Xarun Luuqada iyo Dhaqanka Faransiiska oo Hargaysa laga furay

 


Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Jabuuti Dominque Decharf ayaa maanta ka qaybgalay xafladii furitaanka xarun weyn oo isugu

jirta barashada luqada Faransiiska iyo maktabad lagu akhrisan doono buugaag faransiiska iyo dhaqankiisaba.
Safiirka oo munaasibadaa hadalo ka jeediayay ka ayaa wuxuu yidhi "Waxaanu xarun noocan oo kale ah oo shaqeynaysay muddo ilaa 30-40 sano aanu ka furanay dalka Jabuuti, laakiin waxaanu doonaynaa in aanu sii wadno, waxaanay u furan tahay dadweynaha, shaqaalaha dawlada, bulshada rayidka ah, jaamacadaha ciddii doonaysa inay barato luuqada Faransiiska."

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Md. C/laahi Maxamed Ducaale, oo ka hadlay xafladaasi ayaa ka waramay xidhiidhka labada dal oo uu sheegay inuu heer wanaagsan marayo, waxaanu yidhi "Waanu soo dhawaynaynaa senator-ka iyo safiirka oo hore ugu balanqaaday inay dalka yimaadaan, xidhiidhka Somaliland iyo Faransiis, imika ma uu bilaabmin ee waa mid ku siman dagaal weynihii koowaad iyo labaad oo rag u dhashay dalkan ayaa ku dhintay, iyaga oo ka dhinac dagaalamaya ciidanka Faransiiska. 1993-kii shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay magaalada Boorame, Faransiisku waa dawlada keliya ee u soo dirtay shirkaasi raashin.

Markii aanu dhalinyaradii u horaysay hubka ka dhigaynay waxaanu ku xaraynay oo tababar uga furnay Xerada tababarka ee Mandheera, dawlada noo soo dhaqaaqday ma jirin, dawlada qudha ee mucaawimo noo soo dirtay waa dawlada Faransiiska, waxaanay noo soo direen markab dhan oo raashin ah oo gaadiidkiina saaran yahay."

Md. Ducaale wuxuu sheegay ilaa 1993-kii xidhiidhka Somaliland iyo Faransiisku mar qudha kala go’in heer kasta ha joogee, waxaanu tilmaamay in ay xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin xaruntan lagu baranayo luuqada Faransiiska.

Wasiirka arrimaha dibadu wuxuu sheegay in ay xidhiidh wanaagsan la leeyihiin dalalka mandaqada waxaanu xusay in xidhiidho heer sare ah ay la leeyihiin dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Md. Ducaale wuxuu tilmaamay dalka Soomaaliya marka uu dhismo in ay Somaliland la yeelan doonto xidhiidh iyo iskaashi la mid ah kuwa ay la leeyihiin dalalka mandaqada.

Wasiirka Wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska Md. C/risaaq Waaberi Rooble, ayaa hadal uu ka jeediyay xafladaasi wuxuu u mahad celiyay wefdiga safiirka oo soo gaadhsiiyay deeq qalab muyuusig oo ay isticmaali doonaan fanaaniinta qaranku.

Md. C/risaaq waaberi wuxuu sheegay in jaamacad ku taalla dalka Faransiisku ay cilmi baadhis ku sameeyeen goobaha aasaarta qadiimiga ah, isagoo intaa ku daray inay daah fureen xarunta ugu weyn aasaarta qadiimiga ah ee Laas-geel, oo uu xusay in hadda caalamka oo dhan laga wada yaqaano ka dib markii cilmi baadhista lagu sameeyay.

Wasiirka dalxiisku wuxuu tilmaamay in xaruntani ay wax weyn ka tarayso iskaashiga labada ummadood ee Faransiis iyo Somaliland.

furitaanka xaruntaas oo loo sameeyey ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xumuumada Somaliland, Xildhibaano, safiirka Faransiiska ee dalka Jabuuti Dominique Decharf, senator ka tirsan baarlamaanka Faransiiska iyo sarkaalka xidhiidhada dalalka Jabuuti iyo Faransiiska.

 

 


TogdheerNews