Xaflad Qalin-jebin Ah Oo Aad U heersareysa oo loo Qabtay Arday Tiro Badan Oo Ka Tirsan Dugsigyadda Albaraka iyo Arday Loo Tababray Dhiraynta oo markii ugu horesey Qallinjabiyey.

 


 


Hargeysa (TNN)-Maamulka guud ee dugsiyada Albaraka, ayaashalay xaflad qalin-jebin ah magaalada Harge ysa ugu qabtay arday tiro badan oo ka tirsan Dugsiyada Albaraka iyo arday halbo ah oo lagu tababaray mashruuc loo yaqaan ENO


Xafladda qalin-jebinta oo ay ka soo soo qayb-galeen maamulaha guud ee dugsiga Albaraka Nuuradii n Maxamed Yoonis, Agaasimaha waxbarashada gaarka ah ee wasaaradda waxbarashada Muuse Ma xamed Shide, Suldaan Axmed Daahir Yuusuf, aqooyahanoMaxamed Cumar Carte, masuauliyiin ka tirs an shirkada somtel macalimiinta Iskuulada Albaraka, waalidiin iyo arday aad u tiro badan oo ka tirsa n Dugsiyada Albaraka ayaa lagu qabtey Hotel Crow Ee Magaalada Hargeysa .



Maamulaha guud ee dugsiyada Albaraka Nuuradiin Maxamed Yoonis oo halkaa ka hadlay, ayaa si we yn ugu hamadceliyey guud ahaan dadkii ka soo qaybgalay xafladda, isaga oo sheegay inay xafladaa u qabteen abaal-marino ay ku guddoonsiinayaan ardaydii ugu saraysay Dugsiga sare gaar ahaan galaasyada Form 1-ka, 2-ka ito 3-ka.



Waxa kale oo uu maamuluhu sheegay inay shahaadooyin guddoonsiinayaan arday halbo ah oo lagu tababaray mashruuc loo yaqaan ENO [Environment Online], kaas oo uu sheegay in Albaraka nasiib u helay inuu ka mid noqdo 55000 oo iskuul oo mashruucaas laga fuliyo, isla markaana xaruntiisu tahay waddanka Finland.



Maamulaha guud ee dugsiyada Albaraka Nuuradiin Maxamed Yoonis waxa kale oo uu xusay inay xidh iidh la leeyihiin College la yidhaahdo Stockholm College oo ku yaala dalka Sweden.



Waxa kale oo uu Maamulaha Dugsiyada Albaraka uu halkaa shahaado-sharaf ku guddoonsiiyey shirk ada SOMTEL oo qayb weyb ka qaatay maal-gelinta xafladda

Agaasimaha waxbarashada gaarka ah ee wasaaradda waxbarashada Muuse Maxamed Shide oo isna xafladaa ka hadlay, ayaa si weyn u hambalyeeyey ardayda qalinjebisay iyo kuwa abaal-marinnada la guddoosiiyey, isaga oo sheegay inay wasaarad ahaan wada-shaqayn fiican leeyihiin Dugsiyada Albaraka. Waxaana uu ku ammaamay dadaalka horumarka leh ee isku ku tallaabsaday muddooyinkii ugu dambeeyey



Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Suldaan Daahir Yuusuf Iyo Maxamed Cumar Carte oo hoosta ka cala amadiyey horumarka uu muddooyinkii ugu dambeeyey ku tallaabsaday Dugsiga Albaraka oo hadda isku bedelay Iskuulo, iyaga oo ardayda ku waaniyey inay wakhtiga ka faa’iyda isla markaana la yima adaan dadaallo u sahla inay ka midha-dhalin karaan himiladooda waxbarasho.



Macallimiin iyo Arday Iskuulka ka tirsan oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa dadka u soo bandhigay horumarka aqooneed ee dugsiyada Albaraka ku tallaabsadeen, iyaga oo sheegay inay halkaa ka sii wadayaan.


Gabogabdii Waxaa uu Agaasimaha waxbarashada gaarka ah ee wasaarada waxbarashada iyo taclii nta srae ee somaliland md Muuse Maxamed Shide shahaadooyin iyo abaal marino gudoonsiiyey arde ydii dhameysatey tabobarka dhireynta ee ENO Progaram iyo Ardeyda seddeda kaalmodo ee hore ugashey fasalada 1aad,2aad iyo 3aad ee dugsiga sare ee albarka.


Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland