Xaladii soo dhaweynta Maareeyaha TV Qranka

 



Holland (TNN):-Habeenkii sabtida ee ay taariikhdu ahayd 14-09-2013, ayey Jaaliyada reer somaliland ee wadanka Holland waxay si weyn ugu soo dhaweeyeen maareeyaha eeT.V. qaranka Mudane Khad ar Xassan Cali gaasi, oosafar shaqo ku joogay Holland. Xaflad oo si heer sare ah loo soo abaabuley oo ay isku soo duba rideen Ururka Nomad garabka Hooyo waa lama huraan, ayaa lagu soo dhaweey ey maareeyaha oo ka dhacday Magaalada
Rotterdam.

ugu horeyn waxa furintaankii xafldaasi erayo soo dhweyn ah ka jeediyey Nuur Xaaji Xuseen Cumar Xaashi sheegeyna inuu aad ugu faraxsan yahay iany Jaaliyadu soo dhaweeyso Mudane Khadar.Wxa anu ku soo  dhaweeyey Gudoomiyaha Jaaliyada Maxamed Yuusuf Buux.

Waxaan isna halkaasi ka hadlay Gudoomiye, Maxamed Yuusuf Buux, ooo sheegy in jaaliyada Reer Ho lland ay caan ku yihiin soo dhaweynta Madaxda Qarranka, taasina ay tahay mid ka turjumeysay sid ay wadankooda iyo Maddaxdooba ugu heelan-yhiin.Waxa kale oo uu sheegey in dacaayad kasta oo cdawgu wadanka ka faafyoaan dhag jalaq siin doonin.

waxaa kale oo sina si faah-faahsan ugua hadlay Carab Maxamed Yey oo sheegey inay muqadas tah ay Somaliland aan cidna laga ogaan doonin inay wax yeesho nabada aynu ku caano maalay.

Gudoomiayah ururuka Hooyo waa lama huran Marwo Foosiya Maxamed ayaa iyana ka sheekey say kaalinta uu ururkoodu kaga jiro wax- qabaka Jaaliyan isla markaasna sheegetay inay ururkoodu baa lasha jaaliyadu ku duusho.

Ka dib waxaa lagu soo dhaweeyey Maareeyaha T.V. Qranka Khadar oo aad ugu mahad-naqay jaaliy ada sheegeyna inaanu iloobin dooni sida shrafta leh ee ay u soo dhaweeyeen. waxaa kale uu qaad aa dhigay horumarka uu T.Vgu sameeyey mudadii uu joogay, iyo sida ay ugu talo jiran inay wax muu qda ummada u qabtaan.


 




Timacade News Desk
Rotterdam, Holland