Xafladd Lagu Daah Furayey Buug la Magac Baxay Darka Maada oo lagu qabtay Hargeysa


 

 

Xaflad lagu daah furayey Buug la magac baxay Darka Maada oo uu Qoray Muuse Dalmar ayaa caawa lagu qabtay Hetel Sumer Time ee Magaalada Hargeysa.


Hargeysa (TNN)-Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yih iin Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), Guddoomiy aha Maamul Wanaaga iyo ka hor taga Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar, Suldaan Daakir, Agaasimaha Wasaaradda Madaxtooyada Xasan Cabdi Madar iyo Marti Sharaf.


Buugan ayaa waxa dadka sharaxaad ka siiyay isla markaana soo bandhigay Axmed Shawqi iyo C/ladiif Caabi waxana ay ka warbixyeen Nuxurka uu xanbaarsan yahay Buugani, Waxana ay si adag uga hadleen ujeeddada iyo dulucdda ku duugan buugan.


Xafladan ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Axmed Maxamed Shaqalle isaga oo ka war bixiyey m arxaladihii kala duwanaa ee uu Buugu soo maray, waxyaabaha loogu talo galay in Xafladan lagu soo bandhigo, waxaanu Mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Shirkadda Somtel oo ka qayb qaa datay hir gelinta Xafladan.
Qoraaga Xasan Cabdi Madar imikana ah Agaasimaha Wasaaradda Madaxtooyada oo isna halkaa si ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo cid kasta oo ka qayb qaadata dhiirigelinta Ho rumarka Afka Somaliga.


Abwaan Axmed Aw Geedi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa fariin u soo jeediyey Bulshada isaga oo kula dar daarmay in ay ilaashadaan Afkooda waxna akhriyaan si ay horumar u gaadhi kara an, isaga oo ka codsaday Xukuumadda iyo cidii Gacan ka gaysan kartaba in dib loo soo celiyey Maktabaddii guud ee ay Bulshadu wada lahaan jirtay, taas oo imika ah Saldhiga Boolis.

Cabdalle Xaaji oo ka soo jeeda Wadanka Jabuuti oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu mar kasta jecel yahay in uu u fasax yimaado Hargeysa, waxaanu sheegay in uu soo dhaweynay o Buugaag kasta oo laga qoro Afka Somaliga si loo horumariyo.

Madashana ayaa waxa lagu soo bandhigay Riwaayad ka hadlaysa Faa’iidada uu Dhulka Hooyo leeyahay.
.
Guddoomiyaha Maamul Wanaaga iyo ka hor taga Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar oo is na halkaasi ka hadlay ayaa Dhalinyarada u soo jeediyey in ay wakhtiga ka faa’iideeyaan oo wax akhriyaan si ay Cilmi badan u fa’iidaan, waxaanu ka sheekeeyey Wakhtiyadoodii sidii aanay u heli jirin meelo ay wax ku akhriyaan, waxaanu isaga oo Arrimahaasi ka hadlaya “Wakhtigayagii maanu heli jirin meelo ama buugaag aanu wax ka akhrino amaba waabay iska yaraayeen, laakiin imika Buugaag iska daayoo cid waliba waxa ay sidataa Laptob iyo Koombuyuutar, waxaanan idinkula talinayaa Dhalinyarooy in aad wax akhridaan oo aad wakhtiga ka faa’iidaysaan”.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxman Cirro) oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Qoraalka Buugaagta Somaliga ah waxaanu bala n qaaday in uu Buugaag badan u qaadi doono Maktabad loo sameynayo .



Sacadf Muuse Cabdi
Hargeysa Somaliland