xafladii qalinjabinta ardayda iyo wacdarihii agaasinka ururka ardayda jsl/yemen.

 


Sanca (TNN)-Xaflad aan nooceeda hore loogu arag dalka Yemen ayaa habeenkii xalay ahaa  wa xay ka dhacday hool wayn oo ku yaala jaamacadda Culuum Wateknolojiya ee magaalada Sanca. Xafladdan oo ay soo qaban qaabiyeen fuliyeena ururka ardayda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Yemen, waxay ahayd munaasibad ilyartu is qabatay oo aan loo kala hadhin, waxana ka  m uuqday wajiyo kala duwan oo soomali iyo ajaanibba leh. Xafladda waxa lagu soo bandhigay  ba rnaamijyo kala duwan oo aad u raali galiyay dhamaanba dadka kasoo qayb galay.


Kulliyadaha ardaydani ka qalin jabiyeen waxay kala yihiin Engineering, Labarotories, Mass  Com munication (Media/TV.Radio), Business Administration, Computer Science, Accounting, Pharm acology, Agriculture, waxayna waxbarashadooda ku qaateen jaamacadaha Sanca, University of Science & Technology, Open University of Malaysia/International College iyo Queen Arwa  Univ ersity. Dufcaddan ayaa loogu magac daray buurta quruxda badan ee DAALO.


Xidhiidhinta xafladdan waxa si talan taaliya u waday C/ladif Cisman Caabi iyo C/qadir Maxamed Nuux, waxana aayado quraan ah oo lagu furay ka dib madasha ka hadlay guddoomiyaha ururka Ardayda Somaliland ee Yemen, Mudane Axmed Maxamuud Cilmi -Shawqi , isaga oo ka  warbixi yey hawlaha ururka, xidhiidhka uu la leeyahay bulshada somaliland ee Yemen, jaaliyadaha ka dhisan Yemen, Ururada ardayda ee dalalka kale. Gudoomiyuhu wuxu sidoo kale soo jeediyay  da rdaaran ku socda ardayda qalinjabisay isaga oo ugu baaqay inaanay halkaas kaga hadhin  tacli inta ee ay sii wadaan, isaga oo ugu danbayntiina u hambalyeey una rajeeyey mustaqbal iyo nolol wanaagsan.


Sidoo kale waxa kelmado wax ku ool ah madasha ka jeediyay xoghaya ururka ardaya Mudane Xasan X. Axmed Qanciye isaga oo ka warbixiyey ardayda ururka, wuxuna hambalyo usoo  jeedi yay dhamaanba dhinacyada la garab taagan ururka taageero hiil iyo hooba ah.

Mr. Ilyas Ramadan oo ah macalin wax ka dhiga dalka Yemen oo dhalasho ahaan ka soo jeeda  K osovo, ayaa munaasibadda hadal aad u qiimo badan kasoo jeediyay kaas oo ku saabsanaa  qadi yada gooni isu taagga Somaliland isaga oo tilmaamay meelaha aynu iskaga midka nahay iyo in ugu danbaynta aynu ictiraaf helayno. Khudbadiisa oo ku baxday luqada Englishta waxay  muuji naysa sida qaddiyadda Somaliland ay ula mid tahay qaddiyadda Yugoslafiya, taas oo uu  tilma amay in musuq maasuq iyo maamul xumo darteed ay reer Kosovo ahaan u goosteen inay  mad ax banaani helaan taas oo u rumowday.


Waxa isaguna halkaas hadal kasoo jeediyay guddoomiyaha danaha jaaliyadaha Soomaliyed ee dalka Yemen Mudane Maxamed Cali Xersi - Dhegdhaqaaje, isaga oo u hambalyeeyey ardayda qalinjabisay iyo ururka ardayda Somaliland ee Yemen oo ku tilmaamay mid firfircoon oo qabta arrimo aad u muhiim ah. Gudoomiyaha waxa shahaado sharaf madasha ku gudoonsiiyay  Arda yda Jaamacadda Culuumta Wa Teknolojiya ee ka qalin jebiyay.


Wakiil-ku-xigeenka xafiiska Somaliland ee Dalka Yemen, Mudane Maxamed Xirsi Gudaal, ayaa  is na halkaas ka hadlay, isaga oo ka warbixiyey dalka Somaliland iyo sida ardaydan qalin  jabin  ay sa oo kale ay wax uga tari karaan, wuxu sidoo kale u hambalyeeyey ururka ardayda  Somali land ee dalka Yemen iyo wax qabadkiisa, ugu danbayna wuxu ku booriyay ardayda inay  waxba rashada si wadaan oo dedaalka sii laban laabaan.


Munaasibaddani waxay ahayd mid farxad badan, jamaahiirtii madasha fadhidayna kasbatay, wa xana halkaas lagu soo bandhigay abaal marino la siiyay qaar ka mid ah kasoo qayb galayasha kuwaas oo ka jawabay su'aalo la waydiiyay, sidoo kale waxa goobta ka hadlay C/risaq Cisman Dawlad iyo Muna Maxamed Xirsi oo afka ardayda qalin jabisay ku hadlay. Dhanka kalena waxa hadalo qiimo leh soo jeediyay dadkii ka hadlay xafladda oo ay ka mid ahaayeen inan ku  hadlay say magaca xubnaha guud ee ururka, Sahra Xuseen Maxamed kuna khudbadaysay luqadda ca rabiga iyada oo farxadeeda ku cabirtay kelmado macaan oo ay u jeedisay qalin jabiyayaasha iyo dadka goobta fadhiyayba.

Xafladdan waxa shahaadooyin ururku ku gudoonsiyay ardayda qalin jabisay, waxana dabaal  de gga qalin jabintu ahaa mid aad loo soo agaasimay iyada oo ardayda qalin jabisay fadhiyeen  kur aas gaar ah oo loo qoondeeyey, sidoo kale waxay hoolka xafladu ka socotay usoo galeen qaab cajiib ah iyaga oo markii danbena fuulay stage-ka ama halka laga daadihinayay xafladda  halka as oo ay ku qaateen dabaal deggooda.



Isku soo wada duuboo xafladdan oo dad tiro badani oo aan hore loogu arag xafladihii hore  ka soo qayb galeen, waxay u dhacday habsami iyo hanaan qurxoon, waxana lagu soo bandhigay tix iyo tiraab, madadaalo, hadalo hambalyo iyo dardaaranba ah, iyo barnaamijyo kale. Waxay ahayd xaflad koobsatay luqadaha saddexda ah ee English, Arabic iyo Somali.
 


Xoghaya Ururka Ardayda JSL ee Yemen
susyemen@hotmail.com
Sanca, Yemen