ayuu ka jaray oo hub ayaa saarnaa aigu ma garanayo, waa eedayn riqiisa. Waxaana weli la iga haystaa gaadhigaygii, baastooladaydii sharciga ahayd iyo mobilkaygii gacanta oo weli fasax loo sugayo Daahir Rayaale?.


Xirsi Cali waxa uu kaga dabaashay arrintan xukuumadu soo maleegay isku kalsoonaan iyo cod k arnimo, isagoo markasta sheega xaqiiqdu waxay tahay.Waxaanad moodaa nin in badan saaxada siyaasada ku soo dhex jirey.




La soco Qaybta 5aad

 

 

Qore:Abdirahmaan Hamud Omer Gubadle