Xasan Sheekh Oo Weedho Qadaf Ku Ah Qaddiyadda Somaliland Kaga Tiraabay Shirweyne Maamul-goboleed Lagu Dhisayey

 


Gobollada waqooyiga Somalia ku yaalla waa walaalaheen, waa gobollo dalka Somalia ka mid ah 18 ka Gobol ee Jamhuuriyadda Somalia ka kooban tahay kamid ah, dabcan duruufo gaar ah iyo tabash o gaar ah oo ay qabaan way jirtaa laakiin….,” Xasan Sheekh Maxamuud



Muqdisho (TNN) :-Madaxweynaha dawladda Fededal-ka Somaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ay aa markale ka hadlay xidhiidhka mustaqbal eek a dhexeeya Somaliland iyo maamulka uu madaxda ka yahay, waxana uu si cad u sheegay inay ka go’an tahay sidii loo heli lahaa midnimadii wakhtigee du dhacay ee Somaliland iyo Somaliya. Xasan Sheekh oo ka hadlayey madal lagu caleemo saarayey madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle, ayaa isaga oo ka hadlaya maamul-goboleedyada Somaliy a waxa uu khudbadiisa kusoo daray inay hindisaha ugu jirta sidii Somaliland loogu soo dari lahaa m aamul-goboleedyada,“maamul-goboleedkani waa maamulkii shanaad oo waa mid muhiim ah, gobolla da waqooyi ayaa noo dhiman iyo magaalada muqdisho oo aan meeqaamkeeda caddayno, ayaa in oo dhiman.” Ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wa ta, ayaa shaaciyey in Somaliland kamid tahay gobolladii 18-ka ahaa ee Somaliya ka koobnaan jirt ey, isla-markaana dawladda uu masuulka ka yahay ay wada-hadal kula jirto Somaliland, waxana uu yidhi,“gobolada waqooyiga Somalia ku yaalla waa walaalaheen, waa gobollo dalka Somalia kamid ah 18-ka gobol ee Jamhuuriyadda Somalia ka kooban tahay kamid ah, dabcan duruufo gaar ah iyo tab asho gaar ah oo ay qabaan way jirtaa, wada-hadallaa socda dawladda Somaliya ay ku raadinayso walaalaha gobolladaas deggen in waxa ay tabanayaan laga daaweeyo oo laga qanciyo si aan mar kale ugu naalloono haybadda, sharafta iyo xoogga midnimadu leedahay.”

Waxa uu sheegay inuu qirayo in Somaliland dhibaato badani ku dhacday, balse ay diyaar la yihiin in ay ka dhaahiyaan dhaawaca loo geystay,“Waa run oo waanu qiraynaa in gobolladaas ay dhibaato ka dhacday oo magaca dawladnimada Somaliyana ay dhibaatadaasi ku gaadhay, somalida oo dhan na dibaaatadaasi way gaadhay, laakiin waa loosii kala darnaa, dhibaatadaasina sida ay u taabatay dadka soomaaliyeed ee deggen magaalooyinka ku yaallaana way ka duwan sida ay u taabatay qay bo badan oo dalka Somalia kamid ah.” Ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh waxa uu hoosta ka xarriiqay in midnimada Soomaaliyeed tahay mabda’a ugu weyn ee uu aaminsan yahay, balse uu garawshiiyo iyo isqancin ku raadinayo, waxana uu yidhi,“mar walba mabda’a aaanu aamin s a nahay oo ah shalay yaanay noo lugo xidhin inaanu berry hadana gefno, mdinimaanu rabnaa oo dalku inuu midoobaanu rabnaa walaalahaasna inaanu qancino oo aanu garawshiiyo uu muujino oo dabadeedna midownaanu rabnaa.” Hadalka kasoo yeedhay madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dha awac ku ah qaddiyada Somaliland, waxana xusid mudan in baahi loo qabo sidii dib loogu eegi lahaa wada-hadallada madhayska ah ee xukuumaddu kula jirto maamulka uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.



Source : Hubaal