"Xasan Sheekhoow Si Fudud Ayaad U Tidhi Midnimadii Ay aanu Ku Daba
Jirnaa, Ee Haka Yaabin In Calankaas Tawxiidka Lihi Dhaco," Wasiir
Faratoon

Hargeysa (TNN) :-Wasiirka
Wasaaradda Arrimkaha Guddaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fa ratoon),
ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha
Somaliya ee ahaa in midnimadii Somali weyn aanay wali ka hadhin.
Wasiirka Wasaaradda Arrimkaha Guddaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon),
oo ware ysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka
hadlay ganacsiga Qaadka Ke nya ee Somaliya u joojisay Somaliland
darteed, waxa kale oo uu ka hadlay xaalada Gobolka S ool, waxaanu
yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya "Xasan Sheekh waxaan leeyahay
waad iska hadashay, oo waxaad ku hadashay hadal xaqiiqada ka fog, oo
sinaba u suurtagal ahayn, oo waxaan leeyahay Xasan Sheekoow Shacabka
reer Somaliland, waa mid, oo waa isku mawqif, oo qaranimada, madax
banaanida iyo jiritaanka Somaliland ayey mid ka yihiin, haddii aanu
an agu nahay Dawladdiina cid aanu ka yeelayno inay ka hortimaado
Dastuurka Qaranka iyo dan aha Shacabka ma jirto, mar walba danta
Shacabkayga ayaanu diyaar u nahay, Xasan Sheek hoow si yar oo fudud
baad u tidhi midnimadii ayaanu ku daba jirnaa, ee waxaan ku leeyahay
iska iloow midnimo marnaba ha ka yaabin in Calankaas Tawxiidku ku
qoran yahay inuu dhaco, ee Somaliland wey socotay, oo haykalkii
Dawladnimo ayaa ka jira, oo Shacabkeeda ayaa si x or ah u doortay
Xukuumadda iyo Golayaasha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka, ee
adigu inta aad Somaliland ka hadlaysid dib iskugu noqo, oo halka aad
taagan tahay eeg”,
Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Kenya iyo
Somaliya ee xiisada qa adka Miirooga oo ay dawladda Somaliya ku
xidhiidhisay Somaliland, ayaa wuxuu yidhi ”Haddii Somaliya tidhi
Somaliland darteed baan Qaadkii Kenya u joojinay, waa u caqli daro,
Somalilan d-na cidii ay doonto ayey xidhiidh la yeelanaysa, oo ay
heshiis la galaysaa, umana daba fadh iisanayso Somaliya, Jamhuuriyada
Somaliland cidii ay Baayacmushtar,Ganacsi, Siyaasad iyo t alaba la
yeelanayso iyada ayey u taala, oo u madax banaan.
Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey xaalada Magaalada
Laascanood iyo falkii u dambeeyay ee ka dhacay ayaa yidhi"Baadhis
badan baanu sameeynay, baadhistiina meel fiican baanu ka gaadhnay,
dadkuna aad bay noogu heelan yihiin,oo in wax badan ka dhacaan ma
doonayno, xaaladuna aad bay u fiican tahay”.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudduhu wuxuu ka hadlay dagaalkii
dhexmaray Beelaha Dar arweyne ee Degmada Ceel Afweyn, waxaanu sheegay
in hadda xaaladu degan tahay, oo me el fiican waan-waanta iyo wada
hadaladu u marayaan.
Source: Geeska Afrika |