Xanee ku hadh:
Axmed cali (idaajaa) ayaa xaal doonaya, Maxa med Cali Samatar-na waa
eedaysan yahay, Saado cali-na ereygeedii marag iyo markhaati bay u
heshay.
Xamud Ducaale
Sedexdaa ilma cali ee aan ku
xusay halku dhegey maqaalkan, waa caanbaxyaal Somaliyeed oo
sedexdaba lagu soo barbaariyey oo lagu ababiyey “shantood is
weheshaday wacnayd calan in ay wadaagaaney wacnaydaa” iyadoo taasi
la barbar weydey anaa kaa abroon iyo abtirsiimo qabiil oo iyaga iyo
qayrkood lagu qiimanayo qabiilka ay ka soo jeedaan oo la yaso
hibadooda iyo qiimaha ay leeyihiin qof ahaan.
Xalay (habeen hore) waxaan ka daawaday waarbaahinta la iska arko ee
Caalamiga ah ee af-somaliga ku hadasha, shir lagu qabtay magaalada
Neyroobi ee dalka kiniya. Shirkani wuxuu ahaa mid ay ku kulmeen
bulshada rayidka ee Somalidu oo lagu qaadaa dhigayey dhibaatada
Somalida oo qiiro somaliyeed iyo mid diineed ka muuqatey.
Haddaba nin ka mid ah aqoon yahanka Somaliyeed oo aqoonta uu u
leeyahay suugaanta somalida iyo dadaalka dheeraadka ah ee uu geliyey
dabagalakeed iyo baadhitaankeeda aan ku tixgeliyo, ayaan la yaabay
hadalkii ka soo yeedhay, kaas oo ah Axamed Cali Idaajaa, oo aan
muddo dheer xiisayn jirey cilmi baadhisyada uu ku sameeyo suugaanta
iyo af-somaliga, welina aan u hanweynaha, darjiidhada siyaasadeed ka
sakow.
Idaajaa markuu minbarkii uu baxay waxaan moodey in uu soo bandhigi
doono suugaan nabadeed dadka iyo dalkuba u ooman yihiin oo nadir
noqotay, markaas ayaan dhegteydii ballaadhiyey oo u raariciyey oo
aan dhukaygii ka saaray.
Waa yaabe abwaanku intii lana maqashiiyey amma xubintii hadalkiisa,
suugaan nabadeed kumuu soo qaadin, laakiin waxaa ka soo yeedhay
hawraar xilligeedii laga soo gudbey islamarkaana ka gar naqaysa
wixii dhacay, naxlina aan ka fogeen, dhegtaydiina dhukaygii hore eek
u jirey mid kale ku sii daray.
Wuxuu yidhi: “kuwii qaranka dumiyey weli xaal iyo cudur daar midna
kama hayno. Waan in xaal la noo keeno”.
Hadalkaas waan la yaabay oo waxaan garan waayey cidduu xaalka u
doonayo iyo ciddu u ka doonayo iyo cidda isaga u igmatey in
muduciigii iyo garsoorihiiba noqday oo xukun rido, isaga oo dhinac u
doodaaya dhinacana daadufeenaaya.
Su’aalo badan ayaa igu soo dhacay, waxaan is idhi toloo ma
abwaanadii ay murmi jireen ayuu xaal ka doonayaa, Ma reer hebel ayuu
xaal u doonayaa, haduu u doonayana waa heerkee, ma heer jilibaa, mar
heer qabiilbaa, ma heer Somaliyeedbaa? Ma Alshabaab buu xaal ka
doonayaa, Ma Maxaakiimta ayuu xaal ka doonayaa, Ma xusbul Islaam
ayuu xaal ka doonaya? Ma gurigii madaxtooyada ciddii fadhida ayuu
xaal ka doonayaa? Mise wixii mooraduug dhacay iyo inta isbedelo
dhacday wuu ka baraad laayahay oo wuxuuu u gar naqayaa SNM, USC,
SSDF iyo Nidaamkii Siyaad Barre oo uu maamul ahaan iyo qabiil
ahaanba isbidayo?
Waxaan leeyahay Mudane Idaajaayow, haddii aad reer xaal u dooneyso
waad qabtaa oo waxaad ka heli kartaa wixii iyo wax u eg, adiga oo
aan meel kale aadin, Garbahaarey oo uu ku duugan yahay Madaxweynihii
u danbeeyey ee jamhuuriyadii Somalia. Midhihii ka dhashay tala
xummaantii qaybtaadii wad guratay oo maanta garbahaarey waxaa ku
sugan Itoobiya, Alshabaab, Itixaad iyo xusbul Islaam, sida goboladii
kalaba ay ugu haqab beeleen.
Haddii aad Xaal u dooneyso nidaamkii Siyaad Barre ee isdumiyeyna,
waa la bixiyey xaalkii oo cidna kuma lihid oo ummadda Somaliyeed
kuma baaqan. Bal day Somalilandan xaalka loo siiyey mukhlisiintii
nidaamkii Siyaad Barre iyo Nabad sugistiisii oo hawlihii kacaanka
halkii ka sii wada, waa maxay xaalka ka weyn ee aad ka sugeysaa.
Siduu Jeclaa nidaamkii Siyaad Barre amma uu ku dhaqmi jirey ee uu ku
taami jirey miyaan qaybi oo xukun, laga hirgelin gobolada oo dhan.
Miyaan raguu soo gardaadiyey ee uu tababaray qabqablayaal dagaal iyo
hogaamiyayaal dalka ka ahayn. Miyaan Gaashaanka lagu dhufan
guutooyinkii soo dagaalamay oo aan tolka aad u tirinaysaa ku
gadoodin, habkii ay u soo dagaalamayeen, miyaan laga doorbin kii
kacaankii barakaysnaa oo aan laga dhigin xaal gola joog ah. Miyaan
dadkii adooma looga dhigin Suldaano iyo Caaqilo cartamaya oo aanay
ahayn nidaamkii Siyaad barre gaarka u lahaa ee uu ku caano maal kuna
caanbaxay. Miyaanad arag gobolada oo dhan inta boqor doobineysa ee
aan dabadood la hadal. Miyaanu ahayn maamulkaad xaalka u dooneyso,
kan la ballaadhiyey ee u gogol xaadhe gardarada sokeeyaha oo diin
loogu soo gabado.
Miyaanad arag tafiirtiisii in ay tiro beeshay.
Ina cumar qadhoonee adduun qaalo bixi waaye, adigaaba qalab doonaya
quusey faransiis ayaa Cabdi Gahayr laga soo weriyey, isaga oo
xaaskiisa u caqli celinaya. Axmedow adigaaba xaal doonaya,
jabhadihii waa hore ayay quusteen oo sibiq dhaqaaqeen. Adigaaba
reernimo luqanta taagaya oo reeraha aad u dhiganto la xisaabtamaya
eh, ninkii bahda yaaraa ee amar la siiyo mooyee awood buuran lahayn,
Jaalle Sareeye Guuto Maxamed Cali Samatar denbibaa lagu oogey oo
keligii lagala dhex baxay Mukhlisiintii nidaamkii Siyaad Barre.
Denbi kasta oo ay galeen kuwii reeraha waaweyn ka dhashay, sidaada
oo kale, maanta hadduu ugu liito waa madax beeleed, waxaase ay u
badan yihiin oo ku andacoodaan in ay yihiin madax qaran, ka aan
ahaynina dalka iyo qurbaha ayuu iskaga dab qaadaa. Wax dhib ah ma
qabaan.
Axmed Cali Idaajaayow saaxiib waxaad istustay kuwa aad ku xaalka aad
mudan tahay, laakiin sidan aad u hadaashay haddii la raaco, Cali
Samatar ayaa xaal weyn kugu leh oo aad soo adeegsatay. Hadalkaaguna
wuxuu cadeeyey in aad shalay iyo maantaba ka awood badan tahay oo
aad ka dhiiran tahay isagan bah yaraan aad ku baqomaaleysey.
Waxse aan kaaga tegey, hoobaladii Saado Cali ayaad u marag furtay oo
iyada oo aan cidna gef ka gelin ayay sheegtay meeqaanka aad kala
joogaantaan labadiinan ilma cali, waxay sheegeysey ayaad uga ka
marag kacaday oo adiguna xaal gola jog ah ayaad dooneysaa, isaguna
gorada ayuu laalaadinayaa oo denbiyad kacaanka ayaa isaga lagu
oogayaa. Allaa i leh siday hoobaladu ka dhawaajisayarrintiinu waa
kaaf iyo kal dheeri.
Somali haddaynu nahayna oo aynu tol nahay ha la isku tago oo Cali
Samatar waxba yaan xaal la siine, oo talo wax laga siin, laakiin
sidaad kuwii kalaba u cafiseen u cafiya oo sidii qayrkii laga yeelay
iyo Idaajaa ha laga yeelo, Saado Cali-na waa muraayadii fanka laga
daawanayey, Waa daadihiyayaashii isbedel doonkee hore iyo ka
immikaba, ayaan runta lagu nicin hana u daymo la'aan in ay xaq u
leedahay in ay ra'yigeeda dhiibato. Waar darmaantaa xaal ha la siiyo
oo hana la isdaayo waa wada qabnaa daawasho iyo ceebe.
Ku nasta oo ku nagaada dhegaha ugu raaxeeya: “Waa xaal innaga
weynow, xagga samada lagu qorayee—haa-haaaa- Xirsiguna innoo xidhan,
xirsiguna innoo xidhan.”
|