Xaraashka Daahir
Riyaale Ee Dhismaha Danta Guud Oo Gaadhay Iskuulada Iyo Gadoodka
Ardayda Sheekh Bashiir
Ciidamada Booliska Somaliland
ayaa rasaas u adeegsaday kumanaan arday oo ka mid ah ardayda wax ka
barata dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Bashiir ee badhtamaha magaalada
Hargaysa, kadib markii waalidiinta ardaydaasi oo shalay xukuumadda
wakhtigeedu dhamaaday ee Daahir Riyaale isugu yeedhay loo sheegay in
ilmo kasta oo arday ka ah dugsigaasi laga doonayo hal doolar oo
loogu sameeyo bedelaad iskuul kale, isla markaana dhismaha dugsiga
Sheekh Bashiir looga faa’iidaysto siyaabo kale.
Waaberigii saaka ayaa ardayda wax ka barata iskuulka Sheekh Bashiir
ay abaabuleen gulufyo mudaharaadyo nabadeed oo ay ku mareen
badhtamaha magaalada Hargaysa. Hase ahaatee Ciidamo Boolis ah oo aad
u hubaysan oo dhinac walba ardaydaasi cabanaysa ka soo hujuumay ayaa
rasaas xoogle ooda kaga qaaday, rasaastaasi oo khalkhal gelisay
dadwaynaha ku dhaqan magaalada Hargaysa iyada oo ugu yaraana 20
arday xabsiga loo taxaabay.
Ciidamada rasaasta ku ridayay ardayda oo u badnaa ciidanka ilaaliya
Madaxtooyada Somaliland ayaa si arxar-darro ah ula dhaqmay iyaga oo
ardaydaasi la dhacayay qoriga dabadiisa.
Mudaharaadka ardaydaasi cabanayay ee wax ka barta dugsiga Sheekh
Bashiir oo ahaa mid si nabad ah u dhacayay, ayuu agaasimaha guud ee
wasaaradda waxbarashadu difaacay rasaastii xooga lahady iyo
jidh-dilkii ardayda loo gaystay ee ay ciidamadu kula kaceen oo uu
agaasimuhu ku tilmaamay in ay amaanka sugayeen.
Lama sheegin cid rasaastaasi wax ku noqotay oo ay waxyeelo ka soo
gaadheen, inkasta oo ay jiraan dhaawacyo fudud oo ardayda qaarkood
ka soo gaadhay garaaciddii ciidamadu ay garaacayeen.
Barxada hore ee Dugsiga Sheekh Bashiir ayaa lagu arkayay dadwayne
aad u tiro badan oo halkaasi tuman, kuwaasi oo isugu jiray
waalidiinta, ardayda wax ka barata dugsiga iyo dadwayne kale.
Dadwaynaha halkaasi isugu soo baxay ayaa si kulul u cambaareeyay
falalka Daahir Riyaale ku xaraashayo hantida ma-guurtada ah ee
ummada ka dhaxaysa, waxaanay dadkaasi dhamaantood saxaafadda uga
warameen warar ay ku tilmaameen mid yaab iyo fajiciso ku noqotay,
kuwaasi oo ah in ay maqleen in la iibiyay Iskuulkii ay caruurtu wax
ku baranaysay. Waxaanay muujiyeen in taasi suuragal tahay, maadaama
hore loo iibiyay guryo iskuulku lahaa iyo xaafado dhan oo ah
guryihii laga dhaxlay dawladihii hore oo ku dhaw ama la jaar ah
iskuulka..
Mid ka mid ah waalidiinta ardayda wax ka barata dugsiga Sheekh
Bashiir oo magaciisa la yidhaahdo Muxumed Jaamac ayaa soo tiriyay
dhamaan sakadaha uu dhawaan xaraashay Daahir Riyaale, isaga oo
sheegay in iskuulka Sheekh Bashiir oo ah goob taarikhi ah oo lama
taabtaan ah iibintiisu ay u xalaalaynayso Daahir Riyaale in uu
iibiyo Masaajidka wayn ee Masjid-jaamaca magaalada Hargaysa.
Iibka Iskuulka Sheekh Bashiir ayaa la sheegay in uu ku xidhiidhsan
yahay iibkii hore Daahir Riyaale ugu faasaxay xaafadda Indiya Laynka
oo dhamaantood laga iibiyay qaar ka mid ah ganacsatada waawayn ee
dalka, waxaana la sheegay in labada guri ee iskuulku lahaa oo hore
looga iibiyay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Maxamed Aw Siciid,
lagana saaray qoysas danyar ah oo deganaa, la doonayo in guryahaasi
la raaciyo dhul kale oo ka mid ah Iskuulka, si taasi loo fuliyana
waxaa la sheegay in loogu talo galay in la fasaxo ardayda iskuulka
Sheekh Bashiir, iyada oo loogu marmarsoonayo in dayactir lagu
samaynayo dhismaha Iskuulka, isla markaana mudadaa gudaheeda la
dumiyo qayb ka mid ah iskuulka, si loogu daro dhulka laga iibiyay
ganacsade Maxamed Aw Siciid
Source:Somaliland.org
|