Xaflad Lagu Furayey Urur Bulsho Oo Wadani Ah Oo La Mag ac Baxay Shawo Oo Maanta Lagu Qabtay Hargeysa.
 


Hargeysa (TNN)-Xaflad loo qabtay Furitaanka Urur lagu magacaabo Shariif Women Organisation, isla markaana loo soo gaabiyo Shawo oo ay ku midoobeen Haween iyo Dhalinyaro ayaa maanta lagu qabtay Hutel Imperial ee Magaalada Hargeysa.


Xafladan oo ay ka soo qayb galeen Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka C/waaxid C/qaadir C/raxm aan, Maareeye ku xigeenka Hay’adaasi Xuseen Cabdi Cali iyo Guddoomiyaha Hay’ada Wadinga ah ee ODHA Marwo Faadumo Siciid.


Guddoomiyaha Ururkan SHAWO Fatxiya Aadan ayaa ka hadashay Ujeedooyinka iyo Sababaha ay u aas aaseen Ururkan, iyada oo sheegtay in ujeedada ay aas aaseen ay tahay sidii ay Bulshada wax ugala qaban lahaayeen baahiyaha ay tabaayaan oo ay ka mid tahay inay caawiyaan Hawee nka aan waxba baran, Caruurta darbi jiifka iyo sidii ay ula tacaali lahaayeen Dadka uu asiibay Cud urka Dilaaga ah ee HIV-AIDS-ku.Guddoomiyaha Ururkan Marwo Fatxiya Aadan oo arrimahaa ka hadlaysaa waxa ay tidhi “Ururkan waxa la aas aasay 20-July-2011, waxaana aas aasay Dumar iyo Dhalinyaro Mutadawaciin Reer Somaliland.


Ururkan Ujeedada loo aas aasay waxa weeyaan in uu ka caawi Waxbarashada Haweenka Guri jo ogta ah ama aanay Fursadu u saamixin inay wax bartaan, waxa kale oo uu ka shaqayn doonaa wacyi galinta dadka Qaba Cudurka HIV-ga, waxa kale oo uu ka shaqayn doonaa wax ka qabashad a Deegaanka, sidoo kale wax ka qabashada dadka Naafada ah, waxa kale oo uu ka shaqayn doonaa Caruurta dayacan ee Reer Somaliland”


Agaasimaha Ururkan SHAWO C/raxmaan Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay qorshayaashooda ay ku doonayaan in ay Bulshada ku horumariyaan, isaga oo ka sheekeeyey Sababta keentay in Ururkan la aas aaso.Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Hay’a da ODHA Marwo Faadumo Siciid iyo Agaasimaha Dalada Dhalinyarada ee SONYO Siciid Maxamed Axmed, iyaga oo sheegay inay soo dhawaynayaan Ururkan ku soo biiray Urarada Arrimaha Bulsh ada ka shaqeeya, wixii karaankooda ahna ay la qaban doonaan.


Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka Somaliland C/waaxid C/qaadir C/raxmaan iyo Mareeye ku xigeenka Hay’adaasi Xuseen Cabdi Cali, waxaanay u soo jeediyeen Ururkan inay qorshahoodana ku darsadaan sidii loo daryeeli lahaa Wadooyinka Dalka.

 


Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@Gmail.com
Hargeysa Somaliland