Xafladii daah furka Urur Siyasadeedka Xaqsoor ee London

 



London (TNN)-Waxa caawa goor dhawayd lagu soo gabagabeeyay Diamond Hotel ee galbeedka ma gaalada London xafladiii daahfurka urur siyaasadeedka Xaqsoor taas oo taageerayaashisu ay iskaga imaadeen dhamaan gobolada ingiriiska oo dhan .


Xafladan oo ahayd mid si meeqaam sare leh looso agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay taag eerayaal aad u tiro badan iyo dadwayne reer Somaliland ah oo isugu jira aqoonyahano, culimo aw diin , dhalinyaro, haween iyo siyaasiyiin kasocday ururada siyaasada Somaliland.
Dhamaan dadka kasoo qaybgalay xafladasi waxay ka sinaayeen amaan iyo tageero ay u hayeen ururka xaqsoor iyo hogaankiisa iyadoo aad looga sheekeeyay taariikh nololeedkii Muj Xasan Ciise Jamac iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa Mudane Cali Maxamuud Cali Sandule

Sidoo kale waxa war ay ku diirsadeen noqotay ka dib markii urur siyaasadeedka Xaqsoor uu si qu ruxbadan oo waxku ool a uga keenay guul tartankii koowaad ee kala reebka ururadii Tirada badn aa ee wadanka lagaga dhawaaqay .


Dhamaan marti sharafkii iyo Taageerashii kasoo qaybgalay xafladu waxay hambalyo gaara gaad hsiinayeen dhamaan Hawlwadeena ururka Xaqsoor . Ugu danbayntiina koox fanaaniin ah oo ay hor kacaysay fanaanadii waynayd ee Sahra Axmed Jaamac ayaa heeso isdaba jooga kusoo gaba gabeeyay xafladaasi .



A. Hangagaar
London, UK