XAFLAD DHAQAMEEDKII UGU BALLAADHNAA ABID OO LOO SAMEEYEY LOOGUNA DUCEEYEY SULDAANKA GUUD EE GOBOLKA GABILEY SULDAAN ISMAACIIL SULDAAN CABDIRAXMAN

 

SULDAAN ISMAACIIL SULDAAN CABDIRAXMAN

 

Hargeysa, Dec 2008 (TNN) :-Xaflad dhaqameed aad u ballaadhan oo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdi raxmaan Sheekh  Muxumed loogu ducaynayey, ayaa maanta lagu qabtay Hoteelka Maa nsoor ee ma gaalada Hargeysa.

Xafladan oo ahayd qado si wayn loo soo ag aasimay, ujeedade eduna ahayd duco loo samayn a yey Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan ,oo dhawaan loo caleemo saaray Saldanada Gu ud ee Bees ha degaanka Gobolka Gabiley, ka dib markii Aabihii xil kaa ka geeriyooday bishii Dec ember 2008, aya a waxa lagu marti qaaday in ka badan 400 qof oo isugu jira Madax-dhaqame edyada guud ahaan be elaha Somaliland iyo siyaasiyiin ka socday saddexda xisbi qaran iyo xuk uumada.

Munaasibadda oo si wayn uga duwannayd xafladaha dhiggeeda ah, isla markaana loo gaaryee lay martiqaad dhaqameed keliya oo arrimo kale ka madaxbannaan, waxa ka qayb galay Mada x-dhaqa meedyadii ugu tirada badnaa oo ka kala socday dhamaan beelaha kala duwan ee Som aliland ku no ol ee abid ku kulma munaasibadahan oo kale, wasiiro tiro badan oo ka tirsan xuku umadda, hoggaa miyeyaasha labada xisbi mucaarid, maamulka iyo madaxda Gobolka Gabiley iy o weliba martisharaf kale.

Xaflad-dhaqameedka loogu ducaynayey Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxume d oo ah wiil dhallinyaro ah, soona qaban qaabiyeen ganacsatada iyo aqoonyahanka ka soo je eda degaa nnada Gobolka Gabiley ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku kala nool, ayaa waxyaa baha ka-qayb gal ayaasha aad u soo jiitay waxa ka mid ahaa, waa madashii ugu horreysay ee ay ku kulmaan mucaa ridka iyo muxaafidka xafiiltanku ka dhexeeyo ee aan lagu soo hadal qaa din arrimo siyaasadeed, loo na gaar yeelay duco iyo dardaaran dhaqan oo xubno kooban kalk aa uga jeediyeen, iyadoo madash a martiqaadka qadada fadhiyeen siyaasiyiin wejiyadoodu ka la didayeen oo u soo diyaargaroobay inay munaasibadda wadhooda ka ritaan, balse du ruufta iyo jewiga xafladdu dibnahooda xidhay.

Madaxda siyaasadda ee xafladdaa ka qayb galay waxa ka mid ahaa Guddoomiyeyaasha labad a xis bi mucaarid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Eng.Faysal Cali Waraabe, ku-xigeen nadooda, M uuse Biixi Cabdi, Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Murrashaxa jagada Madaxweyna ha Xisbiga UDUB Cabdillaahi Xuseen Iimaan (darawal), Eng. Maxamed Xaashi, Mujaahid Cabdira xmaan Aw Cali Faara x, wasiiradda arrimaha gudaha,Madaxtooyada , waxbarashada, macdan ta iyo biyaha, dib-u-dejinta ,Gudoomiyaha Gobolka Gabiley iyo xubno kale oo tira badan.

 
Hasa yeeshee, X. Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka mid ahaa xubnaha kooban ee ma karaf oonka lagu martiqaaday,ayaa isagu ka cudurdaartay in hadalka loo qaydo, kaas uu saba b uga dh igay inuu yahay qofka ugu da’da weyn ee madasha fadhiyey, isla markaana geyin ha dalka loo qiya aso.


Anigu hadalka la iima qiyaaso ama makarafoonka la iima dhiibo, waayo waxaan ogahay wax badan oo badi xafladda fadhiyaa aanay ogayn, markaa ha I afqabanina” ayuu yidhi X. Cabdi waraabe, wa xa kale oo xaajigu ka warramay taariikhdii iyo hab-dhaqankii Saldannada beesha Gobolka Gab iley. X. Cabdi kariim waxa uu si kooban wax uga taataabtay xaaladda dalka iyo xa saasiyadda doorasho oyi nka soo fool leh xambaarsan yihiin, sidaa darteedna wuxuu hoggaam iyayaasha saddexda xisbi qar an u soo jeediyey in ay u hoggaansamaan natiijo kasta oo ka so o baxda doorashada madaxtooyad a ee dhowaan loo tartami doono.

Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye iyo Caaqil Cabdi Ciidle Am  maan oo ku hadlayey magaca beesha Gobolka Gabiley ee martiqaadka sameeyey, ayaa iyaguna Sul daanka cusub u jeediyay hadallo isugu jira duco iyo dardaaran qotodheer oo ku w ajahan xilka mad ax-dhaqameed ee loo caleemo saaray iyo waliba masuuliyadda weyn looga b aahan yahay inuu dus ha u rito, iyagoo dhinaca kalena mahadnaq u jeediyey marti sharafta k ala duwan ee ka aqbalay xa fladda lagu casuumay.


Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed
oo xafladda soo gunaanaday ayaa si wayn u gu mahad-celiyay madax-dhaqameedyadda tirada badan iyo madaxda qaranka ee ka so o qayb ga lay munaasibadda loogu ducaynayey, waxaannu ballanqaaday inuu si daacadnimo ah u gudan doon o xilka culus ee loo xambaariyey, isla markaana ka leexan doonin tubtii Salda annada ee uu Aabbihii ka dhaxlay.

Source:SDWO

 

 

SULDAAN  ISMAACIIL  SULDAAN  CABDIRAXMAN

SULDAAAN ISMAACIIL IYO AXMED SIILAANYO

XAAJI CABDI WARAABE IYO MADAX DHAQAMEED TIRO BADAN

SULDAAN ISMAACIIL, SULDAAN DHAWAL IYO SULDAAN IBRAHIM

MUJAAHID MUUSE BIIXI CABDI

XABIIB IYO BADE

SULDAAN ISMAACIIL IYO FAYSAL CALI WARAABE