Xarunta MRC Oo Kaashaneysa Hay,ada IOM 500 Boqol Oo Qoys Oo Itoobiyaan Ah Ka Talaabisay Xuduuda U Dhexeysa Itoobiya Iyo Somaliland



 

Hargeysa (TNN)-Xarunta MRC oo kaashaneysa Hayada IOM ayaa 500 oo qoys oo itoobiyaana kataalbisey maalmahan ugu dambeeyey xuduuda udhaxeysa Somaliland iyo Itoobiya Shan boqol oo qoys, oo lasoo saarey basaska qaada rakaabka ah ayaa loo talaabiyay, dhinaca Itoobiy a,iy adoo ay cadeeyeen saraakiisha Hay,ada IOM, in loo gudbinayo dhinaca Magaalada Jigjiga ee X arunta Kililka Shanaad ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan halkay ka yimaadeen markii hore, ha ubadnaadeen kilka Oromiya, oo ay u badan yihiin qoysaska hada la wado iyo kuwa iskood u talaabay.Agaasimaha Xarunta MRC C/qani Daahir Ismaaciil oo Warbaahinta ugu waramey xafiiskiisa ayaa sheegay inay dadkaasi badankoodu dib ugu laabtee n Dalka Itoobiya oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan, isla markaana Xarunta MRC oo ah xarun kushaqeysa siyaasada Wasaarada Dibudejinta Somaliland oo kaashanaysa Hay’ada IOM ay ga can ka geysanayso celinta 5000 ruux oo aan awoodi Karin inay iskood ugu laabtaan dalka Itoob iya Dadkaasoo uu sheegay inay u badan yihiin Maato iyo dad Waayeela oo aan dhaqaale ay ku noqdaan haysan.Isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa muuqata tan iyo markii go’aankani ka soo baxay Xukuumadda in Culayskii badnaa ee dadka sharci darada wadanka ku joogay hoos u dhacay, dadkana intiisii badnayd way noqdeen oo iyaga iskood u tegay, anaguna waxaanu halkan ku diwaan-gelinaynaa 5000 qof Itoobiyaan ah, kuwaasoo u badan dad jilicsan oo iyagu aan awoodi Karin inay iskood u tagaan, waxaana hawshooda iska kaashanaya anagoo metelayna Dawlada Somaliland iyo Hay’ada IOM oo naga caawisay sidii dadkan loo celin laha a”iyadoo ay hay,ada IOM qorshahani waday lixdii bilood ee aynu soodhaafnay kaashanayayna xarunta MRC.Dhinaca kale Ku xigeenka Madaxa Xafiiska Somaliland ee Hay’ada IOM Mr Siciid aya a sheegay in lixdii bilood ee aynu soodhaafnay kuhawlanayd Hay’ada IOM barnaamij ay kaga qayb qaadanayso dib u celinta kumanaan qof oo Itoobiyaana oo Somaliland ku sugan .

Qoysas gaadhaya shan boqol oo qoys, oo Itoobiyaan ah ayaa xuduuda u dhexeysa Itoobiya yo Somaliland laga talaabiyay Hay,ada ku shaqada leh Laamaha Socdaalada Aduunka, ee IOM,oo kaashanaysa Xarunta falcelinta Tahriibka Migration Response Center (MRC).

Maxamed Iidan oo katirsan saraakiisha sare sare ee Hayada IOM ayaa sheegey in hawshan ta hey mid dhawrkii bilood ee udambeeyeya ay waday Hayada IOM.Waxaa kalle oo uu sheegey md,Iidan indadka kabaxaaya dalkay ay aracayaan basas gaadhsiinaaya Xuduuda labadal ee so maliland iyo itoobiya waxaanu kudheeraadey iney hawshan ay siiwadayaan.


Talaabadan ayaa ah mid jore looqaadey in dadka soo galootiga ee uabdan Oramada in dalka la ga saaro iyadoo ay wakhti kooban ay kahadhsan tahey wakhtigii ay dawlada somaliland u qaba tey in dadka soo galootigii dalka kabaxaan.






Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland