Xaqa
Suxufigee Lumay

Ascwr waxaan halkan ku soo
gudbinayaa maanso la maga baxaday (xaqa suxufigee lumay)waxay soo
baxaday maansadani 17/02/2009 oo aan ka ga hadalyo weriyayaasha
somaliyeed ee la laynaayo iyaga oo aan waxba gaysan lagu xasuuqayo
bilaa sababta waxa kale oo ay mansdani ka hadalysaa dadka birri ma
gaynadda ah gaar ahaan suxufiyinta la laynaayo.
Xaqa suxufigee lumay
Xabaalaha kan lagu guray
Xasuuqaan ladabar jaray
Xabsiyaday ka buuxaan
Xuriyadaan lasiinayn
Xeerkeebay ku taalaa.
Suxufiga in lagu xidho
Xabsiyada dambiilaha
Xabbad lagu dilaacshoo
Xuquuqdood la duud siyo
Xaqdhawr aan la siinayn
Xeerkeebay ku taalaa.
Xaqdardan dilaacdee
Xamastiyo carurah
Lagu xiiray matada
Xawaleey la dabar jaray
Xamar haw darnaatee
Haddii ay xog sheegeen
Maxaa loo xasuuqo
Talow loo xidh xidhaya.
Ninka xadhiga miiqee
Xumaatada ku noolee
Xasilooni diid iyo
Tuugaa wax xadayee
Xabadaha ridaayoow
Xisaabbaa ku daba taal.
Waxaba yanan xiiqinoo
Ku xabeebsan hadalkee
Somalaan xurmayn iyo
Xushamad ruuxna siino
Xabaalaha ku faantoo
Xooggeeda aastoo
Xinjiraa ka dhuratoo
Xuurtaysa geesiga.
Xeerka dunida ku wa qoray
Sida aay xaqiijeen
Saddex baan xumaan geyin.
Suxufigu xor weeyaan
Ma ogola xumatada
Xaqaynoo iftiinshaan
Nabadday xasilyaan
Xaasidkay la diriraan
Markay xaajo dhabqdee
Xarbi laysku qadee
Rasaas xaami dhacayso
Xiinka roob la moodaa
Xag kasatab kayeedhee
Maydku u xad dhaafee
Xisaab beelo dhaawacu
naftu xanf warerte
xusul duubto orodkee
Xamil joogi waydana
suxufigays ku xooroo
Xayn daabka jiidhoo
Warka soo xaqiijoo
Xudud malaha celisoo
Xadku waa u fuyaran yahay
Ma geyaan xumaatada
Oo suxufigu xorweeyan.
Fanaan xiiso badanoo
Xarakeeya luuqdoo
Ku xeel dheer garaacoo
Xilli kasta diyaroo
Xubigi iyo kalgacalkiyo
Xasuustii fogaatiyo
Xoorkii idin shuba
Marka aay xanibantee
Taladu aay xayirantee
Xagal daaca keentana
Fanankaan u xaytoo
Ka dilcasha xuubkoo
Xantoobsada dhibaatda
Oo ma geyaan xumantada.
Xilkas weeye gaaroo
Xigmad eebbe siiyoo
Murti xaakiim barayoo
Iyo xeellad gaaro
Xidid weeye hoosoo
Xanannaaya ciidoo
La xarbiya gumaystaha
Marna xabag barsheediyo
xareed roobku shubayiyo
xayskiyo guggii iyo
Dayrtoo xab bururtoo
Xooluhu dhaleenoo
Xasilooni nabad iyo
Xamidi eebe lagu jiro
Waxa xaraf ku muujee
Taarikh ku xaydee
Xaashida ku reebe
Ku xardhaaya suugaan
Xashaa lilahiye
Xeerbeegti weeyoo
Abwankaan xumaan geyin
wabiaahi tawfiiq
|
Caashaluul
Maxamuud Yuusuf
London UK |
|