Xaguu Madaxweyne Axmed-siiraanyo uga guuray......

 

 

 


Munaasibada xuska sannadguurada 52aad waxa aan hambalyo u dirayaa dhamaan Shacabka Jamhuuriyada Somaliland.

Si gaar ah Saxaafada madax-banaan waxaad iga gudoontaan salaan iyo qadarin,waxaanan dawl ada ugu baaqayaa in saxaafada madaxabanaan laga daayo hagar daamada, si dhakhsaana gola ha wakiiladu u ansixiyaan xeerka saxaafada ee muddada laga sugaayay.


Aan u daadago godkaan u gol leeyahay,madaxweyne Axmed-siiraanyo waxa aan qirsanahay in uu siyaasadii dibada ee dalka u jeediyay jidkii 60kii dalkani ku hungoobay.Waxa kale oo aan u qir ayaa inuu magacii dalkan loo bixiyay ee uu shacabku ku xariiqay dastuurka kala jaray.Sida ku xar iiqan distuurka waa sidan:

TILMAANTA GUUD
QODOBKA 1AAD
QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND


1. Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowd ay ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii July l960kii si ay u wada curiy aan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go'aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkandal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadusa, kuna magacaaban“Jamhuuriyadda Somaliland”.
 

2. Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaq san Dastuurka iyo xeerarka kale.

Sida ku cad qodobkaa magaca aynu qaadanay waa “Jamhuuriyada Somaliland.” Balse madaxwey ne Axmed-siiraanyo waxa uu ka yeelay Sheikh Shariif iyo boqorada ingriiska inuu magaca kala ja ro, maatana inta danbe ee ah “Somaliland” oo macnaheeda siyaasadeed u dhiganyahay gobol ka tirsan Somaliya sida Puntland.Shirarkii aynu la galay Somaliya ee London,istanbuul iyo kan ugu danbeeyay ee Kent intaba miiska looxa waftiyadeenii hor yaalay waxa ku xariiqnaa“Somaliland.” Waxa kale oo cadaynaya wasiirka arrimaha dibada ee Jamhuuriyada Somaliland oo isticmaalayay magacan ka soo axay dibada ee “Somaliland.” Waxa wasiirka hal-hays u noqotay una dhigaa odh aahdiisa“Somaliland yo dawlada KMG ah ee Somaliya.” Mar qudha afkiisa sooma marin Jamhuuri yada oo cadaynaysa Madax-banaanida Jamhuuriyada Somaliland.Waxa hadaba isweydiin leh ma rka ay shirarka noocani ee lala galay Somaliya waa maxay sababta u diidan wasiirka inuu adeegs ado magaca dalkan oo ah Jamhuuriyada Somaliland? Jawaabta waxa aan u dhaafayaa akhristaya asha ah muwaadiniyiinta.


Hadaan tusaale kale soo qaato,madaxweyne Axmed-siiraanyo xafiisyadiisa ay wasiirada iyo aga asimayaashu fadhiyaan map-ka dhabarkooda sudhan ee Jamhuuriyada Somaliland waxa ku cad 6 gobol oo kala ah:

gobolka waqooyi galbeed!!!,Awdal,Saaxil,Togdheer,Sanaag iyo Sool.Tilmaantaasi waxay muujinay saa inaynu nahay gobolo ka tirsan Somaliya.Wax laga bedelay ma jirto,waana map-kii dawladii Afweyne samaysay.
gobolka ay Hargeysa ku taalo waxaynu u naqaanaa Maroodi-jeex balse map-ka ay adeegsato dawlada uu hogaamiyo Axmed-siiraanyo waxay adeegsataa map-ka ay ku xariiqan tahay “Gobol ka waqooyi galbeed.”

waydiinta ii raacdaana waxa weeye,miyuu shacabku ogolyahay in aduunka,Sheikh Sharif iyo mad axweyne Axmed-siiraanyo ula dhaqmaan Jamhuuriyada Somaliland gobol ka mid ah Somaliya? Jawaabta shacabka ayaan u dhaafay.


Ugu danbayn waxa aan halkaa ku dhaafayaa qaybtii 1aad oo qoraalkan,waxaanan qaybta 2aad ku soo qaadan doonaa waydiinta aan maqaalkan madaxa uga dhigay oo ah “Xaguu Madaxweyne Axmed-siiraanyo uga guuray xisbigii uu ka soo baxay ee Kulmiye?

La soco qaybta 2aad…
 

 

 

 

 

Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL