XAFLAD
LAGU XASUUSANAYAY
HALGAMAYAASHII IYO HALGAN KII
JABHADII AFRAAD

Wasiiru Dawlaha Hawlaha Guud Iyo
Guriyaynta Mudane Xirsi Aw Cabdi Sheekh
iyo Gudoomiyaha Gobolka Gabiley mudane Axmed
Maxamed Aw Cabdi (xabiib)
ayaa maanta soo agaasimay xaflad lagu xusayay halgamayaashii iyo
mujaah idiintii AFRAAD oo lagu qabtay
hoolka shirarka dawlada hoose ee magaalada Gabiley.
Xafladaasi oo ay kasoo qaybgaleen wasiirka arimaha gudaha mudane
C/laahi Ismaaciil Cali (cirro),
wasiiru dawlaha wasaarada hawlaha guud iyo guriiyayn mudane
Xirsi Aw Cabdi Sheekh, Gudoomiyaha
gobolka Gabiley mudane Axmed Maxamed Aw Cabdi
(xabiib), xoghaya xisbiga udub ee UK
mudane Maxamed Aw Daahir, Gudoomiyaha
Xisbiga UDUB ee gobolka Maroodi Jeex mudane
Cismaan Waxar, xildhibaan ibraahin
Axmed Haybe iyo mujaahidiin ka tirsan ururka halgamayaasha ee
AFRAAD.
Waxaa halkaa ka hadlay wasiir wasaarada arimaha gudaha mudane
C/laahi Ismaaciil Cali (cirro)
oo ugu horayn ka codsaday ka soo qayb galayaasha inay faataxada loo
maro mujaahidiintii ka tirsanayd ururka AFRAAD
ee geeriyo oday. Wasiirku arimaha guduhu waxaa kale oo uu mahadnaq
usoo jeediyay cidkasta oo ka qaybqaadatay qabashada xafladan.
Wasiirku waxaa uu soo jeediyay in la qoro taariikhda mujaahidiintii
AFRAAD hadii kale ay lumi doonto.
Wasiirku waxaa ku booriyay inaany xafladani maantoo kaliya noqonin
ee halgankii ay bilaabeen mujaahidiintii
AFRAAD diiwaanka la galiyo oo sanad kasta la xuso, ninkasta
oo taariikhda badh ka hayana laga reebo inta ka nool mujaahidiintii
AFRAAD. C/laahi Cirro waxaa kale oo
dadwaynaha gobolka gabiley u sheegay in hadii hadii maanta la
bilaabay ayna maanta oo kaliya ku ekaan ee ujeedadu ay tahay in
taariikhdii wadanka oo dhan la iskugu yimaado, hadii gabiley lagu
qabanaayo waa xusuus gobolka magac u ah, taariikhna u ah umada ree
Somaliland .
Waxaa kale oo isna xafladaasi hadal ka jeediyay wasiiru dawlaha
wasaarada hawlaha guud iyo guriyaynnta mudane
Xirsi Aw Cabdi Sheekh oo isna xusay in ay maantu noqon doonto
maalin aad ugu wayn guud ahaan qaranka Somal iland iyo gaar ahaan
gobolka Gabiley. Waxaa kale oo uu wasiiru dawluhu she egay inaynu
maanta u bixin doono maalina xusuusta ururkii
AFRAAD oo ku beegnaan doonta 19 March. Wasiiruhu dawluhu
waxaa uu intaa sii raaciyay in sida aynu wada ognahay aanu qaranku
ahayn mid aan ciyaar ku iman, ciya arna lagu baabiin karo ee uu
yahay mid ku dhisan sharci oo abtirsiin, taariikh dheer, kala
danbayn iyo distoor leh, cidkasta oo qalooc wadaana ayna umada ree
Somaliland ka mid ahayn. Ugu danbayn waxaa uu wasiiru dawluhu
shee gay inaanay maantu noqon doonin maalintii ugu danbaysay ee la
xuusto taariikhda iyo xusuus qorka halgamayaashii jabhadii
AFRAAD.
Gudoomiyaha Gobolka Gabieley mudane Axmed
Maxamed Aw Cabdi (xabiib) oo isna xafladaasi hadal kooban
kasoo jeediyay ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay muhiimada ay
maalintani u leedahay guud ahaan shacabka somaliland iyo gaar ahaan
gobolka gabiley. Badhasaabka gobolka Gabiley waxaa uu she egay in
maanta laga bilaabo si joogto ah loo xusi doono mujaahidiintii
ururkii AFRAAD. Badhasaabku waxaa kale oo intaa raaciyay in maanta
dan inoo tah ay inaynu hadhsano calan aynu usoo halganay, aynu
usoo dhimanay, aynu usoo dhaawacanay iyo waliba ay ubadkeenii qaar
badan u dhinteen.
Mudane Xabiib waxaa kale oo xusay inay ka maamul ahaan la garab
taagan yihiin wixii taageero ah ee u baahan tahay qorista iyo
ururinta taariikhdii AFRAAD.
Waxaa kale halkaa isna ka hadlay xildhibaan ka mid ah xildhibaanada
golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland Ibraahin Axmed Haybe
waxaana u salaam usoo jeediayay dhamaan xubnaha kasoo qayb galay
xaflada waxaana uu ush eegay in maanta ayna ahayn maalin
siyaasadeed ee ay tahay maalin taarii khiya oo aynu
xusuusanayno halgamayaashii iyo mujaahidiiintii ururkii
AFRAAD. Xidhibaanku waxaa kale oo uu
sheegay inay AFRAAD ahayd iftiinkii ugu
horeeyay ee ka baxa Somaliland , waxayna meelkasta kaga jirtaa baal
dahab ah. Waxaa uu xildhibaanku uu carabaabay muranka siyaasadeed ee
maanta ka taagan dalka uuna sheegay inuu ku dhamaan doono sifo
sharci ah. Gunaanadkii waxaa uu xildhibaanku yidh “hadii aynu nahay
ree gabiley inaynu gacmaha is qabsano si aynu dalkeena iyo dadkeena
wax ugu qaban lahayn.
Waxaa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay xubno ka mid ah
mujaahidiintii iyo halgamaayaashii AFRAAD oo ay ka mid ahaayeen
mujaahid Maxamed Aadan Cigaal (wadaadyare),
Cabdi Cismaan Aadan (cabdisiyaaro)
iyo kuwo kale oo dhamaantood ka sheekeeyay taariikhdii Ururkii
AFRAAD iyo marxaladihii kala duwanaa ee
uu soo martay Jabhadii AFRAAD. Mujaahid
Cabdisiyaaro ayaa isaguna Gabay qiiro leh oo ka hadlayay dhibtii
Afwayne iyo sidii ay ula tacaaleen ururkii
AFRAAD ka tiriyay xafaladan lagu xasuusanay halgamayaashii
iyo mujaahidiintii ururkii AFRAAD.
Xafladan oo ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda oo kale ah ayaa waxay
ku dhamaatay jawi farxad iyo qiiro badan lahaa.
GABILEYNEWS
|