WAR-SAXAAFADEED

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa muwaadinka reer Somaliland ee loo gacan geliyay Jibuuti .Dawladda Somaliland waxay u gancan gelisay muwaadin u dhashay Somaliland dalka Jibuuti. Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim waxa lagu xidhay Hargey sa 11 kii June sanadkan. Markii uu maalmo xidhnaa kadib waxa loo gudbiyay Jibuuti.

Dastuurka Somaliland wuxuu mamnuucayaa in muwaadin u dhashay Somaliland loo gudbiyo dal kale sida ku cad qodobka 35(2) ee dastuurka. Waa arin aad looga welwelo in muwaadin loo gacan geliyo dal kale. Ma jiro wax sharci ah cayn kasta oo uu yahay oo lagu dabakhay dhiibista Cabadilaahi. Dawladda Somaliland waxa waajib ku saaran yahay inay ilaaliso muwa adiniinteeda ayna ixtiraamto dastuurka.

Somaliland waa inay dib ugu soo celisa Cabdilaahi dalkiisa. Dawladda Somaliland may raacin habka ay tahay in la isku waydaarsado eedaysanayaasha. Ma jiro wax mucaahado caalami ah oo dhexmaray Somaliland iyo Jibuuti oo ku saabsan isu celinta eedaysanayaasha.

Qodobka 35(3) ee dastuurka Somaliland wuxuu dhigayaa "Jamhuuriyadda Somaliland waxa y dib u celin kartaa dambiile ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka weydiistay celintiisa”. Sidaasdarteed, dhii bista la dhiibay Cabdilaahi waxay si cad u jebinaysaa dastuurka Somaliland waxayna xad gudub ku tahay xuquuqda uu u damaanad qaaday dastuurku. Cabdilaahi ma aha dembiile ama eedaysane ka soo cararay dalkiisa balse wuxuu ahaa muwaadin ku nool dalkiisa hooyo.
Qoyska Cabdilaahi lama ogaysiin markii la dhiibayay, kamana war hayaan meesha uu joogo iyo xaaladiisa toona. Qoyskiisa looma ogolaan inay la xidhiidhaan.
Xaaladda xuquuqal insaan ee Jibuuti waa mid aad u xun. Dawladda Jibuuti waxay isticmaas haa jidh-dil sababa geeri, xaaladaha xabsiyaduna waa kuwo aad u xun sida lagu sheegay warbixinada hay’adaha xuquuqal insaanka ee caalamiga ah. Waxay warbixinadu sheegaya an in dadka lagu hayo xabsiyada mudo dheer iyada oo aan maxkamad ah la hor geyn, in loo diido dacwad dhegaysi xaq ah iyo in garsoorka Jibuuti aanu madaxbanaanayn. In muwaadin reer Somaliland ah khatartaas la geliyaana waa arin aan la aqbali karin.
Talo-soo jeedin:

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay dib ugu soo celiso Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Somaliland sida ugu dhaqsaha badan Dawladda Jibu uti waa inay u ogolaato Cabdilaahi inay booqdaan qoyskiisa iyo hay’adaha xuquuqal insa anku, waana inay xaqiijiysaa badqabka iyo nabadgelyadiisaa.
Xarunta Xuquuqa Insaanku waxay ka codsanaysaa ururada caalamiga ah ee xuquuqal insaanka inay u doodaan Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim


Ms. Mulaho Mohamed Ali
Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka